Falimaha Rasuullada 20 SOM
Falimaha Rasuullada Chapter 20 SOM Bible Verse Images
Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International
Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.
You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:
- You must give Attribution to the work.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.
Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.
This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:
- You include the above copyright and source information.
- You do not sell this work for a profit.
- You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures
Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markii rabshaddii dhammaatay dabadeed Bawlos ayaa xertii u cid diray oo dhiirrigeliyey, markaasuu nabadgelyeeyey oo baxay inuu Makedoniya tago.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkuu meelahaas sii dhex maray oo uu hadal badan ku dhiirrigeliyey iyagii, ayuu wuxuu yimid dalka Gariigta.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markuu saddex bilood meeshaas joogay, oo Yuhuuddu shirqool u dhigtay, markuu u dhowaa inuu Suuriya u dhoofo, ayuu wuxuu goostay inuu Makedoniya ku soo dhex noqdo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaana isagii ilaa Aasiya sii raacay Soobater ina Burhus oo reer Beroya ah, iyo Aristarkhos iyo Sekundos oo reer Tesaloniika ah, iyo Gayos oo reer Derbe ah, iyo Timoteyos, iyo Tukhikos iyo Torofimos oo reer Aasiya ah.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin kuwaasu mar horay tageen oo waxay nagu sugayeen Taroo'as.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maalmihii Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn dabadeed waxaannu ka dhoofnay Filiboy, oo shan maalmood ayaan iyagii ugu nimid Taroo'as; taasoo aannu toddoba maalmood joognay.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka markaannu isugu nimid inaannu kibis jejebinno, ayaa Bawlos la hadlay iyagii, isagoo ku talo jira inuu maalinta dambe tago, hadalkiina ilaa habeenbadhkii ayuu sii dheereeyey.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Siraaddo badan baa ka baxayay qowladda sare oo aannu ku urursanayn.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaana daaqadda fadhiyey nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Yutukhos, isagoo hurdo weyn la dhacay; oo intii Bawlos weli hadalkii sii dheeraynayay ayaa wiilkii oo aad u hurdaysan dabaqaddii saddexaad ka soo dhacay, oo isagoo meyd ah baa la qaaday.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Bawlos hoos u soo degay oo ku dul dhacay isagii, waana isku duubay, isagoo leh, Ha buuqina; maxaa yeelay, naftii waa ku jirtaa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markuu dusha aadayna oo kibis jejebiyey oo cunay oo wakhti dheer la hadlay iyagii, ilaa waagii beryay, ayuu markaas ka tegey.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilkiina way keeneen isagoo nool, si aan yarayn baana loo qalbi qaboojiyey iyagii.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin annagoo ka hor marayna, waxaannu aadnay doonnida, oo Asos u dhoofnay, meeshaasoo aannu doonaynay inaannu Bawlos ka qaadno; maxaa yeelay, sidaasuu kula ballamay isagoo ku talo jiray inuu lugeeyo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kolkuu Asos nagula kulmay, waannu soo qaadnay, oo waxaannu nimid Mituleenee.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaannu halkaas ka dhoofnay, oo waxaannu maalintii dambe nimid meel ka soo hor jeedda Khiyos; maalintii kalena waxaannu gaadhnay Samos; maalintii ku xigtayna waxaannu nimid Mileetos.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maxaa yeelay, Bawlos wuxuu goostay inuu Efesos dhaafo, inuusan wakhti Aasiya ku lumin; waayo, wuxuu ku degdegsanaa hadday u suurtowdo inuu maalintii Bentekoste Yeruusaalem yimaado.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Mileetos wuxuu cid uga diray Efesos, waana u yeedhay waayeelladii kiniisadda.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markay u yimaadeenna wuxuu iyagii ku yidhi, Idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sidii aan wakhtiga oo dhan idinkula joogay tan iyo maalintii iigu horraysay oo aan Aasiya cag saaray,
Square Portrait Landscape 4K UHD
anigoo Rabbiga ugu adeegaya is-hoosaysiin oo dhan, iyo ilmo, iyo jirrabaaddaha igu dhacay markii Yuhuuddu sirqoollada ii dhigtay;
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo sidii aanan waxba idiinkala hadhin wixii idiin faa'iido lahaa inaan idiin sheego oo caddaan idinku baro guri ilaa guri,
Square Portrait Landscape 4K UHD
anigoo Yuhuudda iyo Gariigta labadoodaba uga warramaya si ay Ilaah ugu toobadkeenaan oo ay u aaminaan Rabbigeenna Ciise Masiix.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hadda bal eega, Yeruusaalem baan tegayaa anoo Ruuxa ku xidhan oo aan garanaynin waxyaalaha halkaas igaga dhici doona;
Square Portrait Landscape 4K UHD
in Ruuxa Quduuska ahi magaalo kasta iigu markhaati furo mooyaane, isagoo leh, Waxaa ku sugaya silsilado iyo dhibaatooyin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin naftayda uma xisaabo sidii mid qiimo ila leh, si aan u dhammeeyo tartankayga iyo shuqulkii aan Rabbi Ciise ka helay inaan u markhaati furo injiilkii nimcadii Ilaah.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hadda, bal eega, waxaan ogahay in dhammaantiin oo aan ku dhex wareegi jiray oo aan boqortooyada ku wacdiyi jiray aydnaan mar dambe wejigayga arki doonin.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas daraaddeed waxaan maanta idiinku warramayaa inaan daahir ka ahay dadka oo dhan dhiiggiisa.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maxaa yeelay, dib ugama noqon inaan talada Ilaah oo dhan idiin sheego.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qudhiinnu isjira, idahana jira, kuwaasoo Ruuxa Quduuska ahu idiinka dhigay beldaajiyayaal inaad daajisaan kiniisadda Ilaah oo uu dhiiggiisa ku iibsaday.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaan ogahay markaan tago dabadeed inay idin dhex geli doonaan uubatooyin xunxun iyagoo aan idaha wax ka reebaynin;
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo waxaa idinka dhex kici doona niman waxyaalo qalqalloocan ku hadlaya inay xertii u jiitaan xaggooda.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas darteed, soo jeeda, idinkoo xusuusanaya in intii saddex sannadood ah aanan ka joogsan inaan mid kasta habeen iyo maalinba waaniyo anigoo ilmaynaya.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Imminka waxaan idinku ammaano gelinayaa Ilaah iyo ereyga nimcadiisa kaasoo kara inuu idin dhiso oo dhaxal idinka dhex siiyo kuwa quduus laga dhigay oo dhan.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ma aan damcin ninna lacagtiis, ama dahabkiis, ama dharkiis.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Idinka qudhiinnu waad og tihiin inay gacmahanu u adeegeen waxaannu u baahnayn aniga iyo kuwii ila joogayba.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wax walba waan idin tusay si ay waajib idiinku tahay, idinkoo sidaas oo kale u hawshoonaya, inaad caawisaan kuwa itaalka yar, oo aad xusuusataan ereyadii Rabbi Ciise siduu isaga qudhiisu yidhi, In wax la helo, waxaa ka barako badan in wax la bixiyo.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markuu waxaas ku hadlay dabadeed ayuu jilba joogsaday oo la tukaday dhammaantood.
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay kulligood aad u wada ooyeen, oo Bawlos qoorta kaga dhaceen oo dhunkadeen,
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyagoo sida badan ka caloolxun hadalkuu ku hadlay oo ahaa inayan mar dambe wejigiisa arki doonin. Markaasay sii ambabbixiyeen isagii ilaa doonnidii.
Available Bible Translations
Acts 20 (ASV) »
Acts 20 (KJV) »
Acts 20 (GW) »
Acts 20 (BSB) »
Acts 20 (WEB) »
Actes 20 (LSG) »
Apostelgeschichte 20 (LUTH1912) »
प्रेरितों के काम 20 (HINIRV) »
ਰਸੂਲਾਂ ਦੇ ਕਰਤੱਬ 20 (PANIRV) »
पশিষ্যচরিত 20 (BENIRV) »
அப்போஸ்தலருடைய நடபடிகள் 20 (TAMIRV) »
प्रेषितांचीं कृत्यें 20 (MARIRV) »
అపొస్తలుల కార్యములు 20 (TELIRV) »
પ્રેરિતોનાં ક્રત્યો 20 (GUJIRV) »
ಅಪೊಸ್ತಲರ ಕೃತ್ಯಗಳು 20 (KANIRV) »
أَعْمَالُ ٱلرُّسُلِ 20 (AVD) »
מעשי השליחים 20 (HEB) »
Atos 20 (BSL) »
Công Vụ Các Sứ đồ 20 (VIE) »
Hechos 20 (RVA) »
Atti 20 (RIV) »
使 徒 行 传 20 (CUVS) »
使 徒 行 傳 20 (CUVT) »
Veprat e Apostujve 20 (ALB) »
Apostlagärningarna 20 (SV1917) »
Деяния 20 (RUSV) »
Дії 20 (UKR) »
Apostolok 20 (KAR) »
Деяния 20 (BULG) »
使徒行伝 20 (JPN) »
Apostlenes gjerninger 20 (NORSK) »
Matendo ya Mitume 20 (SWHULB) »
Dzieje 20 (POLUBG) »
Handelingen 20 (NLD) »
Apostlenes Gerninger 20 (DA1871) »