Luukos 24 SOM
Luukos Chapter 24 SOM Bible Verse Images
Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International
Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.
You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:
- You must give Attribution to the work.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.
Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.
This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:
- You include the above copyright and source information.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures
Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isagu halkan ma joogo, laakiinse waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay,
Square Portrait Landscape 4K UHD
isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacangeliyo dembilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wayna ka soo noqdeen xabaashii, oo waxaas oo dhan ayay u sheegeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii kale oo dhan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hadalladaas waxay la noqdeen wax aan micne lahayn, wayna rumaysan waayeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Butros ayaa kacay oo xabaashii u orday, markaasuu foororsaday oo wuxuu arkay maryihii keligood oo meel yaal; markaasuu ka tegey oo gurigiis ku noqday isagoo ka yaabban wixii dhacay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laba ka mid ah iyaga waxay maalintaas qudheeda ku socdeen tuulo la odhan jiray Emma'us, tan Yeruusaalem u jirtay lixdan istaadiyon.
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo waxay noqotay intay wada hadlayeen oo wax isweyweyddiinayeen, in Ciise qudhiisa u soo dhowaaday oo la socday.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi, Maxay yihiin hadalladan aad isku haysaan intaad socotaan? Wayna istaageen iyagoo fool qulubsan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Midkood oo Kale'obas la odhan jiray, ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma adigoo keliya oo Yeruusaalem deggan oo aan ogayn wixii ayaamahan meeshaas ka dhacay?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu ku yidhi, Wax maxay ah? Waxay ku yidhaahdeen, Wixii ku saabsanaa Ciisihii Reer Naasared, kii ahaa nin nebi ah oo xoog u lahaa wax falniin iyo hadal ah Ilaah iyo dadka oo dhan hortooda,
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin waxaannu rajaynaynay inuu yahay kan Israa'iil soo furan lahaa, laakiin waxaas oo dhan weliba maanta waa u maalintii saddexaad markii ay waxaas oo dhammi dhaceen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Weliba dumar annaga naga mid ah ayaa naga yaabsiiyey, kuwii aroortii hore xabaashii tegey.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortii ay meydkiisii waayeen ayay yimaadeen iyagoo leh, Waxaannu weliba aragnay muuqad malaa'igo kuwa yidhi, Wuu nool yahay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi, Nacasyo yahow oo qalbigoodu ka raagay inuu rumaysto wixii nebiyada oo dhammi ay ka hadleen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Masiixa miyaanay waajib ku ahayn inuu waxaas oo dhan ku silco oo uu ammaantiisa galo?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya,
Square Portrait Landscape 4K UHD
laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa dhacay kolkuu cunto ula fadhiistay inuu kibista qaaday, oo barakeeyey, oo intuu kala jejebiyey ayuu siiyey.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa indhahoodu furmeen, oo isagay garteen, wuuna ka libdhay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay isku yidhaahdeen, Miyaan qalbigeennu gubanin intuu jidka inagula hadlayay iyo intuu Qorniinkii inoo furayay?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay,
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu garashadooda u furay si ay u gartaan Qorniinka.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuuna ku yidhi, Sidaasay u qoran tahay, Waa inuu Masiixu silco, oo uu maalinta saddexaad kuwa dhintay ka soo sara kaco,
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo in toobaddii iyo dembidhaafka magiciisa lagu wacdiyo quruumaha oo dhan oo laga bilaabo Yeruusaalem.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Idinkuna waxyaalahaas ayaad markhaati ka tihiin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo bal eega, waxaan idiin soo dirayaa ballankii Aabbahay, laakiin magaalada jooga ilaa xoog laydinka huwiyo xagga sare.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu iyaga kaxeeyey ilaa meel ku dhow Beytaniya, oo intuu gacmihii kor u qaaday ayuu barakeeyey.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa dhacay intuu barakaynayay inuu ka tegey, oo waxaa kor loogu qaaday samada.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay isaga caabudeen, oo waxay Yeruusaalem kula noqdeen farxad weyn;
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo goor walbaba macbudka ayay ku jireen iyagoo Ilaah ammaanaya.
Available Bible Translations
Luke 24 (ASV) »
Luke 24 (KJV) »
Luke 24 (GW) »
Luke 24 (BSB) »
Luke 24 (WEB) »
Luc 24 (LSG) »
Lukas 24 (LUTH1912) »
लूका 24 (HINIRV) »
ਲੂਕਾ 24 (PANIRV) »
লূক 24 (BENIRV) »
லூக்கா 24 (TAMIRV) »
लूक 24 (MARIRV) »
లూకా 24 (TELIRV) »
લૂક 24 (GUJIRV) »
ಲೂಕನು 24 (KANIRV) »
لُوقا 24 (AVD) »
הבשורה על־פי לוקס 24 (HEB) »
Lucas 24 (BSL) »
Lu-ca 24 (VIE) »
Lucas 24 (RVA) »
Luca 24 (RIV) »
路 加 福 音 24 (CUVS) »
路 加 福 音 24 (CUVT) »
Luka 24 (ALB) »
Lukas 24 (SV1917) »
Луки 24 (RUSV) »
Луки 24 (UKR) »
Lukács 24 (KAR) »
Лука 24 (BULG) »
ルカによる福音書 24 (JPN) »
Lukas 24 (NORSK) »
Luka 24 (SWHULB) »
Łukasza 24 (POLUBG) »
Lukas 24 (NLD) »
Lukas 24 (DA1871) »