Falimaha Rasuullada Chapter 7 SOM Bible Verse Images

Falimaha Rasuullada 7 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Falimaha Rasuullada 7 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Falimaha Rasuullada 7:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa wadaadkii sare wuxuu yidhi, Waxanu ma saasaa?

Falimaha Rasuullada 7:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ku yidhi, Walaalo iyo aabbayaalow, dhegaysta, Ilaaha Ammaantu wuxuu u muuqday awoweheen Ibraahim markuu Mesobotamiya joogay intuusan Haaraan degin,

Falimaha Rasuullada 7:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo wuxuu ku yidhi, Ka soo kac waddankaaga iyo dadkaaga, oo kaalay dalka aan ku tusi doono.

Falimaha Rasuullada 7:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu ka soo kacay dalkii reer Kaldayiin oo wuxuu soo degay Haaraan; oo markuu aabbihiis dhintay ayaa Ilaah meeshaas isaga ka soo wareejiyey oo keenay dalkan aad haatan deggan tihiin,

Falimaha Rasuullada 7:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo dhaxalna kama uu siin, xataa meel uu cagtiisa dhigo; laakiin wuxuu isaga ka ballanqaaday inuu dalka mulki u siiyo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba, in kastoo uusan dhal lahayn.

Falimaha Rasuullada 7:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ilaah sidan buu u hadlay, in farcankiisu degi doono dal shisheeye, oo iyaga la addoonsan doono, oo afar boqol oo sannadood la dhibi doono.

Falimaha Rasuullada 7:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ilaah wuxuu yidhi, Quruunta iyagu ay u addoonsamaan ayaan xukumi doonaa; markaas dabadeed ayay ka soo bixi doonaan oo meeshan iigu adeegi doonaan.

Falimaha Rasuullada 7:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu isaga siiyey axdiga gudniinta; haddaba Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, oo maalintii siddeedaad ayuu guday isaga; Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub; Yacquubna wuxuu dhalay laba-iyo-tobankii aynu ka soo farcannay.

Falimaha Rasuullada 7:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar;

Falimaha Rasuullada 7:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.

Falimaha Rasuullada 7:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba waxaa Masar iyo Kancaan oo dhan ka wada dhacay abaar iyo dhibaato weyn; awowayaasheenna dhuuni bay ka waayeen.

Falimaha Rasuullada 7:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin markii Yacquub maqlay in Masar sarreen jiro, ayuu markii ugu horraysay awowayaasheen diray.

Falimaha Rasuullada 7:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii labaad waxaa walaalihiis la aqoonsiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf qoladiisii.

Falimaha Rasuullada 7:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yuusuf cid u diray oo u yeedhay aabbihiis Yacquub iyo dadkiisii oo dhan oo ahaa shan iyo toddobaatan qof.

Falimaha Rasuullada 7:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yacquub Masar tegey. Isaga qudhiisii waa dhintay iyo awowayaasheenba;

Falimaha Rasuullada 7:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waxaana la geeyey Shekem oo la dhigay xabaashii Ibraahim qiimaha lacagta ah kaga iibsaday wiilashii Xamoor oo Shekem joogay.

Falimaha Rasuullada 7:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin markuu soo dhowaaday wakhtigii ballankii Ilaah kula ballamay Ibraahim, ayay dadkii ku soo kordheen oo ku bateen Masar,

Falimaha Rasuullada 7:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
tan iyo intii boqor kale oo aan Yuusuf oqooni Masar ka kacay.

Falimaha Rasuullada 7:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isaguna waa khiyaaneeyey dadkeenna, awowayaasheenna wuu xumeeyey, oo wuxuuna ku qasbay inay ilmahoodii yaryaraa iska tuuraan si ayan u sii noolaan.

Falimaha Rasuullada 7:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Muusena wakhtigaasuu dhashay, oo wuxuu ahaa wax qurux badan; oo saddex bilood ayaa gurigii aabbihiis lagu hayay;

Falimaha Rasuullada 7:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
markii la tuurayna, Fircoon gabadhiisii ayaa qaadatay oo sidii wiilkeedii oo kale u korsatay.

Falimaha Rasuullada 7:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Muusena waxaa la baray xigmaddii Masriyiinta oo dhan; hadalladiisa iyo falimihiisana xoog buu ku lahaa.

Falimaha Rasuullada 7:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin markuu gaadhay afartan sannadood oo buuxa ayaa waxaa qalbigiisa gashay inuu walaalihiis oo reer binu Israa'iil ahaa soo booqdo.

Falimaha Rasuullada 7:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markuu arkay midkood oo lagu gardarroonayo, ayuu ka celiyey, oo intuu kii la dulmayay uu aarguday, ayuu Masrigii dilay;

Falimaha Rasuullada 7:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo wuxuu u malaynayay in walaalihiis garteen sida Ilaah gacantiisa iyaga ugu samatabbixinayo, laakiin ma ay garan.

Falimaha Rasuullada 7:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo maalintii ku xigtay ayuu iyagoo diriraya u yimi, oo wuxuu damcay inuu heshiisiiyo, markaasuu yidhi, Niman yahow, walaalaad tihiine; maxaad isu dulmaysaan?

Falimaha Rasuullada 7:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin kii deriskiisii dulmayay, ayaa isaga iska riixay oo ku yidhi, Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakin?

Falimaha Rasuullada 7:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ma waxaad doonaysaa inaad ii dishid sidaad Masrigii shaalay u dishay?

Falimaha Rasuullada 7:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Muuse hadalkaas aawadiis cararay, oo sidii ajanabi buu dalka Midyaan u degganaa, meeshaasna laba wiil buu ku dhalay.

Falimaha Rasuullada 7:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markii afartan sannadood dhammaatay dabadeed ayaa waxaa isagii Buur Siinay cidladeedii uga muuqatay malaa'ig ku dhex jirta geed dab ka ololayo.

Falimaha Rasuullada 7:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markii Muuse arkay ayuu wuxuu arkay la yaabay, oo intuu u soo dhowaanayay inuu arko, ayaa waxaa u yimid codkii Rabbiga oo leh,

Falimaha Rasuullada 7:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Anigu waxaan ahay Ilaaha awowayaashaa, Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub. Markaasaa Muuse gariiray oo ku dhici waayay inuu eego.

Falimaha Rasuullada 7:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Rabbigu isaga ku yidhi, Kabaha cagahaaga ka furfur; maxaa yeelay, meesha aad ku taagan tahay waa dhul quduus ah.

Falimaha Rasuullada 7:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dadkayga Masar jooga rafaadkooda waan arkay, taahoodana waan maqlay, oo waxaan u imid inaan samatabbixiyo; haddaba kaalay, Masar baan kuu diri doonaaye.

Falimaha Rasuullada 7:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Muusahakan ay diideen oo ku yidhaahdeen, Yaa kaa dhigay taliye iyo xaakin? Isagaa Ilaah ugu soo diray gacanta malaa'igtii geedka uga soo muuqatay inuu ahaado taliye iyo samatabbixiye.

Falimaha Rasuullada 7:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kanaa iyaga Masar ka soo saaray, oo yaabab iyo calaamooyin ku sameeyey Masar, iyo Badda Cas, iyo cidlada afartan sannadood.

Falimaha Rasuullada 7:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kanu waa Muusihii ku yidhi reer binu Israa'iil, Ilaah wuxuu walaalihiin idiinka dhex kicin doonaa nebi sidayda oo kale.

Falimaha Rasuullada 7:38 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kanu waa kii ku dhex jiray kiniisaddii cidlada oo la jiray malaa'igtii isaga kala hadashay Buur Siinay iyo awowayaasheen, kii la siiyey hadallada nool inuu ina siiyo.

Falimaha Rasuullada 7:39 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isaga awowayaasheen ma ay doonaynin inay addeecaan, laakiin intay iska riixeen ayay qalbigooda geliyeen inay Masar dib ugu jeestaan,

Falimaha Rasuullada 7:40 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo waxay Haaruun ku yidhaahdeen, Inoo samee ilaahyo ina hor socda; maxaa yeelay, Muusihii inaga soo kaxeeyey dhulka Masar garan mayno waxa ku dhacay.

Falimaha Rasuullada 7:41 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay waxay wakhtigaas sameeyeen weyl, oo sanamkii waxay u keeneen allabari, oo waxay ku farxeen shuqulkii gacmahoodu sameeyeen.

Falimaha Rasuullada 7:42 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Ilaah baa ka jeestay, oo wuxuu faraha uga qaaday inay u adeegaan guutada samada; sida ay ugu qoran tahay kitaabka nebiyada, Bal reer binu Israa'iilow, afartankii sannadood oo aad cidlada joogteen, Ma anigaad i siiseen xoolo qalan iyo allabaryo?

Falimaha Rasuullada 7:43 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Weliba waxaad qaadateen taambuuggii Molokh Iyo xiddigtii ilaaha Remfan, Oo ah waxyaalihii aad u samaysateen inaad caabuddaan. Haddaba waxaan idiin kaxayn doonaa Baabuloon shishadeeda.

Falimaha Rasuullada 7:44 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Awowayaasheen waxay cidlada ku hayeen taambuuggii maragga, sidii kii Muuse la hadlay ugu amray isaga inuu u sameeyo sidii qaabkii uu arkay.

Falimaha Rasuullada 7:45 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kaas ayaa awowayaasheen markoodii la soo qaadeen Yashuuca markay galeen oo qaateen dhulkii quruumihii Ilaah awowayaasheen hortooda ku eryay, ilaa waagii Daa'uud.

Falimaha Rasuullada 7:46 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Daa'uudna Ilaah hortiis ayuu wanaag ka helay, oo wuxuu weyddiistay inuu Ilaahii Yacquub u helo meel uu dego.

Falimaha Rasuullada 7:48 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hase ahaatee Kan ugu sarreeya ma dego guryo gacmo lagu sameeyo; sida nebigu leeyahay,

Falimaha Rasuullada 7:49 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Samadu waa carshigayga, Dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto, Rabbigu wuxuu leeyahay, Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Ama maxay tahay meeshaan ku nastaa?

Falimaha Rasuullada 7:50 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Miyaan gacantaydu samayn waxyaalahan oo dhan?

Falimaha Rasuullada 7:51 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan.

Falimaha Rasuullada 7:52 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.

Falimaha Rasuullada 7:53 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaad sharciga u hesheen sidii wax malaa'igahu hagaajiyeen, laakiinse ma aydnaan xajin.

Falimaha Rasuullada 7:54 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga.

Falimaha Rasuullada 7:55 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan,

Falimaha Rasuullada 7:56 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan.

Falimaha Rasuullada 7:57 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii.

Falimaha Rasuullada 7:58 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos.

Falimaha Rasuullada 7:59 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado.

Falimaha Rasuullada 7:60 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.

Available Bible Translations

American Standard Version
Acts 7 (ASV) »
King James Version
Acts 7 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Acts 7 (GW) »
Berean Bible
Acts 7 (BSB) »
World English Bible
Acts 7 (WEB) »
Louis Segond 1910
Actes 7 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
प्रेरितों के काम 7 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਰਸੂਲਾਂ ਦੇ ਕਰਤੱਬ 7 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
पশিষ্যচরিত 7 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
அப்போஸ்தலருடைய நடபடிகள் 7 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
प्रेषितांचीं कृत्यें 7 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
అపొస్తలుల కార్యములు 7 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પ્રેરિતોનાં ક્રત્યો 7 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಅಪೊಸ್ತಲರ ಕೃತ್ಯಗಳು 7 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَعْمَالُ ٱلرُّسُلِ 7 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
מעשי השליחים 7 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Atos 7 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Công Vụ Các Sứ đồ 7 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Hechos 7 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Atti 7 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
使 徒 行 传 7 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
使 徒 行 傳 7 (CUVT) »
Библия на русском
Деяния 7 (RUSV) »
Українська Біблія
Дії 7 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Apostolok 7 (KAR) »
Българска Библия
Деяния 7 (BULG) »
聖書 日本語
使徒行伝 7 (JPN) »
De Heilige Schrift
Handelingen 7 (NLD) »

Falimaha Rasuullada (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters