Yeremyaah Chapter 32 SOM Bible Verse Images

Yeremyaah 32 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Yeremyaah 32 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Yeremyaah 32:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid sannaddii tobnaad ee Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo kaasu wuxuu ahaa sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Nebukadresar.

Yeremyaah 32:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa ciidankii boqorka Baabuloon Yeruusaalem hareereeyeen. Oo Nebi Yeremyaahna wuxuu ku xidhnaa barxaddii xabsigii ku dhex yiil gurigii boqorka dalka Yahuudah.

Yeremyaah 32:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa isaga xidhay, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad wax u sii sheegtaa, adigoo leh, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa,

Yeremyaah 32:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah gacanta reer Kaldayiin kama uu baxsan doono, laakiinse hubaal waxaa la gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo indhahana way isku arki doonaan,

Yeremyaah 32:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo isna Sidqiyaah ayuu u kaxaysan doonaa Baabuloon oo halkaasuu joogi doonaa ilaa aan isaga soo booqdo, ayaa Rabbigu leeyahay; oo in kastoo aad reer Kaldayiin la dirirtaan innaba ma liibaani doontaan?

Yeremyaah 32:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Yeremyaahna wuxuu yidhi, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, oo wuxuu igu yidhi,

Yeremyaah 32:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal eeg, waxaa kuu iman doona ina-adeerkaa Xanameel ina Shalluum, oo wuxuu kugu odhan doonaa, Beertayda Canaatood ku taal iga iibso, waayo, adigaa furashada xaq u leh inaad iga iibsatid.

Yeremyaah 32:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa ina-adeerkay Xanameel iigu yimid barxaddii xabsiga sidii erayga Rabbigu ahaa, oo wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye beertayda ku taal Canaatood oo dalka reer Benyaamiin ku dhex taal iga iibso, waayo, inaad dhaxasho adigaa xaq u leh, oo furashadeedana adigaa leh, haddaba soo iibso, oo markaasaan ogaaday in kaasu Eraygii Rabbiga yahay.

Yeremyaah 32:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaan iibsaday ina-adeerkay Xanameel beertiisii Canaatood ku tiil, oo isagaan lacagtii u miisaamay taasoo ahayd toddoba iyo toban sheqel oo lacag ah.

Yeremyaah 32:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intaan warqaddii heshiiska qoray ayaan shaabadeeyey, oo markaasaan markhaatiyaal u yeedhay oo isagaan lacagtii kafado ugu miisaamay.

Yeremyaah 32:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasaan qaatay warqadihii heshiiska waxiibsashada, tii shaabadaysnayd iyo tii furnaydba, si waafaqsan sharciga iyo caadada.

Yeremyaah 32:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markaasaan warqaddii heshiiska waxiibsashada u dhiibay Baaruug ina Neeriiyaah oo ka sii ahaa ina Maseeyaah, iyadoo uu u jeedo ina-adeerkay Xanameel, oo waxaan ugu hor dhiibay markhaatiyaashii warqadda heshiiska saxeexay, iyo Yuhuuddii xabsiga barxaddiisa fadhiday oo dhan.

Yeremyaah 32:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaan Baaruug ku amray hortooda, oo ku idhi,

Yeremyaah 32:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Qaad warqadahan heshiiska waxiibsashada, midda shaabadaysan, iyo tan furanba, oo waxaad ku dhex riddaa jalxad dhooba ah, si ay wakhti dheer u sii raagaan.

Yeremyaah 32:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weliba mar dambe dalkan waxaa laga iibsan doonaa guryo iyo beero canab ah.

Yeremyaah 32:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markaan warqaddii heshiiska waxiibsashada Baaruug ina Neeriiyaah u dhiibay dabadeed ayaan Ilaah baryay oo waxaan ku idhi,

Yeremyaah 32:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, samada iyo dhulkaba xooggaaga badan iyo gacantaada fidsan ayaad ku samaysay, oo wax kugu adagna ma jiro.

Yeremyaah 32:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kumanyaal baad u naxariisataa, oo xumaantii aabbayaashu sameeyaanna waxaad abaalmarin ugu soo celisaa laabta carruurtooda iyaga ka dambaysa. Magacaagu waa Ilaaha xoogga badan ee weyn, iyo Rabbiga ciidammada.

Yeremyaah 32:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Xagga talada waad ku weyn tahay, oo xagga shuqulkana waad ku xoog badan tahay. Indhahaagu way u furan yihiin jidadka binu-aadmiga oo dhan, si aad mid kasta ugu abaalmarisid sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ay ahaayeen.

Yeremyaah 32:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaad ilaa maantadan calaamooyin iyo yaababba ku dhex samaysay dalkii Masar, iyo reer binu Israa'iil dhexdooda, iyo dadka kale dhexdoodaba, oo magac baad samaysatay siday maantadan tahay.

Yeremyaah 32:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkaaga reer binu Israa'iilna dalkii Masar baad kaga soo bixisay calaamooyin, iyo yaabab, iyo gacan xoog badan, iyo dhudhun fidsan, iyo cabsi weyn.

Yeremyaah 32:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan,

Yeremyaah 32:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo iyana intay soo galeen ayay hantiyeen, laakiinse codkaagii ma ay addeecin, oo sharcigaagiina kuma ay socon, oo waxyaalihii aad ku amartay inay sameeyaanna waxba kama ay samayn, oo sidaas daraaddeed ayaad ka dhigtay in masiibadan oo dhammu ay ku dhacdo.

Yeremyaah 32:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal eeg tuulmooyinka! Magaalada waa loo yimid in la qabsado, oo waxaa magaaladii la geliyey gacantii reer Kaldayiinkii iyada la diriray, waana seefta iyo abaarta iyo belaayada aawadood. Wixii aad ku hadashay way ahaadeen, oo bal eeg, adiguba waad u jeeddaa.

Yeremyaah 32:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sayidow, Rabbiyow, waxaad igu tidhi, Beerta lacag ku iibso, oo markhaatiyaal u yeedh, waayo, magaalada waxaa lagu riday gacanta reer Kaldayiin.

Yeremyaah 32:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yeremyaah waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh,

Yeremyaah 32:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal eeg, anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan, haddaba ma wax igu adag baa jira?

Yeremyaah 32:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

Yeremyaah 32:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Kaldayiinka magaaladan la dirirayaana way iman doonaan, oo dab bay magaaladan qabadsiin doonaan, oo way gubi doonaan iyada iyo guryaheedii ay saqafkooda Bacal foox ugu shidi jireen, oo ay qurbaanno cabniin ah ilaahyada kale ugu shubi jireen, oo sidaasay iiga cadhaysiiyeen.

Yeremyaah 32:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waxay tan iyo yaraantoodii hortayda ku sameeyeen shar keliya, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil waxaa keliya oo ay sameeyeen inay shuqulka gacmahooda igaga cadhaysiiyaan.

Yeremyaah 32:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, magaaladanu waxay ii ahayd wax iga dhirfiya oo iga cadhaysiiya tan iyo maalintii ay dhiseen iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigayga uga hor fogayn doonaa,

Yeremyaah 32:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan.

Yeremyaah 32:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyagu dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, oo in kastoo aan iyaga wax baray, anigoo goor wanaagsan wax baraya, inay tacliin qaataan innaba ma ay dhegaysan.

Yeremyaah 32:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse karaahiyooyinkoodii ayay dhex qotomiyeen gurigii laygu magacaabay gudihiisa oo sidaasay u nijaaseeyeen.

Yeremyaah 32:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal oo ku dhex yaal dhooxada ina Xinnom si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab u dhex marsiiyaan Moleg aawadiis, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin, inay karaahiyadan sameeyaan oo ay dadka Yahuudah dembaajiyaan.

Yeremyaah 32:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo,

Yeremyaah 32:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.

Yeremyaah 32:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Iyagu waxay ahaan doonaan dadkaygii, oo anna Ilaahood baan ahaan doonaa.

Yeremyaah 32:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi qudha iyo jid qudha, si ay weligoodba iiga cabsadaan, waana inay iyaga iyo carruurtooda ka dambaysaba wanaag helaan.

Yeremyaah 32:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed.

Yeremyaah 32:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa.

Yeremyaah 32:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaan dadkan ugu soo dejiyey masiibadan weyn oo dhan ayaan wanaaggii aan u ballanqaaday oo dhan ugu soo dejin doonaa.

Yeremyaah 32:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo beeraa laga iibsan doonaa dalkan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn oo waxaa lagu riday gacanta reer Kaldayiin.

Yeremyaah 32:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dad baa beero lacag kaga iibsan doona dalka reer Benyaamiin iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo magaalooyinka buuraha ku yaal, iyo magaalooyinka dooxada ku yaal, iyo magaalooyinka koonfureedba, oo warqadda heshiiskana way qori doonaan oo shaabadayn doonaan, oo markhaatiyaalna way u yeedhi doonaan, waayo, anigu maxaabiistooda waan soo celin doonaa ayaa Rabbigu leeyahay.
Previous Chapter
« Yeremyaah 31 (SOM)
Next Chapter
Yeremyaah 33 (SOM) »

Available Bible Translations

American Standard Version
Jeremiah 32 (ASV) »
King James Version
Jeremiah 32 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Jeremiah 32 (GW) »
World English Bible
Jeremiah 32 (WEB) »
Louis Segond 1910
Jérémie 32 (LSG) »
Luther Bibel 1912
Jeremia 32 (LUTH1912) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
यिर्मयाह 32 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਯਿਰਮਿਯਾਹ 32 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
যিৰিমিয়া 32 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
எரேமியா 32 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
यिर्मया 32 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
యిర్మీయా 32 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
યર્મિયા 32 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಯೆರೆಮೀಯನು 32 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
إِرْمِيَا 32 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
ירמיה 32 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Jeremias 32 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Giê-rê-mi-a 32 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Jeremías 32 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Geremia 32 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
耶 利 米 书 32 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
耶 利 米 書 32 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Jeremia 32 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
Jeremia 32 (SV1917) »
Библия на русском
Иеремия 32 (RUSV) »
Українська Біблія
Єремія 32 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Jeremiás 32 (KAR) »
Българска Библия
Еремия 32 (BULG) »
Det Norsk Bibel
Jeremia 32 (NORSK) »
De Heilige Schrift
Jeremia 32 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
Jeremias 32 (DA1871) »

Yeremyaah (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters