Tirintii Chapter 16 SOM Bible Verse Images

Tirintii 16 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Tirintii 16 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Tirintii 16:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Qorax ina Isehaar oo ahaa ina Qohaad, oo ka sii ahaa reer Laawi, isaga iyo Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, iyo Oon oo ahaa ina Feled oo reer Ruubeen ahaa ayaa rag watay,

Tirintii 16:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo waxay ku hor kaceen Muuse iyaga iyo reer binu Israa'iil qaarkood oo ahaa laba boqol iyo konton amiir oo shirka loo doortay oo wada caan ahaa.

Tirintii 16:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyana way wada urureen oo gees ka noqdeen Muuse iyo Haaruun, oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku filan, maxaa yeelay, shirka oo dhan qof kastaaba waa quduus, oo Rabbiguna waa dhex joogaa iyaga. Haddaba maxaad Rabbiga ururkiisa isaga sara marisaan?

Tirintii 16:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Muusena markuu taas maqlay ayuu wejiga dhulka dhigay.

Tirintii 16:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu la hadlay Qorax iyo guutadiisii oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Berri subax ayaa Rabbigu muujin doonaa kuwa ah kuwiisa iyo kii quduus ah, wuuna soo dhowayn doonaa; oo kii uu isagu dooranayana wuu isu soo dhowayn doonaa.

Tirintii 16:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Qorax iyo guutadiisa oo dhammay, sidan yeela, oo waxaad qaadataan idammo,

Tirintii 16:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo berrito Rabbiga hortiisa iyaga dab ku shuba oo foox ku shida, oo kolkaas ninkii Rabbigu doorto, wuxuu ahaan doonaa quduus. Idinku filan reer Laawiyow.

Tirintii 16:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Haddaba maqla reer Laawiyow.

Tirintii 16:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ma idinla yar tahay in Ilaaha reer binu Israa'iil idiinka soocay shirka reer binu Israa'iil inuu idin soo dhowaysto si aad u samaysaan hawsha taambuugga Rabbiga oo aad shirka hortiisa istaagtaan oo u adeegtaan,

Tirintii 16:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo inuu weliba idinka iyo walaalihiinna reer Laawi oo dhanba soo dhowaystay? Oo haddana ma waxaad doonaysaan wadaadnimada?

Tirintii 16:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba adiga iyo guutadaada oo dhammu waxaad isu soo urursateen oo aad gees ka tihiin Rabbiga. Balse maxaa dhacay oo aad Haaruun ugu gunuustaan?

Tirintii 16:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse u cid diray Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, oo iyana waxay yidhaahdeen, Iman mayno.

Tirintii 16:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?

Tirintii 16:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.

Tirintii 16:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse aad u cadhooday, oo wuxuu Rabbiga ku yidhi, Adigu qurbaankooda ha aqbalin. Anigu iyaga dameerna kama qaadan, midkoodna waxba ma yeelin.

Tirintii 16:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Berrito adiga iyo guutadaaduba Rabbiga hortiisa kaalaya, adiga iyo iyaga iyo Haaruunba.

Tirintii 16:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo idinka nin waluba idankiisa ha qaato oo foox ha ku shubo, oo ninkiin kastaaba idankiisa Rabbiga ha hor keeno, kuwaasoo wada ah laba boqol iyo konton idan, oo weliba adiga iyo Haaruunna idammadiinna soo qaata.

Tirintii 16:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyana nin waluba idankiisii buu soo qaatay, oo dab bay ku shubeen, fooxna way saareen, kolkaasay Muuse iyo Haaruun la istaageen iridda teendhadii shirka.

Tirintii 16:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga.

Tirintii 16:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

Tirintii 16:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Idinku shirkan dhan isaga sooca aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee.

Tirintii 16:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahow, adigoo ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan ruuxoodow, haddaba nin keliyahaa dembaabaye ma dadka shirka oo dhan baad u cadhoonaysaa?

Tirintii 16:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

Tirintii 16:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Shirka la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, War, ka ag kaca taambuugyada Qorax, iyo Daataan iyo Abiiraam.

Tirintii 16:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse wuxuu u kacay Daataan iyo Abiiraam, oo waayeelladii reer binu Israa'iilna isagay soo raaceen.

Tirintii 16:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu shirkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, Isaga fogaada nimankan sharka ah teendhooyinkooda, oo waxay iyagu leeyihiinna ha taabanina, yaan dembiyadooda aawadood laydiin baabbi'ine.

Tirintii 16:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba waxay ka kaceen dhinac kasta ee taambuugyadii Qorax iyo Daataan iyo Abiiraam. Markaasay Daataan iyo Abiiraam soo bexeen, oo waxay istaageen iridda teendhooyinkoodii, iyaga iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo dhallaankoodiiba.

Tirintii 16:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Tanaad ku ogaanaysaan in Rabbigu ii soo diray inaan waxyaalahan oo dhan sameeyo, waayo, anigu maankayga uun kama samayn.

Tirintii 16:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddii nimankanu ay u dhintaan sida caadiga u ah dadka oo dhan, ama iyaga loo booqdo sida dadka oo dhan loo soo booqdo, markaas Rabbigu ima uu soo dirin.

Tirintii 16:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse haddii Rabbigu wax cusub sameeyo, oo dhulku afka kala qaado oo uu iyaga iyo waxay leeyihiin oo dhan liqo, oo haddii iyagoo noolnool ay She'ool ku dhaadhacaan, de markaas waxaad garan doontaan in nimankanu Rabbiga quudhsadeen.

Tirintii 16:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkuu dhammeeyey waxyaalahaas uu ku hadlay oo dhan, ayaa dhulkii iyaga ka hooseeyey kala dillaacay,

Tirintii 16:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo reerahoodii, iyo dadkii Qorax oo dhan, iyo alaabtoodii oo dhan.

Tirintii 16:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba iyagii iyo wixii ay lahaayeen oo dhammuba iyagoo noolnool ayay She'ool ku dhaadhaceen, markaasaa dhulkii ku dul xidhmay, oo iyana shirkii way ka halligmeen.

Tirintii 16:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa reer binu Israa'iilkii hareerahooda joogay waxay ka carareen qayladoodii, waayo, waxay isyidhaahdeen, War aarmaa dhulku innagana ina liqaa.

Tirintii 16:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa dab Rabbiga xaggiisa ka yimid oo baabbi'iyey laba boqol iyo kontonkii nin oo fooxa bixiyey.

Tirintii 16:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

Tirintii 16:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
La hadal Elecaasaar ina Haaruun wadaadka ah, oo u sheeg inuu idammada dabka ka bixiyo, adna dabka xagga shishe ku kala firdhi, waayo, iyagu waa quduus.

Tirintii 16:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo idammada nimankan naftooda ku dembaabay ha laga dhigo dahaadh tuman oo meesha allabariga lagu dahaadho; waayo, Rabbiga hortiisay ku bixiyeen, oo sidaas daraaddeed iyagu waa quduus; oo calaamo bay reer binu Israa'iil u noqon doonaan.

Tirintii 16:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa wadaadkii Elecaasaar wuxuu soo qaaday idammadii naxaasta ahaa oo ay kuwii gubtay bixiyeen, oo inta la tumay ayaa meesha allabariga dahaadh looga dhigay,

Tirintii 16:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse.

Tirintii 16:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen.

Tirintii 16:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii.

Tirintii 16:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay yimaadeen teendhadii shirka horteeda.

Tirintii 16:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

Tirintii 16:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Adigu shirkan ka soo kac, aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. Oo iyana markaasay wejiga dhulka dhigeen.

Tirintii 16:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay.

Tirintii 16:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Haaruun qaaday sidii Muuse ku hadlay, oo shirkuu ku dhex orday, oo bal eeg, belaayadiina dadka way ku dhex bilaabatay; oo fooxii wuu shiday, dadkiina buu u kafaaro guday.

Tirintii 16:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu isdhex taagay kuwii dhintay iyo kuwii noolaa; oo belaayadiina way joogsatay.

Tirintii 16:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba kuwii belaayada ku dhintay waxay ahaayeen afar iyo toban kun iyo toddoba boqol, oo aan lagu tirin kuwii ku dhintay xaalkii Qorax.

Tirintii 16:50 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Haaruun Muuse ugu noqday iriddii teendhadii shirka; oo belaayadiina way joogsatay.
Previous Chapter
« Tirintii 15 (SOM)
Next Chapter
Tirintii 17 (SOM) »

Available Bible Translations

American Standard Version
Numbers 16 (ASV) »
King James Version
Numbers 16 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Numbers 16 (GW) »
World English Bible
Numbers 16 (WEB) »
Louis Segond 1910
Nombres 16 (LSG) »
Luther Bibel 1912
Numeri 16 (LUTH1912) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
गिनती 16 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਗਿਣਤੀ 16 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
গননা 16 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
எண்ணாகமம் 16 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
गणना 16 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
సంఖ్యాకాండం 16 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
ગણના 16 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಅರಣ್ಯಕಾಂಡ 16 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلْعَدَد 16 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
במדבר 16 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Números 16 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Dân Số 16 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Números 16 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Numeri 16 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
民 数 记 16 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
民 數 記 16 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Numrat 16 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
4 Mosebok 16 (SV1917) »
Библия на русском
Числа 16 (RUSV) »
Українська Біблія
Числа 16 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
4 Mózes 16 (KAR) »
Българска Библия
Числа 16 (BULG) »
聖書 日本語
民数記 16 (JPN) »
Biblia Takatifu
Hesabu 16 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Numberi 16 (NLD) »

Tirintii (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters