Samuu'eel Kowaad Chapter 17 SOM Bible Verse Images

Samuu'eel Kowaad 17 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Samuu'eel Kowaad 17 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Samuu'eel Kowaad 17:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba reer Falastiin waxay soo wada ururiyeen ciidammadoodii oo dagaal isu diyaariyey, oo waxay dhammaantood ku soo wada urureen Sokoh, oo ay reer Yahuudah leeyihiin, oo waxay soo degeen Efes Dammiim oo u dhexaysa Sokoh iyo Caseeqaah.

Samuu'eel Kowaad 17:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay Saa'uul iyo raggii reer binu Israa'iilna isa soo wada urursadeen, oo waxay soo degeen dooxada Eelaah, oo isu diyaariyeen inay la dagaallamaan reer Falastiin.

Samuu'eel Kowaad 17:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Falastiin waxay soo istaageen buur dhinac ah, reer binu Israa'iilna waxay soo istaageen buur dhinacii kale ah; oo waxaana labada qolo u dhexaysay dooxo.

Samuu'eel Kowaad 17:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaa xeradii reer Falastiin ka soo baxay nin tiirri ah oo magiciisa la yidhaahdo Goli'ad, oo reer Gad ah oo dhererkiisuna wuxuu ahaa lix dhudhun iyo taako.

Samuu'eel Kowaad 17:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaa madaxiisa u saarnaa koofiyad naxaas ah, dhar bir ahna wuu huwanaa, oo dharka miisaankiisuna wuxuu ahaa shan kun oo sheqel oo naxaas ah.

Samuu'eel Kowaad 17:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo lugahana waxaa ugu xidhnaa naxaas, garbaha dhexdoodana naxaas kale.

Samuu'eel Kowaad 17:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa, oo miisaanka afka warankiisuna wuxuu ahaa lix boqol oo sheqel oo bir ah; oo waxaana hor socday gaashaansidihiisii.

Samuu'eel Kowaad 17:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intuu soo istaagay ayuu ku qayliyey ciidammadii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, War maxaad ugu soo baxdeen oo aad dagaal isugu soo diyaariseen? Sow anigu ma ihi reer Falastiin, idinna ma ihidin addoommadii Saa'uul? Haddaba nin iska soo doorta, oo isna ha ii soo dhaadhaco.

Samuu'eel Kowaad 17:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo hadduu awoodo inuu ila diriro oo i dilo, markaas waxaan idiin noqonaynaa addoommadiinnii; laakiinse haddaan ka adkaado oo dilo isaga, markaas waxaad noo noqonaysaan addoommo oo waad noo adeegaysaan.

Samuu'eel Kowaad 17:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kii reer Falastiin wuxuu yidhi, Ciidammada reer binu Israa'iilow, car, maanta ii soo dira nin ila dirira.

Samuu'eel Kowaad 17:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Saa'uul iyo reer binu Israa'iil oo dhammu markay maqleen erayadii reer Falastiin way nexeen, aad bayna u cabsadeen.

Samuu'eel Kowaad 17:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Daa'uud wuxuu ahaa wiil uu dhalay nin reer Efraad ah oo deggan Beytlaxamta reer Yahuudah, oo magiciisana la yidhaahdo Yesay; oo isna wuxuu lahaa siddeed wiil; oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin duq ah oo joogay wakhtigii Saa'uul, oo dadkana aad buu ugu dhex gaboobay.

Samuu'eel Kowaad 17:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Yesay saddexdiisii wiil oo waaweynayd waxay Saa'uul u raaceen xagga dagaalka; oo saddexdiisii wiil oo dagaalka tagtay magacyadoodii waxay ahaayeen Elii'aab kii curadka ahaa, iyo Abiinaadaab oo ku xigay, iyo kan saddexaad oo Shammaah ahaa.

Samuu'eel Kowaad 17:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Daa'uudna wuxuu ahaa kii ugu yaraa; saddexdii ugu waaweynaydna waxay raaceen Saa'uul.

Samuu'eel Kowaad 17:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Daa'uudna hadba Saa'uul wuu ka tegi jiray, wuuna ku soo noqon jiray, inuu idaha aabbihiis Beytlaxam ku daajiyo aawadeed.

Samuu'eel Kowaad 17:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kii reer Falastiinna wuu soo dhowaan jiray subax iyo fiidba, oo wuxuu ismuujiyey afartan maalmood.

Samuu'eel Kowaad 17:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yesay wuxuu wiilkiisii Daa'uud ku yidhi, Waxaad walaalahaa u qaaddaa eefaah hadhuudhkan duban ah, iyo tobankan xabbadood ee kibista ah, oo haddiiba xeradii u qaad oo walaalahaa u gee,

Samuu'eel Kowaad 17:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo tobankan xabbadood ee burcadka ahna waxaad u geeysaa kun-u-taliyahooda, oo soo eeg sida walaalahaa xaalkoodu yahay, warkooda oo xaqiiqa ahna ii keen.

Samuu'eel Kowaad 17:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Saa'uul, iyo iyagii, iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu, waxay joogeen dooxadii Eelaah, iyagoo reer Falastiin la diriraya.

Samuu'eel Kowaad 17:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Daa'uud aroor hore kacay, oo wuxuu idihii kaga tegey mid dhawra; dabadeedna intuu tegey ayuu qaaday wixii Yesay ku amray. Markaasuu yimid meeshii gaadhifardoodku tubnaa, intii ciidankii goobta dagaalka u baxayay ay dirirta u qaylinayeen.

Samuu'eel Kowaad 17:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer binu Israa'iil iyo reer Falastiin dagaal bay isugu soo diyaariyeen, iyadoo ciidanba ciidanka kale ka gees yahay.

Samuu'eel Kowaad 17:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Daa'uud wuxuu alaabtiisii kaga tegey kii alaabta dhawrayay gacantiisii, wuuna ku orday ciidankii, oo intuu walaalihiis u tegey ayuu salaamay.

Samuu'eel Kowaad 17:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intuu walaalihiis la hadlayay, bal eeg, waxaa soo baxay tiirrigii reer Falastiin ee Gad ka yimid, ee magiciisa Goli'ad la odhan jiray, isagoo ka soo dhex baxay safafkii reer Falastiin, oo wuxuu ku hadlay erayadiisii hore oo kale; Daa'uudna taas wuu maqlay.

Samuu'eel Kowaad 17:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu markii ay ninkii arkeen ayay ka carareen, aad bayna uga cabsadeen.

Samuu'eel Kowaad 17:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War ma aragteen ninkan soo baxay? Hubaal wuxuu u soo baxay inuu reer binu Israa'iil careeyo; oo waxay noqon doontaa in ninkii isaga dila uu boqorku taajir ka dhigi doono oo maal badan siin doono; gabadhiisuuna siin doonaa, oo reerka aabbihiisna ku dhex xorayn doonaa reer binu Israa'iil.

Samuu'eel Kowaad 17:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Daa'uud raggii dhinaciisa taagnaa la hadlay, oo ku yidhi, Ninkii dila midkan reer Falastiin, oo ceebta ka qaada reer binu Israa'iil, maxaa lagu samayn doonaa? Oo bal yuu yahay buuryoqabkan reer Falastiin ee Ilaaha nool ciidammadiisa caraysan karaa?

Samuu'eel Kowaad 17:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkiina waxay ugu jawaabeen, oo ku yidhaahdeen, Sidan baa lagu samayn doonaa ninkii dila.

Samuu'eel Kowaad 17:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markuu ragga la hadlayay Elii'aab oo ahaa walaalkiisii ugu weynaa ayaa maqlay, oo Elii'aabna aad buu ugu cadhooday Daa'uud oo wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo dhaadhacday? Oo bal yaad uga soo kacday xayntii idaha ahayd oo cidlada joogtay? Anigu waan aqaan kibirkaaga, iyo xumaanta qalbigaaga ku jirta, waayo, waxaad u timid inaad dagaalka fiirsato.

Samuu'eel Kowaad 17:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Bal maxaan haatan sameeyey? Sow hadal uun ma aha?

Samuu'eel Kowaad 17:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu isagii uga jeestay mid kale, oo sidii oo kaluu kula hadlay; oo dadkiina sidii hore oo kalay ugu jawaabeen.

Samuu'eel Kowaad 17:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo erayadii Daa'uud ku hadlay markii la maqlay ayaa Saa'uul loo warramay, oo isna wuu u soo cid diray.

Samuu'eel Kowaad 17:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Ninna yuusan u cabsan isaga aawadiis; anoo addoonkaaga ah ayaan u tegi doonaa oo la diriri doonaa midkan reer Falastiin.

Samuu'eel Kowaad 17:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu ma awoodid inaad la dirirto midkan reer Falastiin, waayo, waxaad tahay wiil yar, isna dagaalyahan buu ahaa tan iyo yaraantiisii.

Samuu'eel Kowaad 17:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Anoo addoonkaaga ah waxaan hayn jiray idaha aabbahay, oo haddii libaax ama orso yimaado, oo idaha nayl yar ka qaato,

Samuu'eel Kowaad 17:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waan ka daba ordi jiray, oo intaan wax ku dhufto ayaan afkiisa ka soo bixin jiray; oo hadduu igu soo boodana intaan gadhka ku dhego ayaan dili jiray.

Samuu'eel Kowaad 17:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Anoo addoonkaaga ah libaaxii iyo orsadiiba waan dilay; oo midkan reer Falastiin oo buuryoqabka ahuna iyagoo kaluu noqon doonaa, waayo, wuxuu careeyey ciidammadii Ilaaha nool.

Samuu'eel Kowaad 17:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Daa'uud wuxuu haddana yidhi, Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin. Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, Rabbigu ha kula jiree.

Samuu'eel Kowaad 17:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul Daa'uud u xidhay dharkiisii, oo madaxiisana u saaray koofiyad naxaas ah, oo wuxuu kaloo huwiyey dhar bir ah.

Samuu'eel Kowaad 17:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Daa'uudna seeftii buu ku kor xidhay dharkiisii, oo wuxuu isku dayay inuu socdo, waayo, ma uu tijaabin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Saa'uul ku yidhi, Kuwan kuma socon karo; waayo, ma aanan tijaabin. Markaasaa Daa'uud iska dhigay.

Samuu'eel Kowaad 17:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuuse gacanta ku qaatay ushiisii, oo biyo mareenkuu ka sii doortay shan dhagax oo siman, oo wuxuu ku ritay kolaygii adhijirka ee uu haystay, kaasoo ahaa qandigiisii, oo wadhafkiisiina gacantuu ugu jiray; markaasuu u soo dhowaaday ninkii reer Falastiin.

Samuu'eel Kowaad 17:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo ninkii reer Falastiinna Daa'uud buu u soo dhowaaday; ninkii gaashaanka u sidayna wuu hor socday.

Samuu'eel Kowaad 17:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii kii reer Falastiin wax fiiriyey, wuxuu arkay Daa'uud, wuuna quudhsaday; waayo, wuxuu ahaa wiil yar uun, oo cas, oo soojeed qurxoon.

Samuu'eel Kowaad 17:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa kii reer Falastiin wuxuu Daa'uud ku yidhi, War anigu ma eey baan ahay waadiga ulo ii soo qaataye? Oo kii reer Falastiin Daa'uud buu ku habaaray magacyadii ilaahyadiisii.

Samuu'eel Kowaad 17:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii reer Falastiinna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ii kaalay oo hilibkaagaan siin doonaa haadka hawada iyo dugaagga duurka.

Samuu'eel Kowaad 17:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu Daa'uud kii reer Falastiin ku yidhi, Adigu waxaad ii soo qaadatay seef iyo waran iyo hoto; aniguse waxaan kuula imid magaca Rabbiga ciidammada, kaasoo ah Ilaaha ciidammada reer binu Israa'iil ee aad caraysiisay.

Samuu'eel Kowaad 17:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil;

Samuu'eel Kowaad 17:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo si uu shirkan oo dhammu u ogaado inaan Rabbigu wax ku badbaadin seef iyo waran; waayo, dagaalka Rabbigaa leh, oo gacantayaduu idinku soo ridi doonaa.

Samuu'eel Kowaad 17:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii kii reer Falastiin soo kacay oo uu u soo dhowaaday inuu Daa'uud ka hor tago, ayaa Daa'uud soo dhaqsaday oo ku soo orday xaggii ciidanka inuu ka hor tago kii reer Falastiin.

Samuu'eel Kowaad 17:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Daa'uud gacanta geliyey kolaygiisii, oo dhagax kala soo baxay, oo intuu wadhfiyey ayuu kii reer Falastiin wejiga kaga dhuftay, oo dhagaxiina wejigiisuu dalaq yidhi, markaasuu dhulka afgembi ugu dhacay.

Samuu'eel Kowaad 17:50 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaasuu Daa'uud kii reer Falastiin kaga adkaaday wadhaf iyo dhagax, oo wuu ku dhuftay, wuuna dilay; laakiinse Daa'uud gacanta seefu uguma jirin.

Samuu'eel Kowaad 17:51 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Daa'uud orday oo ag istaagay kii reer Falastiin, oo wuxuu ka qaatay seeftiisii, oo galkii ka soo bixiyey, oo intuu ku bireeyey ayuu madaxiina kaga gooyay. Oo kuwii reer Falastiinna markay arkeen in tiirrigoodii dhintay ayay carareen.

Samuu'eel Kowaad 17:52 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay raggii reer binu Israa'iil iyo raggii reer Yahuudah kaceen oo qayliyeen oo waxay eryadeen reer Falastiin, tan iyo dooxadii iyo ilaa irdaha Ceqroon. Oo dhaawicii reer Falastiinna waxay ku dhaceen jidka Shacarayim, iyo tan iyo Gad iyo ilaa Ceqroon.

Samuu'eel Kowaad 17:53 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer binu Israa'iilna way ka noqdeen reer Falastiinkii ay eryanayeen, oo xeradoodiina way dhaceen.

Samuu'eel Kowaad 17:54 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay.

Samuu'eel Kowaad 17:55 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Saa'uulna markuu arkay Daa'uud oo u baxaya kii reer Falastiin ayuu Abneer oo ahaa sirkaalkii ciidanka ku yidhi, Abneer, yarkanu waa ina ayo? Oo Abneerna wuxuu ku yidhi, Boqorow, noloshaadaan ku dhaartaye, kuuma sheegi karo.

Samuu'eel Kowaad 17:56 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Soo haybso yarka ina ayihiisa.

Samuu'eel Kowaad 17:57 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin.

Samuu'eel Kowaad 17:58 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Inanyahow, ina ayaad tahay? Oo Daa'uudna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay wiilkii addoonkaaga Yesay ee reer Beytlaxam.

Available Bible Translations

American Standard Version
1 Samuel 17 (ASV) »
King James Version
1 Samuel 17 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
1 Samuel 17 (GW) »
World English Bible
1 Samuel 17 (WEB) »
Louis Segond 1910
1 Samuel 17 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
1 शमूएल 17 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
1 ਸਮੂਏਲ 17 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
1 চমূৱেল 17 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
1 சாமுவேல் 17 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
1 शमुवेल 17 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
1 సమూయేలు 17 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
1 શમુએલ 17 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
1 ಸಮುವೇಲನು 17 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
صَمُوئِيلَ ٱلْأَوَّلُ 17 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
שמואל א 17 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
1 Samuel 17 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
1 Sa-mu-ên 17 (VIE) »
Reina Valera Antigua
1 Samuel 17 (RVA) »
La Sacra Bibbia
1 Samuele 17 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
撒 母 耳 记 上 17 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
撒 母 耳 記 上 17 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
1 Samuelit 17 (ALB) »
Библия на русском
1 Царств 17 (RUSV) »
Українська Біблія
1 Самуїлова 17 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
1 Sámuel 17 (KAR) »
Българска Библия
1 Царе 17 (BULG) »
De Heilige Schrift
1 Samuël 17 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
1 Samuel 17 (DA1871) »

Samuu'eel Kowaad (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters