Tirintii Chapter 3 SOM Bible Verse Images

Tirintii 3 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Tirintii 3 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Tirintii 3:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba kuwanu waxa weeye farcammadii Haaruun iyo Muuse waagii Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay.

Tirintii 3:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwanu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, Naadaab oo curadkii ahaa, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

Tirintii 3:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwaasu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, oo waa wadaaddadii la subkay oo uu gooni uga dhigay inay adeegaan shuqulka wadaadnimada.

Tirintii 3:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Naadaab iyo Abiihuu waxay ku dhinteen Rabbiga hortiisa, markay dab qalaad ku bixiyeen Rabbiga hortiisa iyagoo cidlada Siinay jooga, oo iyagu carruurna ma ay lahayn. Markaasay Elecaasaar iyo Iitaamaar shuqulkii wadaadnimada kaga adeegi jireen aabbahood Haaruun hortiisa.

Tirintii 3:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

Tirintii 3:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qabiilka reer Laawi soo dhowee oo wadaadka Haaruun hortiisa keen inay isaga u adeegaan.

Tirintii 3:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

Tirintii 3:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

Tirintii 3:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo adigu waa inaad reer Laawi siisaa Haaruun iyo wiilashiisaba, oo iyaga dhammaantood waa la siiyey reer binu Israa'iil aawadood.

Tirintii 3:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa doorataa, oo iyagu waa inay dhawraan wadaadnimadooda, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.

Tirintii 3:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

Tirintii 3:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo bal eeg, anna waxaan reer Laawi kala dhex baxay reer binu Israa'iil intii aan ka qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil ee maxalka furta oo dhan, oo reer Laawi waxay ahaanayaan kuwaygii,

Tirintii 3:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waayo, curadyada oo dhan anigaa iska leh. Maalintii aan curadyadii Masar oo dhan wada laayay ayaan quduus ka wada dhigtay curadyada reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, oo iyagu kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

Tirintii 3:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddana Rabbigu wuxuu Muuse kula hadlay cidlada Siinay, oo wuxuu ku yidhi,

Tirintii 3:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Reer Laawi oo dhan u soo wada tiri reer reer iyo qolo qolo. Nin kasta oo bil jira ama ka sii weyn waa inaad tirisaa.

Tirintii 3:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse iyagii u tiriyey sidii eraygii Rabbigu ahaa oo uu isaga ugu amray.

Tirintii 3:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Laawi magacyadoodii: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

Tirintii 3:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwanuna waa magacyadii wiilashii Gershoon siday qolooyinkoodu yihiin, Libnii iyo Shimcii.

Tirintii 3:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wiilashii Qohaad siday qolooyinkoodu yihiin waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.

Tirintii 3:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wiilashii Meraariina siday qolooyinkoodu yihiin waa Maxlii iyo Mushii, kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi siday reerahoodu yihiin.

Tirintii 3:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Gershoon waxaa ka soo farcamay reer Libnii iyo reer Shimcii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Gershoon.

Tirintii 3:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwii iyaga laga tiriyey siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kulli intoodii la tiriyey waxay ahaayeen toddoba kun iyo shan boqol.

Tirintii 3:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Gershoon qolooyinkoodii waa inay taambuugga dabadiisa xagga galbeedka teendhooyinkooda ka dhistaan.

Tirintii 3:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo amiirka reer Gershoonna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Laa'eel.

Tirintii 3:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Gershoonna waa inay teendhada shirka ugu taliyaan taambuuga, iyo Teendhada, iyo dedkeeda, iyo daaha iridda teendhada shirka,

Tirintii 3:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo barxadda daahyadeeda, iyo daaha iridda barxadda oo taambuugga iyo meesha allabariga ku wareegsan iyo xadhkihii hawsha lagu qabto oo dhan.

Tirintii 3:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Qohaadna waxaa ka soo farcamay reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel; kuwaasu waa qolooyinkii reer Qohaad.

Tirintii 3:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan intii bil jirtay ama ka sii weynayd waxay ahaayeen siddeed kun iyo lix boqol, oo waxay u taliyeen meesha quduuska ah.

Tirintii 3:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo qolooyinka reer Qohaad waa inay taambuugga dhankiisa koonfureed teendhooyinkooda ka dhistaan.

Tirintii 3:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo amiirka reer Qohaadna waa inuu ahaadaa Eliisaafaan ina Cusii'eel.

Tirintii 3:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyana waxay u talin doonaan sanduuqa, iyo miiska, iyo laambadda, iyo meelaha allabariga, iyo weelasha meesha quduuska ah oo ay ku adeegaan, iyo daaha, iyo hawsha oo dhan.

Tirintii 3:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Elecaasaar ina wadaadka Haaruun waa inuu ahaadaa amiirka amiirrada reer Laawi, oo wuxuu korka ka ilaalin doonaa kuwa u taliya meesha quduuska ah.

Tirintii 3:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Meraariina waxaa ka soo farcamay reer Maxlii iyo reer Mushii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Meraarii.

Tirintii 3:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwoodii loo tiriyey siday ahayd tiradii kuwii labka ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, waxay ahaayeen lix kun iyo laba boqol.

Tirintii 3:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo qabiilka reer Meraarii amiirkoodii wuxuu ahaa Surii'eel ina Abiixayil, oo iyana waa inay taambuugga dhankiisa woqooyi teendhooyinkooda ka dhistaan.

Tirintii 3:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Meraarii waxaa loo amray inay u taliyaan taambuugga looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo hawshiisa oo dhan,

Tirintii 3:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo tiirarka barxadda ku wareegsanna, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda iyo xadhkahooda.

Tirintii 3:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwa teendhooyinkooda ka dhistaa taambuugga xaggiisa bari iyo teendhada shirka horteeda xagga qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxay reer binu Israa'iil ugu talinayaan meesha quduuska ah; oo shisheeyaha u soo dhowaadana waa in la dilaa.

Tirintii 3:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kulli intii reer Laawi ah ee la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay qolo qolo ugu tiriyeen amarkii Rabbiga, kuwii lab ahaa oo dhan oo bil jiray ama ka sii weynaa, waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun.

Tirintii 3:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tiri curadyada labka ah oo reer binu Israa'iil oo dhan, intii bil jirta ama ka sii weyn, oo magacyadooda ku soo xisaab.

Tirintii 3:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waa inaad ii qaaddaa reer Laawi intii aad ii qaadi lahayd curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, oo waa inaad xoolaha reer Laawina ii qaaddaa intii aad ii qaadi lahayd curadyada xoolaha reer binu Israa'iil oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

Tirintii 3:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse curadyadii reer binu Israa'iil oo dhan u tiriyey sidii Rabbigu ugu amray.

Tirintii 3:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo curadyadii labka ahaa oo dhammu, sidii tirada magacyadoodu ahayd, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kuwii iyaga laga soo tiriyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan.

Tirintii 3:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

Tirintii 3:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Reer Laawi ii qaad intii aad ii qaadi lahayd curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, oo xoolaha reer Laawina ii qaad intii aad ii qaadi lahayd xoolaha reer binu Israa'iil, oo reer Laawi kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

Tirintii 3:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo labada boqol iyo saddex iyo toddobaatanka curad oo reer binu Israa'iil oo ka sii badan reer Laawi,

Tirintii 3:47 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
madaxtiriskiiba waxaad iigu madax furataa shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. (Sheqelku waa labaatan geeraah.)

Tirintii 3:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo tiradooda dheeraadka ah lacagta lagu madax furtay waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa siisaa.

Tirintii 3:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse lacagtii ka qaaday kuwii ka sii badnaa kuwii lagu madax furtay reer Laawi.

Tirintii 3:50 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo curadyadii reer binu Israa'iil ayuu ka qaaday lacagtii, oo ahayd kun iyo saddex boqol iyo shan iyo lixdan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

Tirintii 3:51 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Muuse lacagtii madaxfurashada ahayd wuxuu u dhiibay Haaruun iyo wiilashiisii, siduu ahaa eraygii Rabbigu Muuse ku amray.
Previous Chapter
« Tirintii 2 (SOM)
Next Chapter
Tirintii 4 (SOM) »

Available Bible Translations

American Standard Version
Numbers 3 (ASV) »
King James Version
Numbers 3 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Numbers 3 (GW) »
World English Bible
Numbers 3 (WEB) »
Louis Segond 1910
Nombres 3 (LSG) »
Luther Bibel 1912
Numeri 3 (LUTH1912) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
गिनती 3 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਗਿਣਤੀ 3 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
গননা 3 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
எண்ணாகமம் 3 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
गणना 3 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
సంఖ్యాకాండం 3 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
ગણના 3 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಅರಣ್ಯಕಾಂಡ 3 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلْعَدَد 3 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
במדבר 3 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Números 3 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Dân Số 3 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Números 3 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Numeri 3 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
民 数 记 3 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
民 數 記 3 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
Numrat 3 (ALB) »
Svenska Bibeln 1917
4 Mosebok 3 (SV1917) »
Библия на русском
Числа 3 (RUSV) »
Українська Біблія
Числа 3 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
4 Mózes 3 (KAR) »
Българска Библия
Числа 3 (BULG) »
聖書 日本語
民数記 3 (JPN) »
Biblia Takatifu
Hesabu 3 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Numberi 3 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
4 Mosebog 3 (DA1871) »

Tirintii (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters