Xaakinnada Chapter 9 SOM Bible Verse Images

Xaakinnada 9 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Xaakinnada 9 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Xaakinnada 9:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Abiimeleg ina Yerubbacal tegey xagga Shekem iyo abtiyaashiis, oo wuu la hadlay iyagii iyo reerka awowgiis oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

Xaakinnada 9:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waan idin baryayaaye, La hadla dadka Shekem oo dhan, oo bal weyddiiya, Kee baa idiin wanaagsan, in wiilasha Yerubbacal oo ah toddobaatan ay idiin wada taliyaan, mise in mid keliyahu idiin taliyo? Oo waxaad kaloo xusuusataan inaan ahay laftiinnii iyo hilibkiinnii.

Xaakinnada 9:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay abtiyaashiis ula hadleen dadkii Shekem oo dhan, oo waxay u sheegeen erayadiisii oo dhan; kolkaasay qalbiyadoodii u leexdeen inay Abiimeleg raacaan; waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa walaalkeen.

Xaakinnada 9:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay waxay isagii gurigii Bacal Beriid ka siiyeen toddobaatan xabbadood oo lacag ah, oo Abiimeleg wuxuu ku kiraystay ciyaalasuuq iyo waxmatarayaal isaga raacay.

Xaakinnada 9:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu reerkii aabbihiis ugu tegey Coofraah, oo wuxuu isku dhagax dushiis ku laayay walaalihiis ilmo Yerubbacal oo ahaa toddobaatan qof; laakiinse garuddambayskii Yerubbacal oo ahaa Yootam ayaa hadhay, waayo, wuu dhuuntay.

Xaakinnada 9:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa waxaa soo shiray oo isku soo ururay dadkii Shekem oo dhan iyo reer Millo oo dhan, oo intay tageen ayay Abiimeleg boqor ka dhigteen, oo waxay ku ag boqreen geedkii tiirkii ku yiil Shekem.

Xaakinnada 9:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii taas loo sheegay Yootam ayuu tegey oo wuxuu isku taagay Buur Gerisiim dusheedii, oo intuu qayliyey ayuu codkiisii kor u qaaday oo yidhi, Bal i maqla, dadka reer Shekemow, in Ilaah idin maqlo.

Xaakinnada 9:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa baa dhirtu damacday inay boqor subkaan, markaasay geedsaytuun ku yidhaahdeen, Kaalay oo boqor noo noqo.

Xaakinnada 9:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse geedsaytuunkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan barwaaqadayda ka tagaa, tan lagu sharfa Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?

Xaakinnada 9:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedberde, Kaalay oo boqor noo noqo.

Xaakinnada 9:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse geedberdihii wuxuu ku yidhi, Miyaan ka tagaa macaankayga iyo midhahayga wanaagsan, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?

Xaakinnada 9:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedcanab, Kaalay oo boqor noo noqo.

Xaakinnada 9:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa geedcanabkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan ka tagaa khamrigayga ka farxiya Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?

Xaakinnada 9:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa dhirtii oo dhammu waxay ku yidhaahdeen gocondho, Kaalay oo boqor noo noqo.

Xaakinnada 9:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa gocondhadii waxay dhirtii ku tidhi, Haddaad daacad ii boqranaysaan, kaalaya oo hooskayga hadhsada; haddii kalese, dab ha ka soo baxo gocondhada oo ha laasto geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.

Xaakinnada 9:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba haddaad daacad iyo si qumman ku socoteen, markii aad boqrateen Abiimeleg, iyo haddaad daacad kula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, oo aad u samayseen wixii uu idinka istaahilay;

Xaakinnada 9:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
(waayo, aabbahay idinkuu idiin diriray oo aawadiin buu naftiisii u biimeeyey, oo wuxuu idinka soo samatabbixiyey gacantii reer Midyaan;

Xaakinnada 9:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo idinku maanta waxaad ku kacdeen reerkii aabbahay, oo waxaad isku dhagax ku layseen wiilashiisii oo ah toddobaatan qof, oo waxaad dadkii Shekem boqor uga dhigteen Abiimeleg oo ah wiilkii addoontiisa, maxaa yeelay, isagu waa walaalkiin;)

Xaakinnada 9:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
haddaba haddaad maanta daacad iyo si qumman ula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, de markaas Abiimeleg ku reyreeya oo isna ha idinku reyreeyo;

Xaakinnada 9:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
haddii kalese, dab ha ka soo baxo Abiimeleg, oo ha laasto dadka Shekem iyo reer Millo; oo dadka Shekem iyo reer Millona dab ha ka soo baxo, oo ha laasto Abiimeleg.

Xaakinnada 9:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yootam orday oo cararay, oo wuxuu tegey Bi'ir, oo halkaasuu joogay cabsidii uu walaalkiis Abiimeleg ka qabay aawadeed.

Xaakinnada 9:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Abiimelegna saddex sannadood buu amiir u ahaa reer binu Israa'iil.

Xaakinnada 9:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Ilaahna dadkii Shekem iyo Abiimeleg dhexdooda wuxuu u soo diray jinni; oo dadkii Shekemna way khiyaaneeyeen Abiimeleg,

Xaakinnada 9:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
in dulmigii lagu sameeyey toddobaatankii wiil oo Yerubbacal uu yimaado, oo dhiiggoodii la saaro walaalkood Abiimeleg oo iyaga dilay, iyo dadkii reer Shekem oo gacmihiisa xoojiyey inuu laayo walaalihiis.

Xaakinnada 9:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkii reer Shekemna waxay isagii buuraha dushooda u saareen rag gaadmo ah, oo iyana waxay dhaceen wax alla wixii jidkaas agtooda ah soo maray; oo taas waxaa loo sheegay Abiimeleg.

Xaakinnada 9:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Gacal ina Cebed ayaa yimid isagoo la socda walaalihiis, oo wuxuu tegey Shekem; oo dadkii reer Shekemna way isku halleeyeen isagii.

Xaakinnada 9:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay beeraha tageen, oo canabkoodii soo gurteen, oo waxay ku tunteen midhihii canabka, wayna iideen, oo waxay galeen gurigii ilaahood, oo wax bay cuneen oo cabbeen, oo waxay caayeen Abiimeleg.

Xaakinnada 9:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Gacal ina Cebed yidhi, Abiimeleg waa ayo? Shekemna waa ayo? Maxaynu ugu adeegna? Sow isagu ma aha ina Yerubbacal? Sirkaalkiisuna sow ma aha Sebul? U adeega dadkii reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis; laakiinse maxaynu ugu adeegnaa isaga?

Xaakinnada 9:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddii Ilaah dadkan gacantayda hoos gelin lahaa, ogaada, Abiimeleg waan eryi lahaaye. Kolkaasuu ku yidhi Abiimeleg, Ciidankaaga soo badso oo soo bax.

Xaakinnada 9:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markii Sebul oo ahaa taliyihii magaaladu maqlay erayadii Gacal ina Cebed ayuu aad u cadhooday.

Xaakinnada 9:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu hoos ahaan wargeeyayaal ugu diray Abiimeleg, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, Gacal ina Cebed iyo walaalihiis ayaa Shekem yimid, oo magaaladiina wuu kugu diray.

Xaakinnada 9:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba adiga iyo dadka kula jiraaba habeennimo soo kaca oo duurka ku soo dhuunta.

Xaakinnada 9:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo subaxda markay qorraxdu soo baxdo waa inaad aroor hore soo kacdaa oo magaalada weerartaa; oo bal eeg, markii isaga iyo dadka la jiraa ay dagaal kuugu soo baxaan, markaasaad ku samayn doontaa sida kuu suurtowda.

Xaakinnada 9:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Abiimeleg iyo dadkii la jiray oo dhammu habeennimo kaceen, oo waxay soo gaadeen Shekem, iyagoo afar guuto ah.

Xaakinnada 9:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Gacal ina Cebed baxay, oo wuxuu istaagay iridda magaalada laga soo galo; oo Abiimeleg iyo dadkii la jirayna waxay ka soo kaceen gaadmadii.

Xaakinnada 9:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Gacalna markuu arkay dadkii wuxuu Sebul ku yidhi, Bal eeg, dad baa buuraha dushooda ka soo degaya. Sebulna wuxuu ku yidhi isagii, War waxaad arkaysaa oo dad moodaysaa buuraha hooskooda.

Xaakinnada 9:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Gacal haddana wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Bal day, dad baa dhulka dhexdiisa soo socda, oo guutona waxay soo ag socotaa geedkii Mecooneniim.

Xaakinnada 9:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Sebul wuxuu ku yidhi isagii, Meeh afkaagii aad ku tidhi, Waa ayo Abiimeleg oo maxaynu ugu adeegnaa? Sow kanu ma aha dadkii aad quudhsatay? Haddaba waan ku baryayaaye, u bax oo la dirir.

Xaakinnada 9:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Gacalna intuu baxay ayuu hor maray dadkii reer Shekem, oo wuxuu la diriray Abiimeleg.

Xaakinnada 9:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Abiimelegna wuu eryooday Gacal, oo isna wuu cararay, oo dad badan oo dhaawac ah ayaa kaga dhacay tan iyo iridda magaalada laga galo.

Xaakinnada 9:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Abiimelegna wuxuu degay Aruumaah, Sebulna wuu eryay Gacal iyo walaalihiisba, oo wuu u diiday inay Shekem degganaadaan.

Xaakinnada 9:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo subaxdii dambe ayaa dadkii duurka tegey oo ay Abiimeleg u sheegeen wixii dhacay.

Xaakinnada 9:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu dadkii kaxaystay, oo intuu u kala qaybiyey saddex guuto ayuu duurka ku gaaday; markaasuu intuu wax fiiriyey ayuu arkay dadkii magaalada ka soo baxayay oo intuu ku kacay ayuu laayay.

Xaakinnada 9:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay Abiimeleg iyo guutooyinkii la jiray hore u soo rooreen, oo waxay istaageen iriddii magaalada laga soo geli jiray; oo labadii guutona waxay ku yaaceen dadkii duurka joogay oo dhan, wayna wada laayeen.

Xaakinnada 9:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Abiimelegna maalintaas oo dhan wuxuu la dirirayay magaaladii; oo wuu qabsaday magaaladii, oo dadkii ku jirayna wuu wada laayay; oo magaaladiina wuu dumiyey, wuxuuna ku daadiyey cusbo.

Xaakinnada 9:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkii ku jiray munaaraddii Shekem markay taas maqleen, ayay galeen qalcaddii ku tiil gurigii ilaahooda Beriid la odhan jiray.

Xaakinnada 9:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Abiimeleg waxaa loo sheegay in dadkii ku jiray munaaraddii Shekem oo dhammu ay isku urursan yihiin.

Xaakinnada 9:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Abiimeleg wuxuu fuulay Buur Salmoon, isagii iyo dadkii la jiray oo dhammuba; kolkaasaa Abiimeleg wuxuu gacanta ku qabsaday faas, oo wuxuu dhirtii ka soo jaray laan, oo intuu kor u qaatay ayuu garbaha soo saaray, oo dadkii la jirayna wuxuu ku yidhi, Dhaqsada, oo wixii aad igu aragteen anoo samaynaya u sameeya sidii aan u sameeyey.

Xaakinnada 9:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa dadkii nin waluba wuxuu soo jaray laantiisii, oo waxay soo raaceen Abiimeleg, oo intay laamihii qalcaddii ku ag tuuleen ayay haddana dab sudheen, oo sidaasay dadkii munaaraddii Shekem joogay oo dhammu u wada le'deen; oo waxay ahaayeen in ku dhow kun qof oo rag iyo dumarba leh.

Xaakinnada 9:50 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddana Abiimeleg wuxuu tegey Teebees, oo wuxuu degay meel ka soo hor jeedda, markaasuu qabsaday.

Xaakinnada 9:51 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse magaalada waxaa ku dhex tiil munaarad xoog badan. Markaasay halkaas ku carareen rag iyo dumarba, iyo kulli wixii magaalada joogay oo dhan, oo intay isku soo xidheen ayay kor u fuuleen munaaradda saqafkeedii.

Xaakinnada 9:52 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Abiimeleg munaaraddii yimid, wuuna la diriray, oo wuxuu u dhowaaday iridda munaaradda inuu dab ku gubo.

Xaakinnada 9:53 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Naag baa kor dhagaxshiid kaga soo tuurtay Abiimeleg madaxiisii, oo burburisay dhakadiisii.

Xaakinnada 9:54 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu haddiiba u yeedhay ninkii dhallinyarada ahaa, oo hubka u siday, oo wuxuu ku yidhi, War dadku yaanu i odhan, Naag baa dishaye, seeftaada la soo bax oo i dil. Markaasaa ninkiisii dhallinyarada ahaa seef ka mudhbixiyey, kolkaasuu dhintay.

Xaakinnada 9:55 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inuu Abiimeleg dhintay ayaa nin waluba meeshiisii tegey.

Xaakinnada 9:56 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo sidaasaa Ilaah Abiimeleg xumaantii uu aabbihiis ku sameeyey uga jeebay, waayo, wuxuu laayay toddobaatan walaalihiis ah:

Xaakinnada 9:57 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo dadkii reer Shekem xumaantoodii oo dhan Ilaah baa ka jeebay madaxoodii, oo waxaa ku soo degay habaarkii Yootam ina Yerubbacal.
Previous Chapter
« Xaakinnada 8 (SOM)

Available Bible Translations

American Standard Version
Judges 9 (ASV) »
King James Version
Judges 9 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Judges 9 (GW) »
Berean Bible
Judges 9 (BSB) »
World English Bible
Judges 9 (WEB) »
Louis Segond 1910
Juges 9 (LSG) »
Luther Bibel 1912
Richter 9 (LUTH1912) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
न्यायियों 9 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਕਜ਼ਾૃ 9 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
বিচাৰকর্তাবিলাক 9 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
நியாயாதிபதிகள் 9 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
शास्ते 9 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
న్యాయాధిపతులు 9 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
ન્યાયાધીશો 9 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ನ್ಯಾಯಸ್ಥಾಪಕರು 9 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلْقُضَاة 9 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
שפטים 9 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Juízes 9 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Các Thủ Lãnh 9 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Jueces 9 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Giudici 9 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
士 师 记 9 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
士 師 記 9 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Gjyqtarët 9 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
Domarboken 9 (SV1917) »
Библия на русском
Книга Судей 9 (RUSV) »
Українська Біблія
Книга Суддів 9 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Bírák 9 (KAR) »
Българска Библия
Съдии 9 (BULG) »
聖書 日本語
士師記 9 (JPN) »
Det Norsk Bibel
Dommerne 9 (NORSK) »
Biblia Takatifu
Waamuzi 9 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Richtere 9 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
Dommer 9 (DA1871) »

Xaakinnada (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters