Boqorradii Kowaad Chapter 12 SOM Bible Verse Images

Boqorradii Kowaad 12 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Boqorradii Kowaad 12 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Boqorradii Kowaad 12:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan.

Boqorradii Kowaad 12:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayaa Yaaraabcaam iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu u yimaadeen,

Boqorradii Kowaad 12:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
(waayo, Yaaraabcaam wuxuu weli joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay, oo Yaaraabcaamna wuxuu iska joogay dalka Masar, laakiinse waa loo cid diray oo loo yeedhay;) markaasay Rexabcaam la hadleen oo waxay ku yidhaahdeen,

Boqorradii Kowaad 12:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
War aabbahaa harqood daran buu na saaray; haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa.

Boqorradii Kowaad 12:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi, Bal intii saddex maalmood ah iga maqnaada, dabadeedna igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey.

Boqorradii Kowaad 12:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?

Boqorradii Kowaad 12:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Maanta haddaad doonayso inaad dadkan addoon u ahaatid oo aad u adeegtid, haddaba u jawaab oo waxaad kula hadashaa erayo wanaagsan, oo markaasay weligood addoommo kuu ahaanayaan.

Boqorradii Kowaad 12:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse wuu ka tegey taladii odayaashu kula taliyeen, oo haddana wuxuu la arrinsaday raggii dhallinyarada ahaa oo isaga la koray ee hortiisa joogay.

Boqorradii Kowaad 12:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan jawaab ugu celinnaa dadkan ila hadlay oo igu yidhi, War harqoodkii aabbahaa na saaray noo fududee?

Boqorradii Kowaad 12:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay raggii dhallintayaraa oo isaga la koray la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, La hadal dadkii kula hadlay oo kugu yidhi, Aabbahaa harqood daran buu na saaray ee adigu noo fududee. Oo waxaad ku tidhaahdaa, Faryaradaydu waa ka sii dhumuc weyn tahay aabbahay dhexdiisa.

Boqorradii Kowaad 12:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba meeshii aabbahay harqood culus idinka saaray, anna culays baan idiinku sii darayaa; oo aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.

Boqorradii Kowaad 12:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.

Boqorradii Kowaad 12:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa boqorkii ka tegey taladii ragga odayaasha ahaa, oo dadkiina si qallafsan ayuu ugu jawaabay,

Boqorradii Kowaad 12:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo wuxuu kula hadlay taladii raggii dhallintayaraa, oo ku yidhi, Aabbahay harqood culus buu idin saaray, laakiinse anna culays kalaan idiinku sii darayaa; aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.

Boqorradii Kowaad 12:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed boqorkii dadkii ma uu dhegaysan; waayo, taasu waxay ahayd wax Rabbiga xaggiisa ka yimid, si uu u adkeeyo eraygiisii Rabbigu kula hadlay Yaaraabcaam ina Nebaad oo uu ugu soo dhiibay Axiiyaah kii reer Shiiloh.

Boqorradii Kowaad 12:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.

Boqorradii Kowaad 12:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.

Boqorradii Kowaad 12:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Boqor Rexabcaam wuxuu diray Adoraam oo cashuurta u sarreeyey, oo dadkii Israa'iil oo dhammu dhagax bay la dhaceen, wuuna dhintay. Markaasaa Boqor Rexabcaam ku degdegay inuu fuulo gaadhifaraskiisii si uu Yeruusaalem ugu cararo.

Boqorradii Kowaad 12:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.

Boqorradii Kowaad 12:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii dadkii Israa'iil maqleen in Yaaraabcaam soo noqday ayay u cid direen oo shirkii ugu yeedheen, oo waxay ka dhigteen boqor u taliya dadkii Israa'iil oo dhan; oo reerkii Daa'uudna nin qudha ma raacin, qabiilkii reer Yahuudah mooyaane.

Boqorradii Kowaad 12:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Rexabcaamna markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah oo dhan iyo qabiilkii reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa, si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam ina Sulaymaan.

Boqorradii Kowaad 12:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse Shemacyaah oo nin Ilaah ahaa waxaa u yimid eraygii Ilaah oo leh,

Boqorradii Kowaad 12:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqorka u ah, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo dadka intiisa kale oo dhanba, oo waxaad ku tidhaahdaa,

Boqorradii Kowaad 12:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa inaydnaan kor u bixin oo aydnaan walaalihiin dadka Israa'iilna la diririn. Nin waluba gurigiisii ha ku noqdo, waayo, waxanu aniguu iga yimid. Sidaas aawadeed way maqleen Eraygii Rabbiga, oo intay noqdeen ayay iska tageen sidii erayga Rabbigu ahaa.

Boqorradii Kowaad 12:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu dhisay Shekem oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, halkaasuuna iska degay, oo haddana halkaas wuu ka tegey oo wuxuu dhisay Fenuu'eel.

Boqorradii Kowaad 12:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu qalbiga iska yidhi, Haddaba boqortooyadu waxay u noqon doontaa reerkii Daa'uud;

Boqorradii Kowaad 12:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo haddii dadkanu Yeruusaalem tagaan inay Rabbiga allabaryo ugu bixiyaan, de markaas qalbigoodu wuxuu u noqon doonaa sayidkoodii, kaasoo ah Rexabcaam ee boqor u ah reer Yahuudah, oo markaasay i dili doonaan, waxayna u noqon doonaan Rexabcaam ee ah boqorka reer Yahuudah.

Boqorradii Kowaad 12:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa boqorkii tashaday, oo wuxuu sameeyey laba weylood oo dahab ah, oo wuxuu dadkii ku yidhi, Dadkii Israa'iilow, aad bay idiinku dhib badan tahay inaad Yeruusaalem tagtaan, haddaba bal eega ilaahyadiinnii idinka keenay dalkii Masar.

Boqorradii Kowaad 12:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo labadii weylood middood wuxuu dhigay Beytel, tii kalena wuxuu dhigay Daan.

Boqorradii Kowaad 12:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba taasu waxay noqotay dembi, maxaa yeelay, dadkii waxay u tegi jireen inay middood caabudaan xataa ilaa Daan.

Boqorradii Kowaad 12:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu kaloo sameeyey guryo meelo sarsare ah, oo wuxuu wadaaddo ka dhex doortay dadkii aan reer Laawi ahayn oo dhan.

Boqorradii Kowaad 12:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddana Yaaraabcaam wuxuu sameeyey iid u eg tii reer Yahuudah oo ahayd bisha siddeedaad maalinteeda shan iyo tobnaad, oo wuxuu u baxay meeshii allabariga; sidaasuu Beytel ku sameeyey isagoo allabari u bixinaya weylihii uu sameeyey; oo wadaaddadii meelaha sarsare ee uu doortayna wuxuu geeyey Beytel.

Boqorradii Kowaad 12:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo meeshii allabariga ee uu Beytel ka sameeyeyna wuxuu u baxay bishii siddeedaad maalinteedii shan iyo tobnaad oo taasuna waxay ahayd bishii uu qalbigiisa ka tashaday; oo iid buu u sameeyey dadkii Israa'iil, oo meeshii allabariguu ugu baxay inuu foox shido.

Available Bible Translations

American Standard Version
1 Kings 12 (ASV) »
King James Version
1 Kings 12 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
1 Kings 12 (GW) »
World English Bible
1 Kings 12 (WEB) »
Louis Segond 1910
1 Rois 12 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
1 राजाओं 12 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
1 ਰਾਜਿਆਂ 12 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
1 ৰাজাৱলী 12 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
1 இராஜாக்கள் 12 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
1 राजे 12 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
1 రాజులు 12 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
1 રાજાઓ 12 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
1 ಅರಸುಗಳು 12 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلْمُلُوكِ ٱلْأَوَّلُ 12 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
מלכים א 12 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
1 Reis 12 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
1 Các Vua 12 (VIE) »
Reina Valera Antigua
1 Reyes 12 (RVA) »
La Sacra Bibbia
1 Re 12 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
列 王 记 上 12 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
列 王 紀 上 12 (CUVT) »
Svenska Bibeln 1917
1 Kungaboken 12 (SV1917) »
Библия на русском
3 Царств 12 (RUSV) »
Українська Біблія
1 царів 12 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
1 Királyok 12 (KAR) »
Българска Библия
3 Царе 12 (BULG) »
De Heilige Schrift
1 Koningen 12 (NLD) »

Boqorradii Kowaad (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters