Falimaha Rasuullada Chapter 4 SOM Bible Verse Images

Falimaha Rasuullada 4 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Falimaha Rasuullada 4 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Falimaha Rasuullada 4:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen,

Falimaha Rasuullada 4:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay.

Falimaha Rasuullada 4:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd.

Falimaha Rasuullada 4:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay abbaaraha shan kun.

Falimaha Rasuullada 4:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen;

Falimaha Rasuullada 4:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd.

Falimaha Rasuullada 4:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

Falimaha Rasuullada 4:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

Falimaha Rasuullada 4:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,

Falimaha Rasuullada 4:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.

Falimaha Rasuullada 4:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka.

Falimaha Rasuullada 4:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.

Falimaha Rasuullada 4:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.

Falimaha Rasuullada 4:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.

Falimaha Rasuullada 4:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,

Falimaha Rasuullada 4:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

Falimaha Rasuullada 4:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin.

Falimaha Rasuullada 4:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin.

Falimaha Rasuullada 4:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;

Falimaha Rasuullada 4:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.

Falimaha Rasuullada 4:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

Falimaha Rasuullada 4:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood.

Falimaha Rasuullada 4:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan.

Falimaha Rasuullada 4:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan;

Falimaha Rasuullada 4:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
kii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi, Quruumuhu maxay u cadhoodeen, Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn?

Falimaha Rasuullada 4:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Boqorrada dhulku col bay u taagnaayeen. Taliyayaashuna intay is-urursadeen Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa;

Falimaha Rasuullada 4:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen,

Falimaha Rasuullada 4:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan.

Falimaha Rasuullada 4:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiin Rabbiyow, eeg, way na cabsiinayaane; haddaba addoommadaada sii dhiirranaan oo dhan oo ay ereygaaga ku sheegaan,

Falimaha Rasuullada 4:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
intii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise.

Falimaha Rasuullada 4:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo markay tukadeen dabadeed, meeshay ku urursanaayeen baa gariirtay; oo dhammaantood waxaa ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo ereygii Ilaah bay dhiirranaan ugu hadleen.

Falimaha Rasuullada 4:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen.

Falimaha Rasuullada 4:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay.

Falimaha Rasuullada 4:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Mid wax la'aana iyaga kuma jirin, waayo, in alla intii dhul ama guryo lahayd way iibiyeen, oo qiimihii wixii la iibiyey ayay keeneen,

Falimaha Rasuullada 4:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo rasuullada soo hor dhigeen; oo waxaa wax loo qaybshay mid kasta siduu wax ugu baahnaa.

Falimaha Rasuullada 4:36 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa Yuusuf oo rasuulladu ugu yeedhi jireen Barnabas, kan lagu micneeyey Wiilkii dhiirigelinta, oo qoladiisu Laawi ahayd oo reer Qubrus u dhashay,

Falimaha Rasuullada 4:37 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
intuu beer uu lahaa iibshay ayuu lacagtii keenay oo soo hor dhigay rasuullada.

Available Bible Translations

American Standard Version
Acts 4 (ASV) »
King James Version
Acts 4 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Acts 4 (GW) »
Berean Bible
Acts 4 (BSB) »
World English Bible
Acts 4 (WEB) »
Louis Segond 1910
Actes 4 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
प्रेरितों के काम 4 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਰਸੂਲਾਂ ਦੇ ਕਰਤੱਬ 4 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
पশিষ্যচরিত 4 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
அப்போஸ்தலருடைய நடபடிகள் 4 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
प्रेषितांचीं कृत्यें 4 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
అపొస్తలుల కార్యములు 4 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
પ્રેરિતોનાં ક્રત્યો 4 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಅಪೊಸ್ತಲರ ಕೃತ್ಯಗಳು 4 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَعْمَالُ ٱلرُّسُلِ 4 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
מעשי השליחים 4 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Atos 4 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Công Vụ Các Sứ đồ 4 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Hechos 4 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Atti 4 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
使 徒 行 传 4 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
使 徒 行 傳 4 (CUVT) »
Библия на русском
Деяния 4 (RUSV) »
Українська Біблія
Дії 4 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Apostolok 4 (KAR) »
Българска Библия
Деяния 4 (BULG) »
聖書 日本語
使徒行伝 4 (JPN) »
De Heilige Schrift
Handelingen 4 (NLD) »

Falimaha Rasuullada (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters