Maahmaahyadii Chapter 30 SOM Bible Verse Images

Maahmaahyadii 30 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Maahmaahyadii 30 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Maahmaahyadii 30:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwanu waa erayadii Aaguur ina Yaaqeh, oo ahaa reer Masaa. Ninku wuxuu la hadlay Iitii'eel, iyo xataa Iitii'eel iyo Ukaal, oo ku yidhi,

Maahmaahyadii 30:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hubaal anigu waan ka doqonnimo weynahay nin kastaba, Oo dad waxgarashadiisana ma lihi.

Maahmaahyadii 30:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Xigmad ma aan baran, Aqoonta Kan quduuska ahna ma aqaan.

Maahmaahyadii 30:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Yaa samada u baxay, oo ka soo degay? Yaa dabaysha gacmihiisa ku soo ururshay? Yaa biyaha dharkiisa ku guntay? Yaa dhulka darafyadiisa oo dhan dhisay? Magicii, wiilkiisana magicii, haddaad taqaan?

Maahmaahyadii 30:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Eray kasta oo Ilaah waa daahir; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.

Maahmaahyadii 30:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Erayadiisa waxba ha ku darin, Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.

Maahmaahyadii 30:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laba waxyaalood ayaan ku weyddiistay, Iyaga ha ii diidin intaanan dhiman.

Maahmaahyadii 30:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wax aan waxtar lahayn iyo been iga fogee, Oo caydhnimo iyo taajirnimo midna ha i siin. Igu quudi cunto aanan ka maarmin,

Maahmaahyadii 30:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.

Maahmaahyadii 30:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.

Maahmaahyadii 30:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.

Maahmaahyadii 30:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa jira farcan isla daahirsan, Oo weliba aan nijaastoodii ka maydhmin.

Maahmaahyadii 30:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa jira farcan indhahoodu aad u sarreeyaan! Oo daboolka indhahoodana kor bay u qaadaan.

Maahmaahyadii 30:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa jira farcan ilkahoodu sida seefo oo kale yihiin, oo gowsahooduna sida mindiyo oo kale yihiin, Si ay masaakiinta dhulka uga baabbi'iyaan, oo ay kuwa baahanna dadka dhexdiisa uga dhammeeyaan.

Maahmaahyadii 30:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Culaacushu waxay leedahay laba gabdhood, oo leh, Na sii, Na sii. Waxaa jira saddex waxyaalood oo aan weligood dhergin, Haah, oo afar aan odhan, Bes, nagu filan;

Maahmaahyadii 30:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaana weeye qabriga, iyo maxalka aan wax dhalayn, Iyo dhulka aan biyo ka dhergayn, Iyo dabka aan odhan, Bes, igu filan.

Maahmaahyadii 30:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Isha aabbaheed ku majaajiloota, Oo quudhsata inay hooyadeed addeecdo, Waxaa la soo bixi doona tukayaasha dooxada, Oo waxaa cuni doona gorgorrada.

Maahmaahyadii 30:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo, Haah, afar baan garan waayay,

Maahmaahyadii 30:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo, Siduu masna dhagax ugu socdo, Siday doonnina badda u maaxdo, Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.

Maahmaahyadii 30:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.

Maahmaahyadii 30:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa, Oo afar baanu qaadan karin,

Maahmaahyadii 30:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo, Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,

Maahmaahyadii 30:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.

Maahmaahyadii 30:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar, Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.

Maahmaahyadii 30:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn, Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.

Maahmaahyadii 30:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Walooyinku waa qoon taagdaran, Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;

Maahmaahyadii 30:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ayaxu boqor ma leh, Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.

Maahmaahyadii 30:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.

Maahmaahyadii 30:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.

Maahmaahyadii 30:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,

Maahmaahyadii 30:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.

Maahmaahyadii 30:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya, Ama aad wax shar ah ka fikirtay, Gacanta afka saar.

Maahmaahyadii 30:33 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan, Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa, Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.

Available Bible Translations

American Standard Version
Proverbs 30 (ASV) »
King James Version
Proverbs 30 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Proverbs 30 (GW) »
World English Bible
Proverbs 30 (WEB) »
Louis Segond 1910
Proverbes 30 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
नीतिवचन 30 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਕਹਾਉਤਾਂ 30 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
হিতোপদেশ 30 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
நீதிமொழிகள் 30 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
नीतिसूत्रे 30 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
సామెత 30 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
નીતિવચનો 30 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಜ್ಞಾನೋಕ್ತಿಗಳು 30 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَمْثَالٌ 30 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
משלי 30 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Provérbios 30 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Châm Ngôn 30 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Proverbios 30 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Proverbi 30 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
箴 言 30 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
箴 言 30 (CUVT) »
Библия на русском
Притчи 30 (RUSV) »
Українська Біблія
Екклезіяст 30 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Példabeszédek 30 (KAR) »
Българска Библия
Притчи 30 (BULG) »
聖書 日本語
箴言 30 (JPN) »
De Heilige Schrift
Spreuken 30 (NLD) »

Maahmaahyadii (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters