Sharciga Kunoqoshadiisa 5 SOM
Sharciga Kunoqoshadiisa Chapter 5 SOM Bible Verse Images
Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International
Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.
You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:
- You must give Attribution to the work.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.
Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.
This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:
- You include the above copyright and source information.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures
Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse u wada yeedhay dadkii reer binu Israa'iil oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan maanta dhegahiinna kula hadlayo inaad iyaga barataan oo aad dhawrtaan si aad u samaysaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Rabbiga Ilaaheenna ahu innagoo Xoreeb joogna ayuu axdi inala dhigtay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Rabbigu axdigaas lama uu dhigan awowayaasheen, laakiinse wuxuu la dhigtay innagoo ah inteenna maanta nool oo halkan wada joogta oo dhan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Rabbigu isagoo buurta jooga fool ka fool ayuu dabka dhexdiisa idiinkala hadlay,
Square Portrait Landscape 4K UHD
(oo anna markaas waxaan istaagay Rabbiga iyo idinka dhexdiinna si aan idiin tuso Eraygii Rabbiga, waayo, waxaad ka cabsanayseen dabka, oo buurtana ma aydaan fuulin,) oo isaguna wuxuu yidhi,
Square Portrait Landscape 4K UHD
Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda, iyo tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu amray.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,
Square Portrait Landscape 4K UHD
laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waa inaad xusuusataa inaad addoon ku ahaan jirtay dalka Masar, oo Rabbiga Ilaahaaga ahu uu halkaas kaaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, oo sidaas daraaddeed Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu kugu amray inaad dhawrto maalinta sabtida.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Aabbahaa iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray, in cimrigaagu dheeraado, oo aad ku nabdoonaatid dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waa inaadan damcin naagta deriskaaga, oo waa inaanad damcin guriga deriskaaga, ama beertiisa, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn, wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i siiyey.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaad codka ka dhex maqasheen gudcurka, iyadoo buurta dab ka qaxmayo, ayaad ii soo dhowaateen idinkoo ah madaxdii qabiilooyinkiinna iyo duqowdiinnii oo dhanba,
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo waxaad tidhaahdeen, Bal eega, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu ina tusay ammaantiisa iyo weynaantiisa, codkiisiina waynu ka maqalnay dabka dhexdiisa, oo maanta waxaan ogaannay in Rabbigu dadka la hadlo oo uu isagu nool yahay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba bal maxaynu u leennahay inaynu dhimanno? Waayo, dabkan weyn baa ina baabbi'inaya, oo haddaynu sii maqalno codka Rabbiga Ilaaheenna ah waynu dhimanaynaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, binu-aadmiga oo dhan bal yaa weligiis codka Ilaaha nool oo dabka dhexdiisa ka hadlaya maqlay, sidaan u maqalnay oo kale, oo sii noolaaday?
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba adigu u dhowow oo soo maqal kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu odhan doono oo dhan, oo noo soo sheeg kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu kuu sheegi doono oo dhan, oo annana markaasaannu maqlaynaa oo yelaynaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu maqlay codkii erayadiinna markaad ila hadasheen, oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waan maqlay codkii erayada dadkan, oo ay kugula hadleen, oo wixii ay ku hadleen oo dhan si wanaagsan bay u yidhaahdeen.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaan jeclaan lahaa in qalbi sidaas ahu uu iyaga ku jiro si ay iiga cabsadaan oo ay had iyo goorba u dhawraan amarradayda inay iyaga iyo carruurtooduba weligood nabdoonaadaan!
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba u tag oo waxaad ku tidhaahdaa, Teendhooyinkiinnii ku noqda.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse adigu waxaad soo istaagtaa halkan agtayda ah, oo anaa kuu sheegaya amarka, iyo qaynuunnada, iyo xukummada aad iyaga bari doontid oo dhan inay ku sameeyaan dalka aan hantida u siinayo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba waa inaad dhawrtaan oo u samaysaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray. Waa inaydaan u leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa inaad ku socotaan jidkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray oo dhan aad noolaataane inaad nabdoonaataan oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka aad hantiyi doontaan.
Available Bible Translations
Deuteronomy 5 (ASV) »
Deuteronomy 5 (KJV) »
Deuteronomy 5 (GW) »
Deuteronomy 5 (BSB) »
Deuteronomy 5 (WEB) »
Deutéronome 5 (LSG) »
Deuteronomium 5 (LUTH1912) »
व्यवस्थाविवरण 5 (HINIRV) »
ਅਸਤਸਨਾ 5 (PANIRV) »
দ্বিতীয় বিৱৰণ 5 (BENIRV) »
உபாகமம் 5 (TAMIRV) »
अनुवाद 5 (MARIRV) »
ద్వితీయోపదేశ కాండము 5 (TELIRV) »
પુનર્નિયમ 5 (GUJIRV) »
ಧರ್ಮೋಪದೇಶಕಾಂಡ 5 (KANIRV) »
اَلتَّثْنِيَة 5 (AVD) »
דברים 5 (HEB) »
Deuteronômio 5 (BSL) »
Phục Truyền Luật Lệ 5 (VIE) »
Deuteronomio 5 (RVA) »
Deuteronomio 5 (RIV) »
申 命 记 5 (CUVS) »
申 命 記 5 (CUVT) »
Ligji i Përtërirë 5 (ALB) »
5 Mosebok 5 (SV1917) »
Второзаконие 5 (RUSV) »
Повторення Закону 5 (UKR) »
5 Mózes 5 (KAR) »
Второзаконие 5 (BULG) »
申命記 5 (JPN) »
5 Mosebok 5 (NORSK) »
Torati 5 (SWHULB) »
Powtórzonego 5 (POLUBG) »
Deuteronomium 5 (NLD) »
5 Mosebog 5 (DA1871) »