Taariikhdii Kowaad Chapter 23 SOM Bible Verse Images

Taariikhdii Kowaad 23 Bible Verse Pictures. Choose from a large collection of inspirational, motivational and encouraging Bible verses with pictures of nature. Download and share Taariikhdii Kowaad 23 inspirational Bible verse images. Bible verse pictures were created based on verses from the Somali Bible (SOM). The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'ale Version.

Copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- Kenya
Language: Somali
Translation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska Ah - This translation, published by the SIM, was published in 2008. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at PO Box 72983, Nairobi, Kenya. This translation text is made available to you under the terms of the Creative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission to port the text to different file formats, as long as you do not change any of the text or punctuation of the Bible.

You may share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from this work, provided that you include the above copyright information:

  • You must give Attribution to the work.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not make any derivative works that change any of the actual words or punctuation of the Scriptures.

Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact SIM International with your request.

This translation is made available to you under the terms of the Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0. You may share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format, provided that:

  • You include the above copyright and source information.
  • You do not sell this work for a profit.
  • You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures

Credits: In addition, we would like to give very special thanks to eBible.org for making Holy Bible in the Somali language available in MySQL format.


Taariikhdii Kowaad 23:1 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Haddaba Daa'uud wuu gaboobay, wuuna da' weynaa, markaasuu reer binu Israa'iil boqor uga dhigay wiilkiisii Sulaymaan.

Taariikhdii Kowaad 23:2 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo wuxuu soo wada ururiyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba.

Taariikhdii Kowaad 23:3 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin.

Taariikhdii Kowaad 23:4 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno,

Taariikhdii Kowaad 23:5 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi.

Taariikhdii Kowaad 23:6 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

Taariikhdii Kowaad 23:7 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Reer Gershoon waxaa ahaa Lacdaan iyo Shimcii.

Taariikhdii Kowaad 23:8 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilashii Lacdaan waxay ahaayeen saddex, waana Yexii'eel oo madax ahaa, iyo Seetaam, iyo Yoo'eel.

Taariikhdii Kowaad 23:9 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilashii Shimciina waxay ahaayeen saddex, waana Shelomood, iyo Xasii'eel, iyo Xaaraan, kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinkii reer Lacdaan.

Taariikhdii Kowaad 23:10 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaa wiilashii Shimcii ahaa Yaaxad, iyo Siinaa, iyo Yecuush, iyo Beriicaah. Afartaasuba waxay ahaayeen wiilashii Shimcii.

Taariikhdii Kowaad 23:11 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.

Taariikhdii Kowaad 23:12 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen afar, waana Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon iyo Cusii'eel.

Taariikhdii Kowaad 23:13 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilashii Camraamna waxay ahaayeen Haaruun iyo Muuse, oo Haaruun waxaa gooni looga dhigay inay isagii iyo wiilashiisuba weligood quduus ka dhigaan waxyaalaha ugu wada quduusan iyo inay Rabbiga hortiisa foox ku shidaan, oo ay u adeegaan oo ay weligoodba magiciisa ku duceeyaan.

Taariikhdii Kowaad 23:14 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Laakiinse Muuse oo ahaa nin Ilaah wiilashiisii waxaa lagu tiriyey qabiilka reer Laawi.

Taariikhdii Kowaad 23:15 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilashii Muusena waxay ahaayeen Gershoom iyo Eliiceser.

Taariikhdii Kowaad 23:16 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ina Gershoomna wuxuu ahaa Shebuu'eel oo madax ahaa.

Taariikhdii Kowaad 23:17 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ina Eliiceserna wuxuu ahaa Rexabyaah oo madax ahaa. Oo Eliiceser innaba wiilal kale ma lahayn, laakiinse Rexabyaah wiilashiisu aad bay u badnaayeen.

Taariikhdii Kowaad 23:18 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Ina Isehaarna wuxuu ahaa Shelomiid oo madax ahaa.

Taariikhdii Kowaad 23:19 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilashii Xebroonna waxay ahaayeen Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.

Taariikhdii Kowaad 23:20 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilashii Cusii'eelna waxay ahaayeen Miikaah oo madax ahaa, iyo Yishiyaah oo ahaa kii labaad.

Taariikhdii Kowaad 23:21 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Wiilashii Maxliina waxay ahaayeen Elecaasaar iyo Qiish.

Taariikhdii Kowaad 23:22 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Elecaasaarna wuxuu dhintay isagoo gabdho keliya mooyaane aan wiilal lahayn, oo waxaa gabdhihiisii guursaday reer Qiish oo ahaa ilma-adeerradood.

Taariikhdii Kowaad 23:23 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Wiilashii Mushiina waxay ahaayeen saddex, waana Maxlii iyo Ceeder iyo Yereemood.

Taariikhdii Kowaad 23:24 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

Taariikhdii Kowaad 23:25 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil dadkiisuu nasiyey, oo weligiis wuxuu deggan yahay Yeruusaalem.

Taariikhdii Kowaad 23:26 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Weliba reer Laawina mar dambe uma baahan doonaan inay qaadaan taambuugga iyo weelashiisa lagaga adeego oo dhan.

Taariikhdii Kowaad 23:27 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

Taariikhdii Kowaad 23:28 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga.

Taariikhdii Kowaad 23:29 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo weliba waxay kala hagaajin jireen kibistii tusniinta iyo burkii laga dhigi jiray qurbaan jidhiidh ah, hadduu ahaa kibis aan khamiir lahayn ama tii digsiga lagu dubi jiray, amase tii la qoyn jiray, iyo cayn kasta oo ah qiyaas iyo miisaan,

Taariikhdii Kowaad 23:30 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
iyo inay subax kasta u istaagaan inay Rabbiga ku mahadnaqaan oo ammaanaan, oo haddana habeenkiina saasoo kalay yeeli jireen.

Taariikhdii Kowaad 23:31 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
Oo haddana waxay had iyo goor Rabbiga hortiisa ku bixin jireen qurbaanno la gubo oo dhan, waxayna bixin jireen sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha, waxayna u bixin jireen si waafaqsan tiradoodii qaynuunka ku qornayd,

Taariikhdii Kowaad 23:32 (SOM)
Square Portrait Landscape 4K UHD
wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.

Available Bible Translations

American Standard Version
1 Chronicles 23 (ASV) »
King James Version
1 Chronicles 23 (KJV) »
GOD’S WORD® (GW)
1 Chronicles 23 (GW) »
World English Bible
1 Chronicles 23 (WEB) »
Louis Segond 1910
1 Chroniques 23 (LSG) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - हिंदी
1 इतिहास 23 (HINIRV) »
ਭਾਰਤੀ ਸੋਧਿਆ ਹੋਇਆ ਸੰਸਕਰਣ - ਪੰਜਾਬੀ
1 ਇਤਿਹਾਸ 23 (PANIRV) »
ভারতীয় সংশোধিত সংস্করণ - বাংলা
1 বংশাৱলি 23 (BENIRV) »
இந்தியன் ரீவைஸ்டு வேர்ஷன் - தமிழ்
1 நாளாகமம் 23 (TAMIRV) »
इंडियन रिवाइज्ड वर्जन - मराठी
1 इतिहास 23 (MARIRV) »
ఇండియన్ రేవిజ్డ్ వెర్షన్ - తెలుగు
1 దినవృత్తాంతాలు 23 (TELIRV) »
ઇન્ડિયન રિવાયઝ્ડ વર્ઝન - ગુજરાતી
1 કાળવૃતાંત 23 (GUJIRV) »
ಭಾರತೀಯ ಪರಿಷ್ಕೃತ ಆವೃತ್ತಿ - ಕನ್ನಡ
1 ಪೂರ್ವಕಾಲವೃತ್ತಾಂತ 23 (KANIRV) »
الكتاب المقدس باللغة العربية، فان دايك
١ أخبار 23 (AVD) »
תנ ך עברי מודרני
דברי הימים א 23 (HEB) »
Bíblia Sagrada Português
1 Crônicas 23 (BSL) »
Kinh Thánh: Tiếng Việt
1 Sử Ký 23 (VIE) »
Reina Valera Antigua
1 Crónicas 23 (RVA) »
圣 经 简体中文和合本
历 代 志 上 23 (CUVS) »
聖 經 繁體中文和合本
歷 代 志 上 23 (CUVT) »
Bibla e Shenjtë
1 Kronikave 23 (ALB) »
Библия на русском
1 Паралипоменон 23 (RUSV) »
Українська Біблія
1 хроніки 23 (UKR) »
Szent Biblia - Magyar
1 Krónika 23 (KAR) »
Българска Библия
1 Летописи 23 (BULG) »
De Heilige Schrift
1 Kronieken 23 (NLD) »

Taariikhdii Kowaad (SOM) Chapter Selection

SOM Book Selection List

View full list of SOM Bible Books and Chapters