Maahmaahyadii Chapter 23 SOM Bible Verse Images

Maahmaahyadii 23 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Maahmaahyadii 23 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Maahmaahyadii 23:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,

Maahmaahyadii 23:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo mindi cunaha iska saar Haddaad tahay nin hunguri weyn.

Maahmaahyadii 23:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.

Maahmaahyadii 23:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.

Maahmaahyadii 23:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.

Maahmaahyadii 23:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,

Maahmaahyadii 23:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.

Maahmaahyadii 23:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.

Maahmaahyadii 23:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

Maahmaahyadii 23:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,

Maahmaahyadii 23:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.

Maahmaahyadii 23:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.

Maahmaahyadii 23:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.

Maahmaahyadii 23:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.

Maahmaahyadii 23:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.

Maahmaahyadii 23:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.

Maahmaahyadii 23:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.

Maahmaahyadii 23:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.

Maahmaahyadii 23:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

Maahmaahyadii 23:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,

Maahmaahyadii 23:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.

Maahmaahyadii 23:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.

Maahmaahyadii 23:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.

Maahmaahyadii 23:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.

Maahmaahyadii 23:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.

Maahmaahyadii 23:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.

Maahmaahyadii 23:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.

Maahmaahyadii 23:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.

Maahmaahyadii 23:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh?

Maahmaahyadii 23:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray.

Maahmaahyadii 23:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.

Maahmaahyadii 23:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa.

Maahmaahyadii 23:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.

Maahmaahyadii 23:34 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada, Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda.

Maahmaahyadii 23:35 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin. Way i garaaceen, iskamana aanan garan; Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa.

Available Bible Translations

American Standard Version
Proverbs 23 (ASV) »
King James Version
Proverbs 23 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Proverbs 23 (GW) »
World English Bible
Proverbs 23 (WEB) »
Louis Segond 1910
Proverbes 23 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
नीतिवचन 23 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਕਹਾਉਤਾਂ 23 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
হিতোপদেশ 23 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
நீதிமொழிகள் 23 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
नीतिसूत्रे 23 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
సామెత 23 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
નીતિવચનો 23 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಜ್ಞಾನೋಕ್ತಿಗಳು 23 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَمْثَالٌ 23 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
משלי 23 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Provérbios 23 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Châm Ngôn 23 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Proverbios 23 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Proverbi 23 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
箴 言 23 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
箴 言 23 (CUVT) »
Библия на русском
Притчи 23 (RUSV) »
Українська Біблія
Екклезіяст 23 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Példabeszédek 23 (KAR) »
Българска Библия
Притчи 23 (BULG) »
聖書 日本語
箴言 23 (JPN) »
De Heilige Schrift
Spreuken 23 (NLD) »

Maahmaahyadii (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters