Maahmaahyadii Chapter 20 SOM Bible Verse Images

Maahmaahyadii 20 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Maahmaahyadii 20 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Maahmaahyadii 20:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.

Maahmaahyadii 20:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.

Maahmaahyadii 20:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.

Maahmaahyadii 20:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo, Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.

Maahmaahyadii 20:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer, Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.

Maahmaahyadii 20:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda, Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?

Maahmaahyadii 20:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda, Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis.

Maahmaahyadii 20:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.

Maahmaahyadii 20:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?

Maahmaahyadii 20:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.

Maahmaahyadii 20:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa, Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.

Maahmaahyadii 20:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dhegta wax maqasha iyo isha wax aragtaba, Labadaba Rabbigaa sameeyey.

Maahmaahyadii 20:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.

Maahmaahyadii 20:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay, Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.

Maahmaahyadii 20:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.

Maahmaahyadii 20:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.

Maahmaahyadii 20:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay, Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.

Maahmaahyadii 20:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo, Oo waano wanaagsan ku dagaallan.

Maahmaahyadii 20:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.

Maahmaahyadii 20:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.

Maahmaahyadii 20:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.

Maahmaahyadii 20:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ha odhan, Shar baan ka abaalgudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.

Maahmaahyadii 20:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.

Maahmaahyadii 20:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga, Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?

Maahmaahyadii 20:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus, Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.

Maahmaahyadii 20:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.

Maahmaahyadii 20:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga, Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.

Maahmaahyadii 20:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.

Maahmaahyadii 20:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda, Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.

Maahmaahyadii 20:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka, Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.

Available Bible Translations

American Standard Version
Proverbs 20 (ASV) »
King James Version
Proverbs 20 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
Proverbs 20 (GW) »
World English Bible
Proverbs 20 (WEB) »
Louis Segond 1910
Proverbes 20 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
नीतिवचन 20 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
ਕਹਾਉਤਾਂ 20 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
হিতোপদেশ 20 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
நீதிமொழிகள் 20 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
नीतिसूत्रे 20 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
సామెత 20 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
નીતિવચનો 20 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
ಜ್ಞಾನೋಕ್ತಿಗಳು 20 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
أَمْثَالٌ 20 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
משלי 20 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
Provérbios 20 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
Châm Ngôn 20 (VIE) »
Reina Valera Antigua
Proverbios 20 (RVA) »
La Sacra Bibbia
Proverbi 20 (RIV) »
圣 经 简体中文和合本
箴 言 20 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
箴 言 20 (CUVT) »
Библия на русском
Притчи 20 (RUSV) »
Українська Біблія
Екклезіяст 20 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
Példabeszédek 20 (KAR) »
Българска Библия
Притчи 20 (BULG) »
聖書 日本語
箴言 20 (JPN) »
De Heilige Schrift
Spreuken 20 (NLD) »

Maahmaahyadii (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters