Cibraaniyada Chapter 11 SOM Bible Verse Images

Cibraaniyada 11 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Cibraaniyada 11 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Cibraaniyada 11:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rumaysadku waa hubaasha waxyaalaha la rajeeyo, iyo xaqiiqaynta waxyaalaha aan la arkin.

Cibraaniyada 11:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, saasaa loogu markhaati furay waayeelladii.

Cibraaniyada 11:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rumaysad ayaynu ku garanaynaa in duniyooyinka lagu abuuray erayga Ilaah, sidaas daraaddeed waxa la arko lagama samayn waxa muuqda.

Cibraaniyada 11:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haabiil rumaysad ayuu Ilaah ugu bixiyey allabari aad uga wanaagsan kii Qaabiil, sidaas daraaddeed waxaa loogu markhaati furay inuu xaq yahay, Ilaahna waa ka markhaati furay hadiyadihiisii. Saas daraaddeed isagoo dhintay ayuu weli hadlaa.

Cibraaniyada 11:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Enoog rumaysad baa kor loogu qaaday si uusan dhimasho u arag, lamana helin, maxaa yeelay, Ilaah baa isagii qaaday, waayo, intaan kor loo qaadin ka hor ayaa markhaati loo furay inuu Ilaah ka farxiyey.

Cibraaniyada 11:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona.

Cibraaniyada 11:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada.

Cibraaniyada 11:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo.

Cibraaniyada 11:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan.

Cibraaniyada 11:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay.

Cibraaniyada 11:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday.

Cibraaniyada 11:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeedna waxaa mid sidii nin dhintay oo kale ah ka dhashay dad u badan sida xiddigaha cirka iyo sida cammuudda badda xeebteeda taal oo aan la tirin karin.

Cibraaniyada 11:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah.

Cibraaniyada 11:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, kuwa waxyaalahan oo kale yidhaahdaa waxay muujiyaan inay doondoonayaan waddan kooda ah.

Cibraaniyada 11:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo hadday xusuusnaayeen waddankii ay ka baxeen way heli lahaayeen wakhti ay ku noqdaan.

Cibraaniyada 11:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin imminka waxay aad u doonayaan waddan ka wanaagsan oo ah jannada, sidaas daraaddeed Ilaah ka xishoon maayo in loogu yeedho Ilaahood, waayo, wuxuu iyaga u diyaariyey magaalo.

Cibraaniyada 11:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha,

Cibraaniyada 11:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.

Cibraaniyada 11:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay.

Cibraaniyada 11:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isxaaq rumaysad buu ugu duceeyey Yacquub iyo Ceesaw xagga waxyaalaha iman doona.

Cibraaniyada 11:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yacquubna markuu dhimanayay rumaysad buu ugu duceeyey mid kasta oo wiilashii Yuusuf ka mid ah, oo Ilaahna wuu caabuday isagoo cuskanaya ushiisa guudkeeda.

Cibraaniyada 11:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yuusufna markii dhimashadiisii dhowayd rumaysad buu kaga hadlay bixitinka reer binu Israa'iil, wuxuuna ka dardaarmay lafihiisa.

Cibraaniyada 11:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Muusena markuu dhashay, waalidkiis rumaysad bay ku qariyeen saddex bilood, maxaa yeelay, waxay arkeen inuu ilmo wanaagsan yahay, kamana ay cabsan amarkii boqorka.

Cibraaniyada 11:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Muuse markuu weynaaday rumaysad buu ku diiday in loogu yeedho wiilkii gabadha Fircoon.

Cibraaniyada 11:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu ka doortay in lala silciyo dadkii Ilaah intuu wakhti yar dembi ku farxi lahaa;

Cibraaniyada 11:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
isagoo ku tirinaya cayda lagu caayo Masiixa aawadiis inay ka qiimo weyn tahay maalka Masar, waayo, wuxuu filanayay abaalgudka.

Cibraaniyada 11:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rumaysad buu kaga tegey Masar isagoo aan ka cabsanayn boqorka cadhadiisii, waayo, wuxuu u adkaystay sidii mid fiirinaya kan aan la arkin.

Cibraaniyada 11:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rumaysad buu ku sameeyey Kormaridda iyo dhiigga rushayntiisii inuusan Baabbi'iyihii curadyadu iyaga taaban.

Cibraaniyada 11:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday.

Cibraaniyada 11:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Derbiyadii Yerixoo rumaysad bay ku dumeen kolkii toddoba maalmood lagu warwareegay dabadeed.

Cibraaniyada 11:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.

Cibraaniyada 11:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii.

Cibraaniyada 11:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rumaysad bay kaga adkaadeen boqortooyooyin, oo xaqnimo ku sameeyeen, oo ballamo ku heleen, oo afafka libaaxyada ku xidheen,

Cibraaniyada 11:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen.

Cibraaniyada 11:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan.

Cibraaniyada 11:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis.

Cibraaniyada 11:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey.

Cibraaniyada 11:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka.

Cibraaniyada 11:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday;

Cibraaniyada 11:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.
Previous Chapter
« Cibraaniyada 10 (SOM)

Available Bible Translations

American Standard Version
Hebrews 11 (ASV) »
King James Version
Hebrews 11 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Hebrews 11 (GW) »
World English Bible
Hebrews 11 (WEB) »
Louis Segond 1910
Hébreux 11 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
इब्रानियों 11 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਇਬਰਾਨੀ 11 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
হিব্রুদের 11 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
எபிரெயர் 11 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
इब्री लोकांस 11 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
హెబ్రీ పత్రిక 11 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
હિબ્રૂઓને 11 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಇಬ್ರಿಯರಿಗೆ 11 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
عِبرانِيّين 11 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
האגרת אל העברים 11 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Hebreus 11 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Hê-bơ-rơ 11 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Hebreos 11 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Ebrei 11 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
希 伯 来 书 11 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
希 伯 來 書 11 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Hebrenjve 11 (ALB) »
Библия на русском
Евреям 11 (RUSV) »
Українська Біблія
євреїв 11 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Zsidók 11 (KAR) »
Българска Библия
Евреи 11 (BULG) »
De Heilige Schrift
Hebreeën 11 (NLD) »

Cibraaniyada (SOM) Chapter Selection

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters