Luukos Chapter 9 SOM Bible Verse Images

Luukos 9 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Luukos 9 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Luukos 9:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan.

Luukos 9:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuuna diray inay boqortooyadii Ilaah ku wacdiyaan dadka oo ay bogsiiyaan kuwa buka.

Luukos 9:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuuna ku yidhi, Waxba safarka ha u qaadanina, ama ul, ama qandi, ama kibis, ama lacag. Laba khamiisna ha qaadanina.

Luukos 9:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Guri alla gurigaad gashaan jooga, meeshaasna ka baxa.

Luukos 9:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.

Luukos 9:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.

Luukos 9:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa taliye Herodos maqlay waxa dhacay oo dhan, wuuna shakiyey, waayo, qaar baa yidhi, Yooxanaa ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay,

Luukos 9:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
qaarna waxay yidhaahdeen, Eliyaas ayaa soo muuqday, qaar kalena waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah ayaa soo sara kacay.

Luukos 9:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Herodos wuxuu yidhi, Yooxanaa madaxaan ka gooyay, Yuu yahay kan aan waxan ka maqlayo? Oo wuxuu doonayay inuu arko.

Luukos 9:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rasuulladii markay soo noqdeen ayay isaga u sheegeen wixii ay sameeyeen. Wuuna waday oo keli ahaan u kaxeeyey magaalada Beytsayda la odhan jiray.

Luukos 9:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin dadkii badnaa, goortay ogaadeen, way soo raaceen. Markaasuuna iyaga soo dhoweeyey, oo wuxuu kala hadlay wax ku saabsan boqortooyadii. Ilaah, oo kuwii u baahnaa in la bogsiiyona wuu bogsiiyey.

Luukos 9:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.

Luukos 9:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

Luukos 9:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin. Wuxuu xertiisii ku yidhi, U fadhiisiya koox koox konton konton ah.

Luukos 9:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaasay yeeleen oo wada fadhiisiyeen.

Luukos 9:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay, ayuu barakeeyey, oo kala jejebiyey, oo xertiisii siiyey, inay dadkii badnaa hortooda dhigaan.

Luukos 9:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay cuneen oo ka wada dhergeen; waxaana la guray jajabkii ka hadhay oo laba iyo toban dambiilood ah.

Luukos 9:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intuu keli ahaan u tukanayay, ayaa xertiisii la joogtay, markaasuu weyddiiyey isagoo leh, Dadkii badnaa yay igu sheegaan?

Luukos 9:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Eliyaas, qaarna waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah oo soo sara kacay.

Luukos 9:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Masiixii Ilaah.

Luukos 9:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin wuu waaniyey oo wuxuu ku amray inaanay ninna waxaas u sheegin,

Luukos 9:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
isagoo leh, Waxay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmadu diidaan, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo.

Luukos 9:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu wuxuu kulligood ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana maalin walba ha soo qaato oo ha i soo raaco.

Luukos 9:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadin doona.

Luukos 9:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu islumiyo oo khasaaro?

Luukos 9:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maxaa yeelay, ku alla kii ka xishooda aniga iyo ereygaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga, goortuu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabbihiis iyo tan malaa'igaha quduuska ah.

Luukos 9:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin run baan idiin sheegayaa, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah.

Luukos 9:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Abbaaraha siddeed maalmood hadalladan dabadood waxaa dhacay inuu waday Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, oo buurtuu fuulay inuu ku tukado,

Luukos 9:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo intuu tukanayay, araggii wejigiisa ayaa si kale noqday, dharkiisuna caddaan ayuu la dhalaalayay.

Luukos 9:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo bal eeg, laba nin ayaa la hadlayay isaga, waxayna ahaayeen Muuse iyo Eliyaas,

Luukos 9:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo ammaan ku soo muuqday, oo waxay kala hadlayeen dhimashadiisa uu Yeruusaalem dhowaan ku dhammayn lahaa.

Luukos 9:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Butros iyo kuwii la jiray ayaa hurdo la cuslaaday; oo goortay tooseen ayay arkeen ammaantiisa iyo labadii nin oo la taagan.

Luukos 9:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkay ka tegayeen waxaa dhacay in Butros ku yidhi Ciise, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno, haddaba saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan ku dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas, waayo, ma uu garanaynin wuxuu leeyahay.

Luukos 9:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intuu waxaas lahaa, waxaa timid daruur oo iyagay hadhaysay, wayna baqeen kolkay daruurtii galeen.

Luukos 9:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.

Luukos 9:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortii codkii ahaaday Ciise keliya ayaa la arkay; markaasay iska aamuseen, oo maalmahaas ninna uma ay sheegin wixii ay arkeen.

Luukos 9:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga.

Luukos 9:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga,

Luukos 9:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo bal eeg, jinni baa qabsada, oo dhaqsiba wiilkaa qayliya, jinniguna waa gilgilaa, oo wiilku afkuu ka xumbeeyaa; dhib ayaa jinnigu kaga baxaa, isagoo aad u burburinaya.

Luukos 9:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

Luukos 9:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.

Luukos 9:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay, wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey.

Luukos 9:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa. Laakiin intay kulligood la wada yaabsanaayeen wixii uu sameeyey oo dhan, wuxuu xertiisii ku yidhi,

Luukos 9:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hadalladanu ha galeen dhegihiinna, waayo, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa.

Luukos 9:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, waana laga qariyey si ayna u garan, wayna ka cabsadeen inay hadalkas wax ka weyddiiyaan.

Luukos 9:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa ka dhex kacday dood ay islahaayeen, Kee baa ahaan doonaa kan inoo weyn.

Luukos 9:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Ciise markuu gartay fikirrada qalbigooda ayuu ilmo qaaday oo is-ag joojiyey,

Luukos 9:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
markaasuu ku yidhi iyaga, Ku alla kii magacayga ku aqbala ilmahan, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, wuxuu aqbalaa kii i soo diray, waayo, kii idiinku wada yar, kaas ayaa u weyn.

Luukos 9:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya, oo waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco.

Luukos 9:50 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Ha u diidina, waayo, kan aan idinka gees ahayn waa idinla gees.

Luukos 9:51 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortii wakhtigii isaga kor loo qaadi lahaa uu dhowaaday, wuxuu wejigiisa u jeediyey inuu Yeruusaalem tago.

Luukos 9:52 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu hortiisa cid u diray, oo intay tageen ayay galeen tuulo reer Samaariya ah inay wax u diyaariyaan isaga.

Luukos 9:53 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Iyaguse ma ay dhowayn, waayo, wejigiisa ayaa u jeeday xagga Yeruusaalem.

Luukos 9:54 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa xertiisii Yacquub iyo Yooxanaa goortay arkeen, waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, ma doonaysaa inaannu dab amarno inuu cirka ka soo dego oo baabbi'iyo?

Luukos 9:55 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isaguse waa ku jeestay oo canaantay iyaga, oo ku yidhi, Garan maysaan caynkii ruuxa aad ka tihiin.

Luukos 9:56 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay waxay aadeen tuulo kale.

Luukos 9:57 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intay jidka ku socdeen nin baa ku yidhi isaga, Waan ku raacayaa meel alla meeshaad tagtidba.

Luukos 9:58 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbirraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh.

Luukos 9:59 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Mid kalena ayuu ku yidhi, I soo raac. Laakiin isagu wuxuu ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso.

Luukos 9:60 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin wuxuu ku yidhi, Iska daa, meydadku ha aaseen meydadkooda, laakiin adigu bax oo boqortooyadii Ilaah ku naadi.

Luukos 9:61 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Mid kale ayaa yidhi, Sayidow, waan ku raacayaa, laakiin horta ii oggolow inaan kuwa gurigayga jooga ku soo idhaahdo, Nabadgelyo.

Luukos 9:62 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ciise ayaa ku yidhi, Ma jiro nin gacantiisa mixaraatka saara oo dib u eega, oo u qalma boqortooyada Ilaah.
Previous Chapter
« Luukos 8 (SOM)
Next Chapter
Luukos 10 (SOM) »

Available Bible Translations

American Standard Version
Luke 9 (ASV) »
King James Version
Luke 9 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Luke 9 (GW) »
Berean Bible
Luke 9 (BSB) »
World English Bible
Luke 9 (WEB) »
Louis Segond 1910
Luc 9 (LSG) »
Luther Bibel 1912
Lukas 9 (LUTH1912) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
लूका 9 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਲੂਕਾ 9 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
লূক 9 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
லூக்கா 9 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
लूक 9 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
లూకా 9 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
લૂક 9 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಲೂಕನು 9 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
لُوقا 9 (AVD) »
Bíblia Sagrada Português
Lucas 9 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Lu-ca 9 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Lucas 9 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Luca 9 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
路 加 福 音 9 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
路 加 福 音 9 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Luka 9 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
Lukas 9 (SV1917) »
Библия на русском
Луки 9 (RUSV) »
Українська Біблія
Луки 9 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Lukács 9 (KAR) »
Българска Библия
Лука 9 (BULG) »
Det Norsk Bibel
Lukas 9 (NORSK) »
Biblia Takatifu
Luka 9 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Lukas 9 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
Lukas 9 (DA1871) »

Luukos (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters