Xaakinnada Chapter 20 SOM Bible Verse Images

Xaakinnada 20 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Xaakinnada 20 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Xaakinnada 20:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay reer binu Israa'iil oo dhammu soo wada baxeen, oo shirkiina wuxuu u soo ururay sidii nin qudha, oo waxay ka soo shireen tan iyo Daan iyo xataa Bi'ir Shebac, iyo weliba dalka reer Gilecaad, oo waxay Rabbiga ugu soo shireen Misfaah.

Xaakinnada 20:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah.

Xaakinnada 20:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
(Markaasaa reer Benyaamiin waxay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah tageen.) Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War bal noo sheeg siday xumaantanu u dhacday.

Xaakinnada 20:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu kii reer Laawi oo ahaa ninkii qabay naagtii la dilay jawaabay oo yidhi, Waxaan imid magaalada Gibecaah oo reer Benyaamiin ay leeyihiin, oo waxaannu doonaynay inaannu ku hoyanno aniga iyo naagtaydii addoonta ahayd.

Xaakinnada 20:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay raggii reer Gibecaah igu kaceen, oo habeennimo ayay gurigii igu hareereeyeen, oo waxay damceen inay i dilaan, naagtaydii addoonta ahaydna way kufsadeen, wayna dhimatay.

Xaakinnada 20:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo anna intaan naagtaydii addoonta ahayd qaaday ayaan cadcad u kala googooyay, oo waxaan u diray dalkii ay reer binu Israa'iil dhaxalka u heleen oo dhan; waayo, waxay reer binu Israa'iil ku dhex sameeyeen wasakhnimo iyo xumaan.

Xaakinnada 20:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hadda kulligiin reer binu Israa'iilow, bal ka tashada oo ka arrinsada.

Xaakinnada 20:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa dadkii oo dhammu isku mar isla kacay sidii nin qudha, oo waxay yidhaahdeen, Annaga midkayana tegi maayo teendhadiisii, oo midkayana ku leexan maayo gurigiisii.

Xaakinnada 20:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse waxa aannu Gibecaah ku samaynaynaa waa kan; saami baannu ku weeraraynaa.

Xaakinnada 20:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan boqolkiiba toban nin baannu kala baxaynaa, kunkiina waxaannu kala baxaynaa boqol nin, tobankii kunna waxaannu kala baxaynaa kun nin, inay dadka sahay u keenaan si markii ay tagaan Gibecaahda reer Benyaamiin ay wax ugu sameeyaan xumaantii ay ku dhex sameeyeen reer binu Israa'iil aawadeed.

Xaakinnada 20:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo sidaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu isugu soo urursadeen magaaladii, iyagoo u midoobay sidii nin qudha.

Xaakinnada 20:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil rag u direen qabiilkii reer Benyaamiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, War xumaantan dhexdiinna ka dhacday waa maxay?

Xaakinnada 20:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba sidaas daraaddeed nimanka xunxun ee Gibecaah jooga noo soo bixiya, aannu dilnee, oo aannu reer binu Israa'iil sharka ka dhex fogaynee. Laakiinse reer Benyaamiin ma ay doonaynin inay dhegaystaan codkii reer binu Israa'iil oo walaalahood ahaa.

Xaakinnada 20:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.

Xaakinnada 20:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay.

Xaakinnada 20:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkaas oo dhanna waxaa ka mid ahaa toddoba boqol oo nin oo la soo xulay oo wada gurran, oo mid waluba ka dhaadhacay wadhafka tuuristiisa oo xataa uusan la waayayn tin.

Xaakinnada 20:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo raggii reer binu Israa'iil oo reer Benyaamiin aanay ku jirinna tiradoodii waxay ahayd afar boqol oo kun oo nin oo wada seefqaad ah; oo kulligoodna waxay ahaayeen rag dagaalgal ah.

Xaakinnada 20:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay reer binu Israa'iil kaceen, oo waxay tageen Beytel, oo Ilaah bay talo weyddiisteen. Oo waxay yidhaahdeen, Yaa reer Benyaamiin marka hore noogu duulaya? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha u horreeyeen.

Xaakinnada 20:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Subaxdii dambe ayay reer binu Israa'iil kaceen, oo ag degeen Gibecaah.

Xaakinnada 20:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo raggii reer binu Israa'iil waxay u soo baxeen inay reer Benyaamiin ku duulaan; oo reer binu Israa'iilna Gibecaah bay isugu diyaariyeen inay reer Benyaamiin la dagaallamaan.

Xaakinnada 20:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay reer Benyaamiin ka soo baxeen Gibecaah, oo baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo maalintaas waxay ka laayeen laba iyo labaatan kun oo nin.

Xaakinnada 20:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay raggii reer binu Israa'iil isdhiirrigeliyeen, oo mar kalay dagaal isugu soo diyaariyeen meeshii ay maalintii hore isku soo diyaariyeen.

Xaakinnada 20:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
(Markaasay reer binu Israa'iil tageen oo ilaa fiidkii ku hor ooyeen Rabbiga, oo Rabbigay weyddiisteen iyagoo leh, Miyaannu haddana u dhowaannaa inaannu walaalahayo reer Benyaamiin la dirirno? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga oo la dirira.)

Xaakinnada 20:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddana maalintii labaad ayaa reer binu Israa'iil u soo dhowaadeen reer Benyaamiin.

Xaakinnada 20:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasay reer Benyaamiin maalintii labaad kaga soo baxeen Gibecaah, oo haddana waxay baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo waxay ka laayeen siddeed iyo toban kun oo nin oo wada seefqaad ah.

Xaakinnada 20:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay reer binu Israa'iil oo dhan iyo dadkii oo dhammu wada tageen oo waxay yimaadeen Beytel, oo intay Rabbiga hor fadhiisteen ayay ooyeen, oo maalintaasna ilaa fiidkii way soomanaayeen; oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

Xaakinnada 20:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay reer binu Israa'iil haddana Rabbiga wax weyddiisteen, (waayo, wakhtigaas waxaa halkaas oolli jiray sanduuqii axdiga Ilaah,

Xaakinnada 20:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo wakhtigaas waxaa is-hor taagi jiray Fiinexaas ina Elecaasaar oo ina Haaruun ahaa), oo waxay yidhaahdeen, Miyaannu mar kale haddana ku duulnaa walaalahayo reer Benyaamiin, mise waannu ka joogsannaa? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga, waayo, berri baan gacanta idiin soo gelin doonaa.

Xaakinnada 20:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay reer binu Israa'iil Gibecaah hareeraheeda dhigeen rag gaadmo ah.

Xaakinnada 20:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddana maalintii saddexaad reer binu Israa'iil waxay ku soo kaceen reer Benyaamiin, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Gibecaah sidii mararkii hore.

Xaakinnada 20:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Benyaamiinna waxay ku soo baxeen dadkii, oo magaaladiina waa laga fogeeyey, oo waxay bilaabeen inay dadkii laayaan oo dilaan sidii mararkii hore, oo waxay ku laayeen waddooyinkii waaweynaa kuwaasoo middood Beytel loo maro, tan kalena Gibecaah loo maro, iyo duurka, oo waxay dileen in ku dhow soddon nin oo reer binu Israa'iil ah.

Xaakinnada 20:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay reer Benyaamiin isku yidhaahdeen, Sidii mararkii hore ayay hortayada ugu le'deen. Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdeen, War aynu cararno, oo iyaga magaalada ka fogayno oo geeyno xagga waddooyinka waaweyn.

Xaakinnada 20:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu ka kaceen meeshoodii, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Bacal Taamaar; oo raggii gaadmada ahaa oo reer binu Israa'iilna waxay ka soo yaaceen meeshoodii, taasoo ahayd duurka Gibecaah.

Xaakinnada 20:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaa Gibecaah hor yimid toban kun oo nin oo laga soo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, oo dagaalkiina aad iyo aad buu u sii kululaaday; laakiinse ma ay ogayn in belaayo ku soo dhow dahay.

Xaakinnada 20:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu Rabbigu reer Benyaamiin ku laayay reer binu Israa'iil hortooda; oo maalintaas reer binu Israa'iil waxay reer Benyaamiin ka baabbi'iyeen shan iyo labaatan kun iyo boqol nin oo wada seefqaad ah.

Xaakinnada 20:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed reer Benyaamiin waxay arkeen in la jebiyey, waayo, reer binu Israa'iil waxay meel u banneeyeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, waxay isku halleeyeen raggii qarsoonaa ee ay Gibecaah gaadmada u geliyeen.

Xaakinnada 20:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay raggii gaadmada ahaa soo dhaqsadeen oo haddiiba ku soo yaaceen Gibecaah, oo kuwii gaadmada ahaana intay soo baxeen ayay magaaladii oo dhan ku laayeen seef.

Xaakinnada 20:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba reer binu Israa'iil iyo raggii gaadmada ahaa waxaa calaamad u ahaa inay qiiq weyn ka kiciyaan magaalada.

Xaakinnada 20:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay raggii reer binu Israa'iil dagaalkii ka jeesteen, oo reer Benyaamiinna waxay bilaabeen inay laayaan oo dilaan, oo waxay raggii reer binu Israa'iil ka dileen in ku dhow soddon qof; waayo, waxay isyidhaahdeen, Hubaal sidii dagaalkii horay ku le'deen hortayada.

Xaakinnada 20:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse markii daruurtii ka kacday magaaladii iyadoo tiir qiiq ah ayaa reer Benyaamiin dib u fiiriyeen, oo waxay arkeen magaaladii oo dhammaanteed qiiq samada uga baxay.

Xaakinnada 20:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay raggii reer binu Israa'iil soo jeesteen, oo raggii reer Benyaamiinna way yaabeen; waayo, waxay arkeen in belaayo ku dhacday iyaga.

Xaakinnada 20:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay.

Xaakinnada 20:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intay hareereeyeen ayay reer Benyaamiin sii eryadeen, oo waxay ku gaadheen meeshii ay ku nasteen taasoo ka horraysa oo xagga qorrax ka soo baxa ka xigta Gibecaah.

Xaakinnada 20:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaa reer Benyaamiin haddana ka le'day siddeed iyo toban kun oo nin, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.

Xaakinnada 20:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intay jeesteen ayay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon; oo waxaa jidadka waaweyn lagu sii laayay shan kun oo nin; oo waxaa loo sii raacdaystay xagga Gidcom, oo laga laayay laba kun oo nin.

Xaakinnada 20:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed maalintaas wixii reer Benyaamiin ka le'day kulligood waxay ahaayeen shan iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.

Xaakinnada 20:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse lix boqol oo nin ayaa jeesatay oo waxay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon oo waxay dhagaxii weynaa oo Rimmon joogeen afar bilood.

Xaakinnada 20:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo raggii reer binu Israa'iil haddana way ku soo noqdeen reer Benyaamiin, oo waxay ku laayeen seef magaaladii oo dhan, iyo xoolihii, iyo wixii ay heleen oo dhanba; oo weliba magaalooyinkii ay heleen oo dhanna dab bay qabadsiiyeen.
Previous Chapter
« Xaakinnada 19 (SOM)

Available Bible Translations

American Standard Version
Judges 20 (ASV) »
King James Version
Judges 20 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Judges 20 (GW) »
World English Bible
Judges 20 (WEB) »
Louis Segond 1910
Juges 20 (LSG) »
Luther Bibel 1912
Richter 20 (LUTH1912) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
न्यायियों 20 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਕਜ਼ਾૃ 20 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
বিচাৰকর্তাবিলাক 20 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
நியாயாதிபதிகள் 20 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
शास्ते 20 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
న్యాయాధిపతులు 20 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
ન્યાયાધીશો 20 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ನ್ಯಾಯಸ್ಥಾಪಕರು 20 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلْقُضَاة 20 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
שפטים 20 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Juízes 20 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Các Thủ Lãnh 20 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Jueces 20 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Giudici 20 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
士 师 记 20 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
士 師 記 20 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Gjyqtarët 20 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
Domarboken 20 (SV1917) »
Библия на русском
Книга Судей 20 (RUSV) »
Українська Біблія
Книга Суддів 20 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Bírák 20 (KAR) »
Българска Библия
Съдии 20 (BULG) »
聖書 日本語
士師記 20 (JPN) »
De Heilige Schrift
Richtere 20 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
Dommer 20 (DA1871) »

Xaakinnada (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters