Falimaha Rasuullada Chapter 8 SOM Bible Verse Images

Falimaha Rasuullada 8 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Falimaha Rasuullada 8 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Falimaha Rasuullada 8:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.

Falimaha Rasuullada 8:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen.

Falimaha Rasuullada 8:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Sawlos aad buu kiniisadda u rafaadiyey, oo intuu guri walba galay, ayuu rag iyo dumarba ka soo jiiday, oo xabsi ku riday.

Falimaha Rasuullada 8:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba kuwii kala firidhsanaa, meel walba oo ay mareenba ereygii bay ku wacdiyeen.

Falimaha Rasuullada 8:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Filibos wuxuu tegey magaalada Samaariya, oo wuxuu dadka ku wacdiyey Masiixa.

Falimaha Rasuullada 8:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo dadkii badnaa, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay dhegaysteen wuxuu Filibos ku hadlay markay waxyaalahaas maqleen oo ay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.

Falimaha Rasuullada 8:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, kuwo badan oo jinniyo wasakh leh qabay, jinniyadii oo cod weyn ku qaylinaya ayaa ka soo baxay, oo kuwo badan oo curyaan ahaa iyo laangadhayaashiiba waa la bogsiiyey.

Falimaha Rasuullada 8:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa jiray nin Simoon la odhan jiray oo markii hore magaalada wax ku sixri jiray oo dadka reer Samaariya ka yaabin jiray, isagoo isugu sheegaya inuu yahay nin weyn.

Falimaha Rasuullada 8:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isagay dhammaantood, yar iyo weynba, wada dhegaysan jireen oo odhan jireen, Ninkanu waa xooggii Ilaah oo la odhan jiray Weyne.

Falimaha Rasuullada 8:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sababtii ay u dhegaysteenna waxay ahayd inuu wakhti dheer iyaga sixirkiisa kaga yaabiyey.

Falimaha Rasuullada 8:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin markay rumaysteen injiilka boqortooyada Ilaah iyo magaca Ciise Masiix oo Filibos ku wacdiyey ayaa iyaga rag iyo dumarba la baabtiisay.

Falimaha Rasuullada 8:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Simoon qudhiisuna waa rumaystay, oo markii la baabtiisay dabadeed, had iyo goorba wuxuu la socon jiray Filibos, wuuna la yaabay markuu arkay calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa oo uu sameeyey.

Falimaha Rasuullada 8:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,

Falimaha Rasuullada 8:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan;

Falimaha Rasuullada 8:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay.

Falimaha Rasuullada 8:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.

Falimaha Rasuullada 8:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay,

Falimaha Rasuullada 8:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah.

Falimaha Rasuullada 8:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo.

Falimaha Rasuullada 8:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Xaalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana.

Falimaha Rasuullada 8:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.

Falimaha Rasuullada 8:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, waxaan arkaa adigoo ku jira xammeetida qadhaadhnimada, kuna xidhan xaqdarrada.

Falimaha Rasuullada 8:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.

Falimaha Rasuullada 8:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.

Falimaha Rasuullada 8:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah.

Falimaha Rasuullada 8:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wuuna u kacay oo aaday; oo waxaana ku soo baxay nin bohon oo Xabashi ah oo amar weyn ka hoos hayay Kandake boqoraddii Xabashida, wuuna u talin jiray maalkeeda oo dhan, wuxuuna Yeruusaalem u yimid inuu Ilaah caabudo.

Falimaha Rasuullada 8:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos.

Falimaha Rasuullada 8:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ruuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac.

Falimaha Rasuullada 8:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid?

Falimaha Rasuullada 8:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto.

Falimaha Rasuullada 8:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan, Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey; Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa, Isagu afkiisa ma uu furo;

Falimaha Rasuullada 8:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday; Farcankiisii yaa sheegi doona? Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.

Falimaha Rasuullada 8:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale?

Falimaha Rasuullada 8:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise.

Falimaha Rasuullada 8:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?

Falimaha Rasuullada 8:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah.

Falimaha Rasuullada 8:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga.

Falimaha Rasuullada 8:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan.

Falimaha Rasuullada 8:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.

Available Bible Translations

American Standard Version
Acts 8 (ASV) »
King James Version
Acts 8 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Acts 8 (GW) »
Berean Bible
Acts 8 (BSB) »
World English Bible
Acts 8 (WEB) »
Louis Segond 1910
Actes 8 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
प्रेरितों के काम 8 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਰਸੂਲਾਂ ਦੇ ਕਰਤੱਬ 8 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
पশিষ্যচরিত 8 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
அப்போஸ்தலருடைய நடபடிகள் 8 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
प्रेषितांचीं कृत्यें 8 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
అపొస్తలుల కార్యములు 8 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પ્રેરિતોનાં ક્રત્યો 8 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಅಪೊಸ್ತಲರ ಕೃತ್ಯಗಳು 8 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَعْمَالُ ٱلرُّسُلِ 8 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
מעשי השליחים 8 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Atos 8 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Công Vụ Các Sứ đồ 8 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Hechos 8 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Atti 8 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
使 徒 行 传 8 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
使 徒 行 傳 8 (CUVT) »
Библия на русском
Деяния 8 (RUSV) »
Українська Біблія
Дії 8 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Apostolok 8 (KAR) »
Българска Библия
Деяния 8 (BULG) »
聖書 日本語
使徒行伝 8 (JPN) »
De Heilige Schrift
Handelingen 8 (NLD) »

Falimaha Rasuullada (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters