Samuu'eel Labaad Chapter 22 SOM Bible Verse Images

Samuu'eel Labaad 22 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Samuu'eel Labaad 22 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Samuu'eel Labaad 22:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Daa'uud wuxuu Rabbiga kula hadlay erayadii gabaygan maalintii Rabbigu ka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiisa oo dhan, iyo gacantii Saa'uulba:

Samuu'eel Labaad 22:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;

Samuu'eel Labaad 22:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.

Samuu'eel Labaad 22:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

Samuu'eel Labaad 22:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, waxaa i hareereeyey hirarkii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadola'aanta.

Samuu'eel Labaad 22:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool; Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.

Samuu'eel Labaad 22:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Haah, waxaan u qayshaday Ilaahay; Oo isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayduna dhegihiisay gashay.

Samuu'eel Labaad 22:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo samada aasaaskeediina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.

Samuu'eel Labaad 22:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya; Oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

Samuu'eel Labaad 22:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo samooyinkiina wuu soo foororshay, oo hoos buu u soo degay, Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.

Samuu'eel Labaad 22:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuuna fuulay Keruub, wuuna duulay; Haah, oo waxaa lagu arkay isagoo fuushan dabaysha baalasheeda.

Samuu'eel Labaad 22:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo gudcurkii wuxuu ka dhigay taambuug hareerihiisa ku wareegsan, Iyo biyo urursan, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.

Samuu'eel Labaad 22:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo nuurka hortiisa yaal aawadiisna Dhuxulo dab ah ayaa shidmay.

Samuu'eel Labaad 22:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbiguna wuxuu ka onkoday samada, Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii.

Samuu'eel Labaad 22:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu fallaadho soo ganay, oo kala firdhiyey iyagii, Oo wuxuu soo diray hillaac, wuuna baabbi'iyey iyagii.

Samuu'eel Labaad 22:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo canaantii Rabbiga aawadeed, iyo dulalka sankiisa neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii baddu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.

Samuu'eel Labaad 22:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday; Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.

Samuu'eel Labaad 22:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba; waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

Samuu'eel Labaad 22:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa; Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.

Samuu'eel Labaad 22:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan; Wuu i samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.

Samuu'eel Labaad 22:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd; Oo sida ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.

Samuu'eel Labaad 22:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna sii caasinimo ah ugama tegin.

Samuu'eel Labaad 22:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen, Oo qaynuunnadiisana anigu kama aan tegin.

Samuu'eel Labaad 22:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa, Oo waan iska dhawray xumaantaydii.

Samuu'eel Labaad 22:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd; Iyo sidii nadiifsanaantaydii ay ku ahayd indhihiisa hortooda.

Samuu'eel Labaad 22:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa, Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.

Samuu'eel Labaad 22:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa. Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.

Samuu'eel Labaad 22:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadka dhibaataysanna waad badbaadinaysaa; Laakiinse indhahaagu way arkaan kuwa kibirsan inaad hoos u dejiso.

Samuu'eel Labaad 22:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, Rabbiyow, waxaad tahay laambaddayda; Oo Rabbiga ayaa gudcurkayga iftiiminaya.

Samuu'eel Labaad 22:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.

Samuu'eel Labaad 22:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ilaah jidkiisu waa qumman yahay; Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isku halleeya oo dhan.

Samuu'eel Labaad 22:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

Samuu'eel Labaad 22:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan; Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.

Samuu'eel Labaad 22:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.

Samuu'eel Labaad 22:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka; Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.

Samuu'eel Labaad 22:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadadaada; Oo roonaantaada ayaa i weynaysay;

Samuu'eel Labaad 22:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Adigu tallaabooyinkayga ayaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.

Samuu'eel Labaad 22:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Anigu waxaan eryaday cadaawayaashaydii, oo waan baabbi'iyey; Dibna ugama soo noqon jeeray wada baabbe'een.

Samuu'eel Labaad 22:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyagaan baabbi'iyey, waanan wada laayay, si aanay mar dambe u awoodin inay soo sara kacaan, Oo cagahaygay ku soo hoos dhaceen.

Samuu'eel Labaad 22:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis; Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

Samuu'eel Labaad 22:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

Samuu'eel Labaad 22:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wax bay fiirsadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya; Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.

Samuu'eel Labaad 22:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dhulka, Waan ku tuntay sidii dhoobada jidadka taal oo kale, markaasaan kala firdhiyey.

Samuu'eel Labaad 22:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaad kaloo iga samatabbixisay murankii dadkayga; Oo waxaad iga sii dhigtay quruumaha madaxdoodii; Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.

Samuu'eel Labaad 22:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo shisheeyayaashu way isu kay dhiibi doonaan, Oo mar alla markay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan.

Samuu'eel Labaad 22:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.

Samuu'eel Labaad 22:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbigu waa nool yahay; oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn; Oo ha sarreeyo Ilaaha ah dhagaxa weyn ee badbaadintayda;

Samuu'eel Labaad 22:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura,

Samuu'eel Labaad 22:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda; Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca; Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

Samuu'eel Labaad 22:50 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.

Samuu'eel Labaad 22:51 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa, Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday, Kaasoo ah Daa'uud iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.

Available Bible Translations

American Standard Version
2 Samuel 22 (ASV) »
King James Version
2 Samuel 22 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
2 Samuel 22 (GW) »
World English Bible
2 Samuel 22 (WEB) »
Louis Segond 1910
2 Samuel 22 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
2 शमूएल 22 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
2 ਸਮੂਏਲ 22 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
2 চমূৱেল 22 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
2 சாமுவேல் 22 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
2 शमुवेल 22 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
2 సమూయేలు 22 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
2 શમુએલ 22 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
2 ಸಮುವೇಲನು 22 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
صَمُوئِيلَ ٱلثَّانِي 22 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
שמואל ב 22 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
2 Samuel 22 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
2 Sa-mu-ên 22 (VIE) »
Reina Valera Antigua
2 Samuel 22 (RVA) »
La Sacra Bibbia
2 Samuele 22 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
撒 母 耳 记 下 22 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
撒 母 耳 記 下 22 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
2 Samuelit 22 (ALB) »
Библия на русском
2 Царств 22 (RUSV) »
Українська Біблія
2 Самуїлова 22 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
2 Sámuel 22 (KAR) »
Българска Библия
2 Царе 22 (BULG) »
De Heilige Schrift
2 Samuël 22 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
2 Samuel 22 (DA1871) »

Samuu'eel Labaad (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters