Sharciga Kunoqoshadiisa Chapter 2 SOM Bible Verse Images

Sharciga Kunoqoshadiisa 2 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Sharciga Kunoqoshadiisa 2 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Sharciga Kunoqoshadiisa 2:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaynu noqonnay, oo waxaynu u guurnay cidladii ku tiil jidka Badda Cas loo maro, sidii Rabbigu igu amray, oo in maalmo badan ah baynu ku wareegaynay Buur Seciir.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu ila hadlay oo wuxuu igu yidhi,

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Idinku buurtan wakhti dheer baad ku wareegayseen, haddaba xagga woqooyi u leexda.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo adigu waxaad dadka ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Idinku waxaad dhex martaan soohdinta walaalihiin reer Ceesaw oo Seciir deggan, oo iyana way idinka cabsan doonaan, haddaba si wanaagsan u digtoonaada,

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
hana la diririna, waayo, dalkooda idinka siin maayo xataa intii cagta la saaro, maxaa yeelay, Buur Seciir hanti baan u siiyey reer Ceesaw.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wax aad cuntaan lacag kaga iibsada, oo weliba biyo aad cabtaanna lacag kaga iibsada.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idinku wada barakeeyey shuqulkii gacantiinna oo dhan, oo isagu wuu yiqiin socodkiinnii aad cidladan soo dhex marteen. Afartankan sannadood ayaa Rabbiga Ilaahinna ahu idinla jiray, oo waxba uma aydaan baahan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Reer Moo'aab ha dhibin, dagaalna ha kula diririn, waayo, dalkooda waxba hanti idiinka siin maayo, maxaa yeelay, Caar waxaan hanti u siiyey reer Luud.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
(Waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Eymiim oo ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwaasna sida reer Canaaq ayaa waxaa la odhan jiray Refaa'iim, laakiinse reer Moo'aab waxay iyaga ku magacaabaan reer Eymiim.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Xorna waagii hore waxay degganaan jireen Seciir, laakiinse reer Ceesaw ayaa daba hantiyey oo hortooda ka baabbi'iyey, oo meeshoodii degay, sida reer binu Israa'iil ay ku sameeyeen dalkii ay hantiyeen oo Rabbigu iyaga siiyey.)

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba kaca oo ka gudba durdurka Sered. Oo markaasaynu ka gudubnay durdurkii Sered.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wakhtigii u dhexeeyey waagii aan Qaadeesh Barneeca ka soo kacnay iyo markii aan durdurka Sered ka soo gudubnay wuxuu ahaa siddeed iyo soddon sannadood, ilamaa qarnigii dagaalyahannada ahaa oo dhan laga wada baabbi'iyey xerada dhexdeedii, sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba gacantii Rabbigu iyaga gees bay ka ahayd, si iyaga looga wada baabbi'iyo xerada dhexdeeda jeeray wada baabba'aan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markii dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhammu ay wada baabbe'een oo ay dadka dhexdiisii ka wada le'deen,

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maanta waa inaad ka gudubtaa Caar oo ah soohdinta dalka Moo'aab,

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo markaad u soo dhowaato reer Cammoon, iyaga ha dhibin hana la diririn, waayo, waxba hanti idiinka siin maayo dalka reer Cammoon, maxaa yeelay, halkaas waxaan hanti u siiyey reer Luud.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
(Weliba dalkaasna waxaa lagu tiriyaa inuu yahay dalkii reer Refaa'iim, maxaa yeelay, waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Refaa'iim, laakiinse reer Cammoon waxay iyaga ku magacaabaan Samsummiim,

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq, laakiinse Rabbiga ayaa hortooda ka baabbi'iyey, kolkaasay daba hantiyeen oo meeshoodii degeen,

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
siduu reer Ceesaw oo Buur Seciir deggan u sameeyey markuu hortooda ka baabbi'iyey reer Xor oo ay daba hantiyeen oo ay meeshoodii degeen ilaa maantadan la joogo.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo reer Caw oo degganaa tuulooyin tan iyo Gaasa yiil waxaa wada baabbi'iyey oo meeshoodii degay reer Kaftoriim oo ka soo baxay Kaftoor.)

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba kaca oo guura, oo waxaad ka gudubtaan dooxada Arnoon. Bal eeg, waxaan gacantaada soo geliyey boqorka Xeshboon oo Siixon ah oo reer Amor iyo dalkiisaba. Haddaba waxaad bilowdaa inaad dalka hantidid oo aad isaga la dagaallantaa.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maanta waxaan bilaabayaa inaan cabsidaada iyo baqdintaada ku soo dejiyo dadyowga samada ka hooseeya oo dhan, oo waxay maqli doonaan warkaaga, kolkaasay gariiri doonaan oo kaa nixi doonaan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo anigu waxaan cidladii Qedemood uga diray boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa wargeeyayaal hadallo nabdeed sida, oo waxaan ku idhi,

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dalkaaga aan dhex maree. Waxaan iska marayaa jidka weyn, oo u leexan maayo xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wax aan cuno lacag igaga iibso, oo biyo aan cabbana lacag iga siiso, haddaba waxaa keliyahoo aad ii yeeshaa inaan dalka cagahayga ku dhex maro,

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon inooma dayn inaan dalkiisa marno, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa ruuxiisa qallafiyey oo qalbigiisana wuxuu ka dhigay wax adag, si uu isaga u soo geliyo gacantaada siday maanta tahay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan bilaabay inaan Siixon iyo dalkiisaba gacantaada soo geliyo, haddaba waxaad bilowdaa inaad hantidid aad dalkiisa dhaxashide.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Siixon iyo dadkiisii oo dhammu inagu soo kaceen oo waxay inagula dirireen Yahas.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waagaasaynu wada qabsannay magaalooyinkiisii oo dhan, oo magaalooyinkii la degganaa oo dhanna waynu wada baabbi'innay, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba, cidna kama aynu reebin.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse waxaa keliyahoo aadan u soo dhowaan dalkii reer Cammoon, iyo Webi Yabboq dhinaciisa oo dhan, iyo magaalooyinka dalka buuraha leh, iyo meel alla meeshii uu Rabbiga Ilaaheenna ahu inoo diiday.

Available Bible Translations

American Standard Version
Deuteronomy 2 (ASV) »
King James Version
Deuteronomy 2 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Deuteronomy 2 (GW) »
World English Bible
Deuteronomy 2 (WEB) »
Louis Segond 1910
Deutéronome 2 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
व्यवस्थाविवरण 2 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਅਸਤਸਨਾ 2 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
দ্বিতীয় বিৱৰণ 2 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
உபாகமம் 2 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
अनुवाद 2 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
ద్వితీయోపదేశ కాండము 2 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પુનર્નિયમ 2 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಧರ್ಮೋಪದೇಶಕಾಂಡ 2 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
اَلتَّثْنِيَة 2 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
דברים 2 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Deuteronômio 2 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Phục Truyền Luật Lệ 2 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Deuteronomio 2 (RVA) »
圣 经 简体中文和合本
申 命 记 2 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
申 命 記 2 (CUVT) »
Svenska Bibeln 1917
5 Mosebok 2 (SV1917) »
Библия на русском
Второзаконие 2 (RUSV) »
Українська Біблія
Повторення Закону 2 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
5 Mózes 2 (KAR) »
Българска Библия
Второзаконие 2 (BULG) »
聖書 日本語
申命記 2 (JPN) »
Biblia Takatifu
Torati 2 (SWHULB) »
De Heilige Schrift
Deuteronomium 2 (NLD) »
Dansk Bibel 1871
5 Mosebog 2 (DA1871) »

Sharciga Kunoqoshadiisa (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters