Luukos Chapter 22 SOM Bible Verse Images

Luukos 22 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Luukos 22 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Luukos 22:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa soo dhowaatay Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn oo la yidhaahdo Kormaridda.

Luukos 22:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen.

Luukos 22:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyod la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka.

Luukos 22:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo.

Luukos 22:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan,

Luukos 22:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacangeliyo intii dadka maqnaayeen.

Luukos 22:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.

Luukos 22:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunnee.

Luukos 22:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu ku diyaargarayno?

Luukos 22:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu ku yidhi, Bal eega, goortaad magaalada gashaan waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita. Isaga raaca oo ka daba gala guriguu galo.

Luukos 22:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaad ninka guriga leh ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu kugu leeyahay, Meeday qooladdii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

Luukos 22:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.

Luukos 22:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay tageen, oo waxay heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda way diyaargareeyeen.

Luukos 22:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.

Luukos 22:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baan u doonayay inaan cashadan Iidda Kormaridda idinla cuno intaanan xanuunsan.

Luukos 22:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar dambe tan ma cuni doono ilaa ay ku dhammaystiranto boqortooyada Ilaah dhexdeeda.

Luukos 22:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu koob qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu yidhi, Kan qaata oo qaybsada,

Luukos 22:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waayo, waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa ay boqortooyada Ilaah timaado.

Luukos 22:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh, Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya.

Luukos 22:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay,

Luukos 22:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
laakiin eega, gacanta kan i gacangelinaya miiskay ila saaran tahay,

Luukos 22:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waayo, Wiilka Aadanahu waa baxayaa sidii loo gooyay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas gacangelinaya.

Luukos 22:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay waxay bilaabeen inay dhexdooda isweyddiiyaan midkood waxan yeeli doona.

Luukos 22:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dhexdoodana waxaa ku jirtay dood ku saabsanayd midkood lagu tirinaya inuu ugu weyn yahay.

Luukos 22:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi, Quruumaha boqorradoodu ay u taliyaan iyaga, kuwa xukun ku lehna waxaa la yidhaahdaa, Wanaagfalayaal.

Luukos 22:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega.

Luukos 22:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, kee baa weyn, ma kan cuntada u fadhiya baa mise waa kan adeega? Miyaanu ahayn kan cuntada u fadhiya? Aniguse sida kan adeega ayaan idiin dhex joogaa.

Luukos 22:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay.

Luukos 22:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaan idiin yeelayaa boqortooyo sida aabbahay iigu yeelay,

Luukos 22:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
si aad wax uga cuntaan oo uga cabtaan miiskayga oo boqortooyadayda ku jira, oo waxaad ku fadhiisan doontaan carshiyo idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.

Luukos 22:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen,

Luukos 22:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.

Luukos 22:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.

Luukos 22:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.

Luukos 22:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishadla'aan iyo qandila'aan iyo kabola'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba.

Luukos 22:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado.

Luukos 22:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin.

Luukos 22:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay waxay yidhaahdeen, Sayidow, bal eeg, laba seefood ayaa halkan yaale. Wuxuu ku yidhi, Waa ku filan tahay.

Luukos 22:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday.

Luukos 22:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

Luukos 22:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,

Luukos 22:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto.

Luukos 22:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa.

Luukos 22:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.

Luukos 22:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.

Luukos 22:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

Luukos 22:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.

Luukos 22:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho?

Luukos 22:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa?

Luukos 22:50 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa midkood wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay.

Luukos 22:51 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey.

Luukos 22:52 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwa u yimid, waxa weeye, wadaaddadii sare, iyo madaxdii askarta oo macbudka, iyo waayeelladii, waxaa Ciise ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo sidaan tuug ahay?

Luukos 22:53 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortaan maalin walba macbudka idinkula jiri jiray, gacmo iguma aydaan soo taagi jirin, laakiin tanu waa saacaddiinna iyo xoogga gudcurka.

Luukos 22:54 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay isagii qabteen oo kaxeeyeen, oo wadaadkii sare gurigiisa ayay geliyeen. Laakiin Butros baa meel fog ka daba socday,

Luukos 22:55 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo goortay barxadda dhexdeeda dab ka shideen, oo ay wada fadhiisteen, ayaa Butros dhexdooda fadhiistay.

Luukos 22:56 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi, Kanuna waa la jiray isagii.

Luukos 22:57 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii.

Luukos 22:58 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi.

Luukos 22:59 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili.

Luukos 22:60 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey.

Luukos 22:61 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

Luukos 22:62 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.

Luukos 22:63 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen.

Luukos 22:64 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intay indhaha ka xidheen ayay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, yuu yahay kan kugu dhuftay?

Luukos 22:65 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya.

Luukos 22:66 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,

Luukos 22:67 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.

Luukos 22:68 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaan idin weyddiiyona, iima jawaabi doontaan.

Luukos 22:69 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah.

Luukos 22:70 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.

Luukos 22:71 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay yidhaahdeen, Maxaannu markhaati weli ugu baahan nahay? Waayo, qudheenna ayaa afkiisa ka maqalnay.
Previous Chapter
« Luukos 21 (SOM)
Next Chapter
Luukos 23 (SOM) »

Available Bible Translations

American Standard Version
Luke 22 (ASV) »
King James Version
Luke 22 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Luke 22 (GW) »
Berean Bible
Luke 22 (BSB) »
World English Bible
Luke 22 (WEB) »
Louis Segond 1910
Luc 22 (LSG) »
Luther Bibel 1912
Lukas 22 (LUTH1912) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
लूका 22 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਲੂਕਾ 22 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
লূক 22 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
லூக்கா 22 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
लूक 22 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
లూకా 22 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
લૂક 22 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಲೂಕನು 22 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
لُوقا 22 (AVD) »
Bíblia Sagrada Português
Lucas 22 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Lu-ca 22 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Lucas 22 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Luca 22 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
路 加 福 音 22 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
路 加 福 音 22 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Luka 22 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
Lukas 22 (SV1917) »
Библия на русском
Луки 22 (RUSV) »
Українська Біблія
Луки 22 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Lukács 22 (KAR) »
Българска Библия
Лука 22 (BULG) »
Det Norsk Bibel
Lukas 22 (NORSK) »
Biblia Takatifu
Luka 22 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Lukas 22 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
Lukas 22 (DA1871) »

Luukos (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters