Sharciga Kunoqoshadiisa Chapter 15 SOM Bible Verse Images

Sharciga Kunoqoshadiisa 15 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Sharciga Kunoqoshadiisa 15 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Sharciga Kunoqoshadiisa 15:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay, oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii shisheeye ah waad ka qaadan karaysaan, laakiinse wax alla wixii aad leedihiin oo gacanta walaalkiin ku jira waa inaad saamaxdaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Si kastaba ha ahaatee mid miskiin ah waa inaan dhexdiinna laga helin, (maxaa yeelay, hubaal Rabbigu waa idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo inaad hantidaan,)

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
haddii keliyahoo aad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad dhawrtaan oo yeeshaan amarkiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idiin barakayn doonaa siduu idiin ballanqaaday, oo wax baad deymin doontaan quruumo badan, laakiinse waxba kama amaahan doontaan, oo quruumo badan baad u talin doontaan, laakiinse iyagu idiinma ay talin doonaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hadduu kula joogo nin miskiin ah oo walaalahaa midkood ah ee ku jira irdahaaga middood ee dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siinayo, waa inaadan qalbiga ka qallafin, gacantana ka xidhin walaalkaaga miskiinka ah.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse hubaal waa inaad gacanta u furtaa oo hubaal waa inaad deymisaa intii baahidiisa ku filan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, masaakiintu weligood dalka kama ay dhammaan doonaan, haddaba waxaan kugu amrayaa oo kugu leeyahay, Hubaal waa inaad gacanta u furtaa walaalkaa iyo kaaga baahan iyo masaakiintaada dalkaaga joogta.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad waa inaad xoraysaa.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markaad xorayso waa inaadan dirin isagoo faro madhan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u siisid.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waa inaad xusuusataa inaad dalkii Masar addoon ku ahaan jirtay oo Rabbiga Ilaahaaga ahu ku soo furtay, oo sidaas daraaddeed baan maanta waxan kuugu amrayaa.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo hadduu kugu yidhaahdo, Dooni maayo inaan kaa baxo, oo sababtuna ay tahay jacayl uu u qabo adiga iyo reerkaaga, iyo nabdoonaan uu kugu qabo,

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
kolkaas waa inaad mudac qaaddaa oo aad dhegtiisa albaabka kula daloolisaa, oo isna weligiis addoon buu kuu ahaan doonaa. Oo weliba addoontaadana sidaas oo kale ku samee.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markaad xoraysid yaanay kula ahaan wax adag, waayo, isagu lixdaas sannadood wuxuu kuugu adeegay sidii shaqaale la kiraysto laba jibbaarkiis. Oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuu kugu barakayn doonaa wax alla wixii aad samaysidba.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kulli curadyada labka ah oo ka dhasho lo'daada iyo adhigaagaba waa inaad quduus uga dhigtid Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaadan ku shaqaysan curadka lo'daada, oo aadan dhogortana ka xiirin curadka idahaaga.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sannad kasta adiga iyo reerkaaguba waa inaad kuwaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbigu dooranayo.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddii curadku leeyahay iin ah addinla'aan ama indhala'aan, ama hadduu leeyahay iin xun wax kasta ha ahaatee, waa inaadan Rabbiga Ilaahaaga ah allabari ugu bixin.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa inaad irdahaaga gudahooda ku cuntaa, oo qofkii daahir ah iyo kii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen sida cawsha iyo deerada oo kale.

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse waa inaadan dhiiggiisa cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaa sida biyo oo kale.

Available Bible Translations

American Standard Version
Deuteronomy 15 (ASV) »
King James Version
Deuteronomy 15 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Deuteronomy 15 (GW) »
World English Bible
Deuteronomy 15 (WEB) »
Louis Segond 1910
Deutéronome 15 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
व्यवस्थाविवरण 15 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਅਸਤਸਨਾ 15 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
দ্বিতীয় বিৱৰণ 15 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
உபாகமம் 15 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
अनुवाद 15 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
ద్వితీయోపదేశ కాండము 15 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પુનર્નિયમ 15 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಧರ್ಮೋಪದೇಶಕಾಂಡ 15 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلتَّثْنِيَة 15 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
דברים 15 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Deuteronômio 15 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Phục Truyền Luật Lệ 15 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Deuteronomio 15 (RVA) »
圣 经 简体中文和合本
申 命 记 15 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
申 命 記 15 (CUVT) »
Svenska Bibeln 1917
5 Mosebok 15 (SV1917) »
Библия на русском
Второзаконие 15 (RUSV) »
Українська Біблія
Повторення Закону 15 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
5 Mózes 15 (KAR) »
Българска Библия
Второзаконие 15 (BULG) »
聖書 日本語
申命記 15 (JPN) »
Biblia Takatifu
Torati 15 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Deuteronomium 15 (NLD) »

Sharciga Kunoqoshadiisa (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters