Sharciga Kunoqoshadiisa Chapter 1 SOM Bible Verse Images

Sharciga Kunoqoshadiisa 1 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Sharciga Kunoqoshadiisa 1 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Sharciga Kunoqoshadiisa 1:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood, iyo Diisaahaab.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo sannaddii afartanaad bisheedii koob iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa Muuse reer binu Israa'iil kula hadlay kulli amarradii Rabbigu ugu soo dhiibay oo dhan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo meeshaas ee Webi Urdun ka shishaysa oo ku taal dalka reer Moo'aab ayaa Muuse ka bilaabay inuu caddeeyo sharcigan, oo wuxuu yidhi,

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu inala hadlay intaan Xoreeb joognay oo wuxuu inagu yidhi, Buurtan in idinku filan waad degganaydeen,

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo anna markaas waan idinla hadlay oo waxaan idhi, Anigu idinma aan qaadi karo keli ahaantay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin ha idinka dhigo kun jeer in ka sii badan intaad haatan tihiin, oo ha idiin barakeeyo siduu idin ballanqaaday!

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo bal anigoo keligay ah sidee baan u qaadi karaa culayskiinna iyo rarkiinna iyo rabshaddiinna?

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax idiin talisa.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal, iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waagaas ayaan xaakinnadiinna amray, oo waxaan ku idhi, Maqla dacwadaha walaalihiin dhex yaal, oo caddaalad ugu kala garsoora nin iyo walaalkiis iyo shisheeyaha isaga la jira.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina, waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna taas waan maqli doonaa.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waagaas waxaan idinku amray wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo anna markaas waxaan idinku idhi, War waxaad timaadeen dalka buuraha leh oo reer Amor ee Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkii buu idin hor dhigay. Haddaba u kaca, oo hanti u qaata sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin sheegay, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo anna taas aad baan ugu farxay, markaasaan idinkala soo baxay laba iyo toban nin, oo qabiil kastaba nin baan ka soocay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasay noqdeen oo buurtii u kaceen, oo waxay gaadheen dooxadii Eshkol, wayna soo basaaseen.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal xaggee baynu u sii kacnaa? Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi,

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo,

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Amorkii buurta degganaa ayaa idinku soo baxay oo idiin soo eryaday sida shinnida, oo waxay idinku jebiyeen Seciir iyo tan iyo Xormaah.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaad soo noqoteen oo Rabbiga hortiisa ku ooydeen, laakiinse Rabbigu codkiinnii ma uu maqlin, dhegna idiinma uu dhigin.

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed Qaadeesh ayaad maalmo badan degganaydeen intii ay ahaayeen maalmihii aad halkaas degganaydeen.

Available Bible Translations

American Standard Version
Deuteronomy 1 (ASV) »
King James Version
Deuteronomy 1 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Deuteronomy 1 (GW) »
World English Bible
Deuteronomy 1 (WEB) »
Louis Segond 1910
Deutéronome 1 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
व्यवस्थाविवरण 1 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਅਸਤਸਨਾ 1 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
দ্বিতীয় বিৱৰণ 1 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
உபாகமம் 1 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
अनुवाद 1 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
ద్వితీయోపదేశ కాండము 1 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પુનર્નિયમ 1 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಧರ್ಮೋಪದೇಶಕಾಂಡ 1 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلتَّثْنِيَة 1 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
דברים 1 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Deuteronômio 1 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Phục Truyền Luật Lệ 1 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Deuteronomio 1 (RVA) »
圣 经 简体中文和合本
申 命 记 1 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
申 命 記 1 (CUVT) »
Svenska Bibeln 1917
5 Mosebok 1 (SV1917) »
Библия на русском
Второзаконие 1 (RUSV) »
Українська Біблія
Повторення Закону 1 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
5 Mózes 1 (KAR) »
Българска Библия
Второзаконие 1 (BULG) »
聖書 日本語
申命記 1 (JPN) »
Biblia Takatifu
Torati 1 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Deuteronomium 1 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
5 Mosebog 1 (DA1871) »

Sharciga Kunoqoshadiisa (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters