Falimaha Rasuullada Chapter 19 SOM Bible Verse Images

Falimaha Rasuullada 19 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Falimaha Rasuullada 19 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Falimaha Rasuullada 19:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba waxaa dhacay, markii Abolloos Korintos joogay, in Bawlos oo soo dhex maray waddanka sare yimid Efesos, oo halkaas wuxuu kula kulmay kuwo xer ah.

Falimaha Rasuullada 19:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale.

Falimaha Rasuullada 19:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.

Falimaha Rasuullada 19:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise.

Falimaha Rasuullada 19:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.

Falimaha Rasuullada 19:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markii Bawlos gacmaha dul saarayna ayaa Ruuxa Quduuska ahu ku soo degay iyagii; markaasay afaf kale ku hadleen oo ay wax sii sheegeen;

Falimaha Rasuullada 19:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
nimankii oo dhanna waxay ahaayeen abbaaraha laba iyo toban.

Falimaha Rasuullada 19:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba sunagogga ayuu galay, oo meeshaas ayuu saddex bilood geesinimo kaga dhex hadlay, isagoo dadka la doodaya oo u soo jeedinaya waxyaalo ku saabsan boqortooyada Ilaah.

Falimaha Rasuullada 19:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin qaarkood markay madax adkaadeen oo caasiyoobeen, iyagoo xumaan kaga hadlaya Jidka dadkii badnaa hortooda, ayuu iyagii ka tegey oo xertii ka soo soocay, oo maalin walba ayuu dad kula doodi jiray iskoolka Turannos.

Falimaha Rasuullada 19:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.

Falimaha Rasuullada 19:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ilaahna wuxuu gacmaha Bawlos ku sameeyey cajaa'ibyo khaas ah,

Falimaha Rasuullada 19:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen.

Falimaha Rasuullada 19:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin kuwo Yuhuudda wareegi jirtay ka mid ah oo jinniyosaarayaal ah baa waxay ku talo jireen inay kuwii jinniyada qabay ka dul yidhaahdaan magaca Rabbi Ciise, iyagoo leh, Waxaan idinku dhaarinayaa Ciisaha Bawlos dadka ku wacdiyo.

Falimaha Rasuullada 19:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa jiray oo sidaas sameeyey toddoba wiil oo Iskeba dhalay, kaasoo ahaa wadaad sare oo Yuhuudi ah.

Falimaha Rasuullada 19:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa jinnigii u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Ciise ayaan garanayaa, Bawlosna waan aqaan, idinkuse yaad tihiin?

Falimaha Rasuullada 19:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba ninkii jinniga qabay baa ku booday iyagii, wuuna ka xoog badiyey kulligood, oo ka adkaaday, sidaas darteed ayay gurigaas ka carareen, iyagoo qaawan oo dhaawacan.

Falimaha Rasuullada 19:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey.

Falimaha Rasuullada 19:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa qaar badan oo rumaystay yimaadeen iyagoo qiranaya oo caddaysanaya falimahooda.

Falimaha Rasuullada 19:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwii sixir fali jirayna qaarkood intay kitaabbadoodii ururiyeen ayay dadka hortooda ku wada gubeen; wayna tiriyeen qiimadooda, oo waxay arkeen inay ahayd konton kun oo gogo' oo lacag ah.

Falimaha Rasuullada 19:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaasaa ereygii Rabbigu xoog ugu batay oo u adkaaday.

Falimaha Rasuullada 19:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba markii waxyaalahaasu dhammaadeen ayaa Bawlos ruuxiisa kula talo jiray inuu Yeruusaalem tago markuu Makedoniya iyo Akhaya sii dhex maray dabadeed, isagoo leh, Markaan meeshaas tago dabadeed, waa inaan Roomana arko.

Falimaha Rasuullada 19:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu wuxuu Makedoniya u diray laba ka mid ah kuwii isaga u adeegi jiray oo ahaa Timoteyos iyo Erastos, isaga qudhiisuse wuxuu ku hadhay Aasiya intii muddo ah.

Falimaha Rasuullada 19:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba waxaa wakhtigaas kacday rabshad aan yarayn oo ku saabsan Jidka.

Falimaha Rasuullada 19:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maxaa yeelay, ninkoo Deemeetriyos la odhan jiray oo lacagtume ahaa, oo macbudyo yaryar oo Di'ana lacag ka samayn jiray, wuxuu sancaawiyadii u keeni jiray faa'iido aan yarayn;

Falimaha Rasuullada 19:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
kuwaasoo uu isla soo ururiyey raggii la shuqul ahaa isagoo ku leh, Niman yahow, waad og tihiin inaynu shuqulkan ka helno hodantinimadeenna.

Falimaha Rasuullada 19:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha.

Falimaha Rasuullada 19:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Khatar uma aha shuqulkeenna oo keliya in la quudhsado, laakiin waxay khatar u tahay oo kale in macbudka ilaahadda weyn oo Di'ana la fududaysto, weynaanteedana laga baabbi'iyo, taasoo Aasiya oo dhan iyo duniduba ay wada caabudaan.

Falimaha Rasuullada 19:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay taas maqleen, aad bay u cadhoodeen, wayna dhawaaqeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.

Falimaha Rasuullada 19:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen.

Falimaha Rasuullada 19:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkii Bawlos damcay inuu dadkii dhex galo, xertii uma ay oggolaan isagii.

Falimaha Rasuullada 19:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba qaar ka mid ah madaxda Aasiya oo saaxiibbo u ahaa isagii ayaa u soo cid diray, oo waxay ka baryeen inuusan isku biimayn te'atradii.

Falimaha Rasuullada 19:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen.

Falimaha Rasuullada 19:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa.

Falimaha Rasuullada 19:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin kolkay garteen inuu Yuhuudi yahay ayay dhammaan intii laba saacadood ah isku cod ku qayliyeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.

Falimaha Rasuullada 19:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markuu karaanigii magaaladu aamusiiyey dadkii badnaa, ayuu ku yidhi, Nimankiinan reer Efesosow, ninkee baan oqoon in magaalada Efesos ay tahay ta ilaalisa macbudka Di'anada weyn iyo sanamkii Yubiter ka soo dhacay?

Falimaha Rasuullada 19:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxyaalahaasu waa wax aan la dafiri karin, sidaas daraaddeed waxaa idinku waajib ah inaad xasilloonaataan oo aydnaan samayn wax qamaam ah.

Falimaha Rasuullada 19:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, waxaad halkan keenteen nimankan iyagoo aan ahayn kuwo macbudyo dhaca ama kuwo caaya ilaahaddeenna.

Falimaha Rasuullada 19:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed haddii Deemeetriyos iyo kuwa la shuqul ah ay nin wax ku haystaan, maxkamadahu waa furan yihiin, xaakinnona waa jiraan; haddaba ha isdacweeyaan.

Falimaha Rasuullada 19:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin haddii aad doonaysaan wax ku saabsan axwaal kale, waxaa lagu gar gooyn doonaa ururkii sharciga.

Falimaha Rasuullada 19:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba waxaa khatar inoo ah in laynagu ashtakeeyo rabshaddii maanta aawadeed, iyadoo aan sababu u jirin; taasoo aynaan kari doonin inaynu wax ka sheegno buuqan.

Falimaha Rasuullada 19:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo goortuu waxyaalahaas ku hadlay dabadeed ayuu ururkii kala diray.

Available Bible Translations

American Standard Version
Acts 19 (ASV) »
King James Version
Acts 19 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Acts 19 (GW) »
Berean Bible
Acts 19 (BSB) »
World English Bible
Acts 19 (WEB) »
Louis Segond 1910
Actes 19 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
प्रेरितों के काम 19 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਰਸੂਲਾਂ ਦੇ ਕਰਤੱਬ 19 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
पশিষ্যচরিত 19 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
அப்போஸ்தலருடைய நடபடிகள் 19 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
प्रेषितांचीं कृत्यें 19 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
అపొస్తలుల కార్యములు 19 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પ્રેરિતોનાં ક્રત્યો 19 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಅಪೊಸ್ತಲರ ಕೃತ್ಯಗಳು 19 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَعْمَالُ ٱلرُّسُلِ 19 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
מעשי השליחים 19 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Atos 19 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Công Vụ Các Sứ đồ 19 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Hechos 19 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Atti 19 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
使 徒 行 传 19 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
使 徒 行 傳 19 (CUVT) »
Библия на русском
Деяния 19 (RUSV) »
Українська Біблія
Дії 19 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Apostolok 19 (KAR) »
Българска Библия
Деяния 19 (BULG) »
De Heilige Schrift
Handelingen 19 (NLD) »

Falimaha Rasuullada (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters