Samuu'eel Labaad Chapter 23 SOM Bible Verse Images

Samuu'eel Labaad 23 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Samuu'eel Labaad 23 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Samuu'eel Labaad 23:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba erayadanu waa kuwii ugu dambeeyey oo Daa'uud. Daa'uud ina Yesay wuxuu leeyahay, Ninkii kor loo qaadayna wuxuu leeyahay, Kaasoo ah kii Ilaaha Yacquub subkay, Ee ugu sabuur macaan reer binu Israa'iil oo dhan:

Samuu'eel Labaad 23:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbiga ruuxiisii baa iga dhex hadlay, Oo eraygiisiina carrabkayguu saarnaa.

Samuu'eel Labaad 23:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ilaaha reer binu Israa'iil baa yidhi, Oo Dhagaxii weynaa ee reer binu Israa'iil ayaa ila hadlay, isagoo leh, Waxaa jiri doona mid dadka si xaq ah ugu taliya, Oo Ilaah cabsidiisa wax ku xukuma,

Samuu'eel Labaad 23:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo, Iyo sida aroor aan cadar ahayn; Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo, Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.

Samuu'eel Labaad 23:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sida runta ah reerkaygu xagga Ilaah saas kuma aha; Laakiinse axdi aan weligiis dhammaanayn ayuu ila dhigtay, Oo wax kastaba wuu hagaajiyey, wuuna adkeeyey; Oo in kastoo uusan soo bixin weliba waa badbaadadayda oo dhan iyo doonistayda oo dhanba.

Samuu'eel Labaad 23:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse kuwa waxmatarayaasha ah dhammaantood waxay noqonayaan sidii qodxanta layska tuuro, Waayo, iyaga gacanta laguma qaadi karo;

Samuu'eel Labaad 23:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse ninkii iyaga taabta Waa in hub looga dhigaa bir iyo waran samaydiisa; Oo iyana dhammaantood meeshoodaa lagu gubi doonaa.

Samuu'eel Labaad 23:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwanu waa magacyadii nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yoshebbashebed oo ahaa reer Taxkemon, oo saraakiisha madax u ahaa, kaasoo ahaa Cadiinoo kii reer Cesen, oo warankiisa u qaaday siddeedda boqol oo isku mar qudha dilay.

Samuu'eel Labaad 23:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kaas dabadiisna waxaa jiray Elecaasaar ina Dooday, oo ahaa reer Axoo'ax, oo kaasu wuxuu ahaa saddexdii nin oo Daa'uud la jirtay midkood, markay caayeen reer Falastiin oo halkaas isugu urursaday inay la diriraan, oo ay dadkii reer binu Israa'iilna mar hore sii tageen.

Samuu'eel Labaad 23:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuu kacay, oo laayay reer Falastiin ilaa ay gacantii daashay, oo gacantii seeftii ku dhegtay; oo Rabbiguna maalintaas aad buu u guuleeyey, markaasaa dadkiina u soo noqdeen inay wax dhacaan oo keliya.

Samuu'eel Labaad 23:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Shammaah oo ahaa ina Agee oo qoladiisuna ahayd reer Haraarii. Oo reer Falastiinna waxay isu soo wada urursadeen inay soo dhacaan meel misir ka buuxo, oo dadkiina waxay ka carareen reer Falastiin.

Samuu'eel Labaad 23:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse isagu beertuu isdhex taagay oo daafacay, wuuna laayay reer Falastiin; oo Rabbiguna aad buu u guuleeyey.

Samuu'eel Labaad 23:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo soddonkii madaxda ahaa saddex ka mid ah ayaa tegey, oo Daa'uud ugu yimid godkii Cadullaam xilligii beergooyska; oo colkii reer Falastiinna waxay soo degeen dooxadii Refaa'iim.

Samuu'eel Labaad 23:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayska, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.

Samuu'eel Labaad 23:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Daa'uud intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam ee iridda ku ag yaal!

Samuu'eel Labaad 23:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa saddexdii nin ee xoogga badnaa ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse wuu diiday inuu ka cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay.

Samuu'eel Labaad 23:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ha iga fogaato inaan saas yeelo; ma waxaan cabbaa dhiiggii raggii naftooda biimeeyey? Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.

Samuu'eel Labaad 23:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo ay Seruuyaah dhashay. Oo kaasu wuxuu waran u qaatay saddex boqol oo nin, wuuna wada laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.

Samuu'eel Labaad 23:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isagu miyaanu saddexdooda ugu ciso badnayn? Sidaas daraaddeed waxaa looga dhigay sirkaal, habase yeeshee saddexdii hore ma uu gaadhin.

Samuu'eel Labaad 23:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn, wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegey oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka,

Samuu'eel Labaad 23:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo wuxuu kaloo dilay nin Masri ah oo dheer, oo Masriguna wuxuu gacanta ku haystay waran, laakiinse isagu wuxuu ula tegey ul, oo warankii ka dhufsaday gacantii Masriga, oo isagii ku dilay warankiisii.

Samuu'eel Labaad 23:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxyaalahan waxaa sameeyey Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna saddexdii nin ee xoogga badnaa magac buu ku lahaa.

Samuu'eel Labaad 23:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore. Oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.

Samuu'eel Labaad 23:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo soddonka waxaa ka mid ahaa Casaaheel oo Yoo'aab walaalkiis ahaa, iyo Elxaanaan oo ahaa ina Doodoo oo reer Beytlaxam ahaa,

Samuu'eel Labaad 23:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Shammaah oo ahaa reer Xarod, iyo Eliiqaa oo ahaa reer Xarod,

Samuu'eel Labaad 23:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Xeles oo ahaa reer Faltii, iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca,

Samuu'eel Labaad 23:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Abiiceser oo ahaa reer Canaatood, iyo Mebunnay oo ahaa reer Xushaad;

Samuu'eel Labaad 23:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Salmoon oo ahaa reer Axoo'ax, iyo Maharay oo ahaa reer Netofaah,

Samuu'eel Labaad 23:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Xeeleb ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah, iyo Itay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin;

Samuu'eel Labaad 23:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, iyo Xidday oo ka yimid durdurradii Gacash;

Samuu'eel Labaad 23:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Abiicalboon oo ahaa reer Caraabaah, iyo Casmaawed oo ahaa reer Barxum;

Samuu'eel Labaad 23:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Elyaxbaa oo ahaa reer Shacalbiim, iyo wiilashii Yaasheen, Yoonaataan,

Samuu'eel Labaad 23:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Shammaah oo ahaa reer Haraarii, iyo Axiyaam ina Shaaraar oo ahaa reer Araarii;

Samuu'eel Labaad 23:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Eliifeled ina Axasbay, oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyo Eliicaam ina Axiitofel oo ahaa reer Giloh;

Samuu'eel Labaad 23:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Xesroo oo ahaa reer Karmel, iyo Facaray oo ahaa reer Araab;

Samuu'eel Labaad 23:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Yigaal ina Naataan oo ahaa reer Soobaah, iyo Baanii oo ahaa reer Gaad;

Samuu'eel Labaad 23:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Bi'irod, iyo kuwii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay;

Samuu'eel Labaad 23:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,

Samuu'eel Labaad 23:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed; oo kulligoodna waxay ahaayeen toddoba iyo soddon.

Available Bible Translations

American Standard Version
2 Samuel 23 (ASV) »
King James Version
2 Samuel 23 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
2 Samuel 23 (GW) »
World English Bible
2 Samuel 23 (WEB) »
Louis Segond 1910
2 Samuel 23 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
2 शमूएल 23 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
2 ਸਮੂਏਲ 23 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
2 চমূৱেল 23 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
2 சாமுவேல் 23 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
2 शमुवेल 23 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
2 సమూయేలు 23 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
2 શમુએલ 23 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
2 ಸಮುವೇಲನು 23 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
صَمُوئِيلَ ٱلثَّانِي 23 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
שמואל ב 23 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
2 Samuel 23 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
2 Sa-mu-ên 23 (VIE) »
Reina Valera Antigua
2 Samuel 23 (RVA) »
La Sacra Bibbia
2 Samuele 23 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
撒 母 耳 记 下 23 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
撒 母 耳 記 下 23 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
2 Samuelit 23 (ALB) »
Библия на русском
2 Царств 23 (RUSV) »
Українська Біблія
2 Самуїлова 23 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
2 Sámuel 23 (KAR) »
Българска Библия
2 Царе 23 (BULG) »
De Heilige Schrift
2 Samuël 23 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
2 Samuel 23 (DA1871) »

Samuu'eel Labaad (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters