Boqorradii Kowaad Chapter 7 SOM Bible Verse Images

Boqorradii Kowaad 7 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Boqorradii Kowaad 7 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Boqorradii Kowaad 7:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Sulaymaan gurigiisana wuxuu dhisayay saddex iyo toban sannadood, oo gurigiisii oo dhanna wuu dhammeeyey.

Boqorradii Kowaad 7:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, guriga wuxuu ka dhisay geedihii Lubnaan, oo dhererkiisu wuxuu ahaa boqol dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa konton dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo wuxuu ku dul taagnaa afar saf oo tiirar kedar ah, oo tiirarkana waxaa dul saarnaa alwaax waaweyn oo kedar ah.

Boqorradii Kowaad 7:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaa ku dednaa qoryo kedar ah oo ka sarreeya shan iyo afartanka loox oo tiirarka dul saarnaa, ee shan iyo tobanba saf ahaayeen.

Boqorradii Kowaad 7:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu lahaa saddex saf oo dariishado ah, oo saddexda saf iftiinkooduna midba mid buu ka soo hor jeeday.

Boqorradii Kowaad 7:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo albaabbada oo dhan iyo dariishadaha oo dhammu waxay wada ahaayeen afargees, oo saddexda saf iftiinkooduna midba mid buu ka soo hor jeeday.

Boqorradii Kowaad 7:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu sameeyey balbalo tiirar ah; oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo balbalona waa ka horraysay, iyadoo leh tiirar iyo looxyo balballaadhan.

Boqorradii Kowaad 7:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu kaloo sameeyey balbaladii carshiga oo ahayd meeshii uu wax ku xukumi lahaa, oo taasu waxay ahayd balbaladii xukunka; oo dhulkeedana waxaa ku dednaa alwaax kedar ah.

Boqorradii Kowaad 7:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo gurigiisii uu degi lahaana wuxuu ku yiil balbalada barxaddeeda kale, oo isku si baana loo dhisay. Oo guri balbaladan u eg ayuu u dhisay gabadhii Fircoon (oo Sulaymaan guursaday).

Boqorradii Kowaad 7:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwanu dhammaantood waxay ahaayeen dhagxan qaali ah oo qiyaas loo qoray, oo kor iyo hoosba miinshaaro lagu gooyay tan iyo salka iyo baarka, oo dibadduna saasay ahayd tan iyo barxadda weyn.

Boqorradii Kowaad 7:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo aasaaskuna wuxuu ahaa dhagxan qaali ah oo waaweyn, oo qaarna waxay ahaayeen toban dhudhun, qaarna waxay ahaayeen siddeed dhudhun.

Boqorradii Kowaad 7:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo korkana waxaa jiray dhagxan qaali ah oo qiyaas loo qoray, iyo alwaax kedar ah.

Boqorradii Kowaad 7:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo barxadda weyn ee ku wareegsanna waxay lahayd saddex saf oo dhagxan qoran ah, iyo saf ah looxyo waaweyn oo kedar ah, oo waxay la mid ahayd guriga Rabbiga barxaddiisa hoose iyo sida balbalada guriga.

Boqorradii Kowaad 7:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Boqor Sulaymaanna Xiiraam cid buu u diray oo Turos ka soo kexeeyey.

Boqorradii Kowaad 7:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Xiiraam waxaa dhashay naag carmal ah oo qabiilkeedu yahay reer Naftaali, aabbihiisna wuxuu ahaa nin reer Turos ah, oo naxaasta ka shaqayn jiray, Xiiraamna waxaa ka buuxay xigmad, iyo waxgarasho, iyo sanco uu ku sameeyo shuqul kasta oo naxaas laga qabto. Oo Boqor Sulaymaan buu u yimid oo shuqulkiisii oo dhan u sameeyey.

Boqorradii Kowaad 7:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu sameeyey labada tiir oo naxaasta ah, oo midkiiba sarajooggiisu yahay siddeed iyo toban dhudhun; meeriskiisuna yahay laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso.

Boqorradii Kowaad 7:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuuna sameeyey laba taaj oo naxaas la shubay ah in la saaro tiirarkii dhaladooda. Oo taaj sarajooggiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, oo taajka kale sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun.

Boqorradii Kowaad 7:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo taajajka tiirarka dhaladooda saarnaa waxay lahaayeen shabagyo isa sudhsudhan, iyo silsilado tidcan, oo taaj wuxuu lahaa toddoba, taajka kalena wuxuu lahaa toddoba.

Boqorradii Kowaad 7:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo saasuu u sameeyey tiirarkii; oo shabaggiiba waxaa kor saarnaa laba saf oo ku wareegsan inay dedaan taajajka tiirarka kor saaran; oo taajkii kalena saasoo kaluu u galay.

Boqorradii Kowaad 7:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo balbalada tiirarkeedii taajajkoodii saarnaa waxay u ekaayeen ubax, afar dhudhun bayna ahaayeen.

Boqorradii Kowaad 7:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo taajajkii labadii tiir saarnaa dushooda oo shabagga u dhowaana waxay lahaayeen rummaanno. Oo rummaannadu waxay ahaayeen laba boqol oo taajkiiba safaf ugu wareegsan.

Boqorradii Kowaad 7:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo tiirarkiina wuxuu qotomiyey balbaladii macbudka; oo tiirkii midigta ahaa intuu qotomiyey ayuu magiciisii u bixiyey Yaakiin, tiirkii bidixda ahaana intuu qotomiyey ayuu u bixiyey Bocas.

Boqorradii Kowaad 7:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo tiirarka korkoodana waxaa saarnaa wax ubax u eg, oo tiirarka hawshoodiina saasay ku dhammaatay.

Boqorradii Kowaad 7:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu sameeyey berkedda naxaasta ah, oo labadeeda qar isu jiraan toban dhudhun, oo ku wada wareegsan, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo meeriskeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun.

Boqorradii Kowaad 7:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo berkedda qarkeedii wareegsanaa waxaa ku hoos yiil ubbooyin ku wareegsan berkedda, dhudhunba toban; oo ubbooyinku waxay ahaayeen laba saf, oo markii berkeddii la shubay ayaa iyana la shubay.

Boqorradii Kowaad 7:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo berkeddu waxay dul saarnayd laba iyo toban dibi, oo saddex waxay u jeedday xagga woqooyi, saddexna waxay u jeedday xagga galbeed, saddexna waxay u jeedday xagga koonfureed, saddexna waxay u jeedday xagga bari; berkeddiina way dul saarnayd, oo dibidii kulligoodna qarkooda dambe wuxuu ku jiray gudaha.

Boqorradii Kowaad 7:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo berkeddii dhumucdeedu waxay ahayd taako; qarkeedana waxaa loo sameeyey sidii koob qarkiis oo kale oo ubax u ekaa; oo waxay qaadday laba kun oo qiyaasood oo bad la yidhaahdo.

Boqorradii Kowaad 7:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu sameeyey toban saldhig oo naxaas ah, oo saldhig kasta dhererkiisu wuxuu ahaa afar dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun.

Boqorradii Kowaad 7:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo saldhigyadana sidan baa loo sameeyey; darfaha dhexdooda waxay ku lahaayeen meelo dhexe.

Boqorradii Kowaad 7:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo darfaha meelaha u dhexeeyeyna waxaa ku yiil libaaxyo, iyo dibiyo, iyo keruubiim, oo darfaha korkoodana waxaa ku yiil meel la saaro; oo libaaxyada iyo dibiyada hoostoodana waxaa ku yiil ubaxyo ka soo laalaada.

Boqorradii Kowaad 7:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo saldhig kastaaba wuxuu lahaa afar giraangirood oo naxaas ah, iyo ulo naxaas ah oo giraangiraha wareejiya; oo afarta rukunna waxay ku lahaayeen meelo haya; oo berkeddii hoosteeda ayaa meelihii hayay oo shubanu ku yiilleen iyagoo dhinac kasta ku leh ubaxyo ka laalaada.

Boqorradii Kowaad 7:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo afkeeda oo qarka ku dhex jira wuxuu ahaa dhudhun; oo afkeeduna wuu wareegsanaa, oo wuxuu u ekaa sida meesha haysa, wuxuuna ahaa dhudhun iyo badh; oo weliba afkeedu waa xardhanaa oo darfahooduna afargees bay ahaayeen oo ma wareegsanayn.

Boqorradii Kowaad 7:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo afarta giraangiroodna waxay ku yiilleen darfaha hoostooda, oo ulaha giraangiraha wareejiyaana waxay ku yiilleen salka hoose; oo giraangir kastana sarajooggeedu wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

Boqorradii Kowaad 7:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo giraangiruhuna waxay u ekaayeen sidii gaadhifaras giraangirihiis; oo ulahooda wareejiya, iyo qararkooda, iyo birahooda gudban, iyo dhexbadhtanadoodaba kulligood shub bay ahaayeen.

Boqorradii Kowaad 7:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo afarta geesna waxay ku lahaayeen afar meelood oo haya, oo afarta meelood oo hayaana waxay ka mid ahaayeen saldhigga qudhiisii.

Boqorradii Kowaad 7:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo saldhigga dushiisana waxaa tiil meel wareegsan oo sarajooggeedu yahay dhudhun badhkiis; oo saldhigga korkiisa siddooyinkiisa iyo darfihiisuba isagay ku yiilleen.

Boqorradii Kowaad 7:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo siddooyinkiisa iyo darfihiisa dushooda wuxuu ku xardhay keruubiim, iyo libaaxyo, iyo geedo timireed sidii mid kasta meeshiisii bannaanayd ahayd, iyagoo mid kasta ubaxyo laalaada ku wareegsan yihiin.

Boqorradii Kowaad 7:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo tobankii saldhigna saasuu u sameeyey; oo kulligoodna isku si baa loo shubay, oo isku qiyaas bay ahaayeen iyo isku qaab.

Boqorradii Kowaad 7:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu sameeyey toban berkedood oo naxaas ah; oo berkedba waxay qaadday afartan bad; oo berked kastaaba waxay ahayd afar dhudhun; oo tobankii saldhigna mid kasta berked baa saarnayd.

Boqorradii Kowaad 7:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo saldhigyadii shanna wuxuu dhigay guriga dhankiisa midig, shantii kalena wuxuu dhigay guriga dhankiisa bidix; oo berkeddii weynaydna wuxuu dhigay guriga dhankiisa midig ee xagga bari ee dhinaca koonfureed.

Boqorradii Kowaad 7:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Xiiraam wuxuu wada sameeyey berkedihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii. Oo sidaasuu Xiiraam u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga,

Boqorradii Kowaad 7:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
kaasoo ahaa labadii tiir, iyo labadii fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa, iyo labadii shabag oo ku dednaa labada fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa,

Boqorradii Kowaad 7:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo afartii boqol oo rummaan ee labadii shabag lahaayeen, oo shabag kastaa wuxuu lahaa laba saf oo rummaan ah si ay u dedaan labadii fijaan ee taajajkii tiirarka kor saarnaa;

Boqorradii Kowaad 7:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo tobankii saldhig, iyo tobankii berkedood ee saldhigyada dul saarnaa,

Boqorradii Kowaad 7:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo berkeddii weynayd, iyo laba iyo tobankii dibi ee berkedda weyn ka hooseeyey,

Boqorradii Kowaad 7:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii; oo dhammaan weelashan gurigii Rabbiga yiil ee uu Xiiraam Boqor Sulaymaan u sameeyey waxay ahaayeen naxaas dhalaasha.

Boqorradii Kowaad 7:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Saaretaan.

Boqorradii Kowaad 7:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Sulaymaanna weelashii oo dhan ma uu miisaamin, maxaa yeelay, aad iyo aad bay u badnaayeen; oo naxaasta miisaankeeda lama hubin.

Boqorradii Kowaad 7:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Sulaymaan baa sameeyey alaabtii guriga Rabbiga tiil oo dhan, kuwaasoo ahaa girgirihii dahabka ahaa, iyo miiskii ay kibistii tusniinta saarnayd oo dahabka ahaa;

Boqorradii Kowaad 7:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo laambadihii ahaa dahabka saafiga ah oo meesha ugu quduusan horteeda yiil, ee shanu midigta ka tiil, shanuna bidixda, iyo ubaxyadii iyo laambadihii, iyo birqaabyadii ee dahabka wada ahaa;

Boqorradii Kowaad 7:50 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo koobabkii, iyo alaabta laambadihii lagu safeeya, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo idammadii ee dahabka saafiga ah wada ahaa, iyo birihii albaabbada guriga hoose ee ah meesha ugu wada quduusan iyo guriga macbudka ah albaabbadiisa oo dhan ee dahabka wada ah.

Boqorradii Kowaad 7:51 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ku sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Rabbiga.

Available Bible Translations

American Standard Version
1 Kings 7 (ASV) »
King James Version
1 Kings 7 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
1 Kings 7 (GW) »
World English Bible
1 Kings 7 (WEB) »
Louis Segond 1910
1 Rois 7 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
1 राजाओं 7 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
1 ਰਾਜਿਆਂ 7 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
1 ৰাজাৱলী 7 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
1 இராஜாக்கள் 7 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
1 राजे 7 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
1 రాజులు 7 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
1 રાજાઓ 7 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
1 ಅರಸುಗಳು 7 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلْمُلُوكِ ٱلْأَوَّلُ 7 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
מלכים א 7 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
1 Reis 7 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
1 Các Vua 7 (VIE) »
Reina Valera Antigua
1 Reyes 7 (RVA) »
La Sacra Bibbia
1 Re 7 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
列 王 记 上 7 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
列 王 紀 上 7 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
1 Mbretërve 7 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
1 Kungaboken 7 (SV1917) »
Библия на русском
3 Царств 7 (RUSV) »
Українська Біблія
1 царів 7 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
1 Királyok 7 (KAR) »
Българска Библия
3 Царе 7 (BULG) »
聖書 日本語
列王紀上 7 (JPN) »
De Heilige Schrift
1 Koningen 7 (NLD) »

Boqorradii Kowaad (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters